|    Register
 
Thursday, September 09, 2010
Article Details
"Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun". Laacib Shiikhaaloow Oo Geeriyooday

Allaha ha u naxariistee waxaa ay daqiiqado ka hor ummadda Somaaliyeed gaar ahaan bahda isbortiga ka geeriyooday  Laacib astaan u ah ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee xirfadda kubadda cagta hibada Illaah u siiyay si weyna looga yaqaano dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba Waana Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow}.

Geerida Laacibka weyn ee Soomaaliyeed Shiikhaaloow ayaa sida uu noo sheegay walaalkiisa waxaa ay ka danbaysay ka dib markii uu wadnuhu istaagay xilli uu marayay agagaarka Shineemo Misione ee degmada Xamar weyne.

Marxuum Macalin Sheekhaaloow waxaa uu ka tirsanaa Xulka Qaranka Soomaaliya iy kooxdii Dowladda Hoose ee [Municipio]  waxaana uu ahaa laacib caan ku ah farsamaynta kubadda iyo goolal dhalinta taaso uu ku mutaysatay magaca weyn ee uu maanta ku dhexleeyahay bahda isboortiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Allaha ha u naxariixtee Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow} waxaa uu burburka dalka ka dib uu si weyn ugu howlanaa tabababarida iyo dhisida farsamada ciyaaryahanada soo koraya waxaa uu soo leyliyay kooxo badan isagoo soo saaray ciyaaryahano maanta metelayo qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu ifka kaga tegay sagaal caruur iyo xaas , Bahda Isboortiga maamulka iyo wariyeyaashaba warbaahintan waxay u dirayaan tacsi tiiraanyo leh, Illaahna waxaan ugu baryaynaa Naxariistiisa Jano inuu ka waraabiyo  Amiin... Amiin.

Isboorti Chief Editor

Said Ibrahim Hussein (Buuna)

---------------------------------------------------------------------------------------

Guddoomiyaha ururka Somali Soports Association "SSAUK", guddoomiye ku xigeenada, xubnaha iyo dhamaan kooxaha xubnaha ka ah ururkan ay ku bahoobeen cayaartoydii hore ee dalka ayagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee ku timid cayaaryahankii hore ee kubadda cagta kooxdii Mogadishu iyo xullkii qaranka soomaaliyeed Maxamed Xuseen Cali "Shiikhaalow" waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan qoyskii, qaraabadii, bahwaynta sportga, cayaartoydii kooxdii Mogadishu iyo dhamaan eheladii uu ka geeriyooday marxuum Shiikhaalow, waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

Cayaartoydii hore ee tacsidan diraysa ayaa waxaa ka mid ah:

Maxamed Shidane Buraale

Maxamed Ismaaciil Cali

C/Qaadir Maxamed Faarax “Biriq”

Siciid Xuseen Cayrow

Axmed Maxamuud Baliile “Abaliisha”

Muriidi Abanuur Abati

C/Xakiin Maxamuud “C/Xakiin Dheere”

Maxamed Axmed Daysane

Sakariya Maxamed Baliile

Cumar Muuse Ismaaciil

Bile Cali

Burci

Cumar Baadhe

Maxamuud Ismaaciil Xasan

Axmed Cabdulle Xirsi “Axmed Bile”

Maxamed faaqid

C/Laahi Cilmi Ereg

C/Laahi Muxiyaddiin

Siciid Geeseey

Cabdinuur Cali Rooble

Siciid Axmed Kaytoon

Maxamed Cali Weerow

Maxamed Cumar Calasow “Muftin”

C/Raxiin Cali Diiriye

Maxamed-Nur Xasan “Caddowle”

Maxamed Salaad

Cabdi Xaaji

Raage Ciire

Ismaaciil Maxamuud Makaraan “Ciilow”

Cabdiwali Maxamuud Afrax

Cabdifataa Qardoole

 

Iyo dhamaan maamulada iyo macalimiinta xubnaha ka ah ururkan SSAUK oo aanan halkan ku soo koobi karin. 

 

----------------------------------------------------------------------------------------------------

Tifatirayaasha shabakaddan cayaaraha Maxamuud Ismaaciil iyo Faarax Maxamed Cali "Blue" ayagoo ku hadlaaya magaca dhamaan qorayaasha shabakaddan waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan bahwaynta sport ga soomaaliyeed iyo umadda soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, eheladii iyo kooxdii Mogadishu geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xiddigii kubadda cagta kooxdii mogadishu iyo xulkii qaranka ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xuseen Cali "Shiikhaalow" waxayna ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo dhamaantoodna samir iyo iimaan ka siiyo.  Aamin

----------------------------------------------------------------------------------------------------Waxaan TACSI tiiraanyo leh u diraayaa ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan bahda isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan kubadda cagta, geeridii naxdinta lahayd ee ku ti mid walaalkeen Maxamed Xusseen Cali ( SHEEKHAALOW ).

