Ciyaar xiisa badan ayaa halkaasi ku dhex martay koox mataleysay xidigihii hore ee cuslaaday iyo koox dhalinyaro ah oo ka socotay hey'adda CCD, iyadoo cayaartoyda xidigihii hore ay waacadaro ka rideen halkaasi, taasi oo dib u soo xusuusisay dadkii daawanayay.
Ciyaarta oo ka dhacday Garoonka Olyombic Fitnes Center ee degmada Xamar Weyne ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiga, Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyed iyo Hey'adda CCD, waxaana ka soo qeyb galay Ciyaartoydii hore, wakiilo ka socday xiriirada kubada cagta iyo Saraakiil ka socotay Hey'adda CCD.
Agaasimaha GOS Xaaji Colow oo hadal gaaban ka jeediyay tartanka ayaa ugu horeyn sheegay in aysan hilmaami doonin waayihii Allaha u naxariistee Marxuum Shiikhaalow, isagoo sheegay in tartankan mid ka weyn ay u dhigi doonaan.

Waxaa fagaarahaasi ka hadlay dhowr cayaaryahan oo ay kamid ahaayeen Cabdulqaadir Waraabe oo ahaa Halyeyga Marathonka Soomaaliya,Maxamed Ibraahim 'Adkeysi', Tababaraha xulka qaranka Soomaaliya Macallim Fara yare oo dhamaantooda xusay doorkii Marxuum Shiikhaalow iyo wacdarihii uu kulahaa gudaha garoonka ciyaaraha; waxayna dhamaantood Ilaahay uga baryeen inuu Janadii ka waraabiyo.

G-News
Cabdurashiid Xasan Cadde "Qaraare"
cxc45@hotmail.com
Source: Jilibwayn