Sida aan wada ognahay geeridu waa xaq waana mid nawada sugeysa, tanise waxayd ahayd mid aad aan uga naxay ugana xanuunsaday, maadaama uu SHEEKHAALOW ahaa saaxiib iyo walaalkey oo aan ku haminaayey mar un inaan u helo fursad aan meel uga wada shaqeyno, annagoo u adeegeyno qarankeena Soomaaliyeed. Marar badan oo aan ku wada sheekeysanay Hotel Mogadishu oo ku yaalay xaafadda Wardhiigley, ayuu iiga waramay sida uu diyaar ugu yahay una jecelyahay inuu kaalin weyn ka qaato horumarinta kubadda cagta Soomaaliyeed, balse aan fursadaas ama kalsoonidaas ka helin XSKCagta  

Sheekhaaloow; Waxaan si wanaagsan isugu baranay naadiga HORSEED dhamaadkii 1977 mar uu HORSEED u raacayey ciyaaro ka dhacaayey Kambala, Uganda.
Wuxuu ahaa nin aad qalbi furan aadna u farxad badan.

SHEEKHAALOOW; Wuxuu ku soo biiray ciyaaraha 1972/73, wuxuuna ciyaaraayey ilaa iyo 1984tii. Isla sannadkaas wuxuu ka mid noqda macallimiintii naadiga dowladda hoose.Waxaa uu u ciyaaray Naadigii dowladda hoose ee ( MUNICIPIO ) wuxuu u saftay QARANKA. Maxamed Xusseen; Wuxuu  ka mid yahay ciyaartoyda ugu horeysa oo magacooda lagu xuso marka laga hadlaayo ciyaartooydii soo maray Soomaaliya ee magac iyo mahadhaba ku reebtay qalbiga dadka Soomaaliyeed ee jecel kubadda cagta.

Halyey SKEEKHAALOW; Naxariista jannada Ilaah haka waraabiyo, annaga oo idilna samir allaha naga siiyo.

Macalin Khaliif - Canada

----------------------------------------------------------------------------------------------------

Anigoo ah Liban Gabeyre ex Badroolka waxaan halkaa tacsi ugu soo gudbinaayaa qoyskii iyo ehelada iyo dhamaan bahweynta isportiga geeridan naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow}.

 

waxaan illaahey uga baryaayaa in uu janada ka waraabiyo qabrigiisana illaah u waasiciyo,qoskii iyo eheladiis iyo dhamaan dahweynta isportiga Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan uu samir iyo iimaan inaga wada siiyo aamiin aamiin.

 

waxaan aniga nafteyda iyo dhamaan bahweynta isporiga kula dardaarmayaa in aysan qoska marxuunka gaar ahaan caruurtiisa aysan dayacmin oo aan garab galno waqtiga adag ee soo foodsaaray awgiis anagana illaah ayaa naga abaal marinaayo insha allaah..

 

 

Liban Gabeyre

 

Toronto Canada

 

 

  Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

 

Aniga oo ah gudoomiye ku xigeynkii hore ee xskc mudane Abdulkadir Mohamud Abdulle(cabdicadde) waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan bahda sportiga somaliyeed meel walba ay joogaan  aniga oouga tacsiyeynayo geeridii naxdinta laheyd oo ku timid marxuum Mahamed Hussen Ali (Shiiqaalow) oo maanta ku geeriyooday magalada muqdisho  waxaan leyahay ilaah naxariistiisa janao ha ka warabiyo qarabadii iyo qoyskiisana samir iyo iiman alaha ka siiyo  Aamiin Aamiin.

 

salamu caleykum

 

 Ilaahay janadii ha geeyee waxaa ka geeriyoodaybahda Sportga iyo umadda Soomaaliyeed oo dhan CAYARTOY UMMADA SOMALIYED QAALI KU AH gaar ahan BAHDA SPORTIGA SOMALIYEED Maxamed Xuseen Cali SHeekhaalow.

 

Maxamed Shiikhaalow waxaan kuwada dhalanay XAAFADA SHIBIS EE MANABOOLYO waxaan markii ugu horeysay iska hornimid ama wada cayaarnay cayaartii kama dambaysta ahayd ee cayaarihii gobolada 1973 dii anagoo kala matalaynay gobolada Banadir iyo Jubada Hoose oo aan anigu matalayey.

 

Cayaartaas waxaa 3iyo1 ku badiyay gobolka Jubada Hoose ayadoo 2 ka mid ah goolasha uu dhaliyay SUPER SHASH.

 

Shiikhaalow waxa uu ka mid ahaa cayaartoyda aan xusuusta aadka u dheer u leeyahay maalmaha aan ka hor imaanaya aan anaga oo dhan ugu diyaar garoobi jirnay si ka duwan kuwa kooxaha kale ama cayaartoyda kale.

 

Shiikhaalow waxa uu xusuus badan ku reebay dad badan gaar ahaan waxaa aad u tabaya ama uu meel wayn ka baneeyey bahda kubadda cagta iyo guud ahaan kuwa sportga ilaahay janadii ha geeyo.

 

waxan halkan tacsi uga diraya dhamaan bahda Sportga gaar ahaan kubadda cagta, ehelkii uu ka geeriyooday gaar ahaan caruurtiisa iyo xaaskiisaba.

 

WAXAD TAHAY LAMA HELMAAMAAN EE JANADII FERDOWSA ALHA WEYN HA KAA WARAABIYO SAMIR IYO IIMAANA HA NAGA SIIYO.  AAMIN AAMIN AAMIN

 

Waad mahadsantihiin

Super shash

The man of three kabtan "kabtan shash"

 

ASALAAMU CALEYKUM W/W
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
geeridu waa xaq qofkasta wuu dhimanaa .
 
dhamaan bahda isboortiga magaalada jeddah
guddiga isbooriga,tababarayaasha,cayaartoyda iyo taageerayaasha isboortiga soomaaliyeed
ee magaalada jeddah waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan umadda soomaaliyeed iyo asxaabtii iyo ehelkii uu ka geeriyooday  cayaaryahankii soomliyeed ee qaaliga ahaa
alle ha u naxariistee maxamed xuseen cali(shiikhaaloow)oo shalay ku geeriyooday magaalada muqdisho
waxaanu leenahay samir iyo iimaan alle hanaga wada siiyo isagana janadii fardowso alle haka waraabiyo.
waa geeri naxdin leh,waa cayaaryahan  aan la ilaawi doonin ,kana go' doonin maskaxda dadka isbootiga jecel
ee soomaliyeed ama aan dhihi karno qof kasta oo muwaadin soomaaliyeed ah.
 
guddiga isboortiga ee jeddahoo kala ah;
 
cali maxamed colaad (cali baashi)muqdisho
maxamed aweys w/isboortiga
xasan ibraahin nuur foodcadde
cali shiikh caddoow (badda)
KULUU(muqdisho)
yaaquub (waxool)
siid cali(goolhaye badda)
saalax baajaabir(gaadiidka)
moosmaan
saylac
aboor
maxamed xaaji
jamaal
kamaal maxamed eenoow
c/risaaq xalane
cumar kubri
calawi
xasan buubaaye
iyo muuse goosaar jeesoow

---------------------------------------------------------------------------------------

 

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, dhamaan bahweynta sportiga iyo Somalida ku nool wadanka Danmark waxeey tacsi tiiranyo leh halkaan uga diirayaan eheladiisa, bahweynta Isboortiga iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed weel walbo ay joogaan  geeridii ku timid allaha u naxariistee walaalkeen Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow}, oo taariikhdu ahayd 29/05/2010 si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho Soomaaliya. 

 

  1. Cali Cusman Xeyle  (Ali Buuji)
  2. Nuur Suufi Maxmed (Nuur Gaab)
  3. Cabdullaahi Shaacir
  4. Maxamed Cali (Guduudow)
  5. Abdulqaaliq (Ex Batroolka)
  6. Cabdirashid Abuukar (Odense)
  7. Xaaji Cali saalax
  8. Axmed Sheekh (Ugaaska)
  9. Maxamud Shiino
  10.  Xaaji Daahir Axmed
  11. Xaaji Yaxye
  12. Abdulaahi (Afjec)
  13. Muumin Cali Afrax
  14. Maxamed Aboor
  15. Abuukar A. Dahir (Arab)
  16. Cabdikarim Muse Faarah
  17. Seylac Axmed Xuseen
  18. Maxamed Cumar Cali (Baasi)
  19. Maxamed Cabdulle Maxamud (Diite)
  20. Jamaal Cabdullahi Cali
  21. Salaad Bikalo
  22. Bashiir Cabdullahi Xaji
  23. Cabdullahi Khaliif Fiiqow (Siite)
  24. Maxamud Sacid Cusman (Surka)
  25. Abdiwahab Hassan Ahmed (Dheeros)
  26. Siid Ali  Cumar (Jalbe)
  27. Mahad Axmed Diireye
  28. Cali Cadaani (Ali Malmo)
  29. Mohamed Abdulkadir Guled
  30. Maxamed A. Dahir (M. Arab)
  31. Nuur Cali (Nur Adunyo)
  32. Maxamed Shukri
  33. Cali Kalaay
  34. Maxamed Cabdulaahi Xaaji (Omaar)
  35. Khaalid Sheekh Xuseen (Macalinka)
  36. Cabdulaahi Cali cabdi (Ganey)
  37. Shariif Maxmed
  38. Abdi Muumin
  39. Aweys Maxamed Dhiblaawe
  40. Cabdiwali Cusman Jimcaale (Siyaasi)
  41. Yuusuf Cabdullahi Sheekh (Shabeele)
  42. kenadiid Cabdi Dahir (Kolding)
  43. Xasan Adan Xaaji Yabarow (Xasan Wiish)
  44. Cumar Xuseen Mooge

Iyo dhamaan cayaartooyda kooxaha kala duwan ee ka dhisan wadanka Danmark.

 

Marxuumka ayaa waxaa ilaah ugu baryaynaa janadii fardoowso, intii uu ka tagayna samir iyo iimaan Allah ka siiyo. Aamiin , Aamiin , Aamiin

-------------------------------------------------------------------------------------------------

 

Dhamaan bahweynta isboortiga ee Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden ee kala ah:

1. C/Laahi Axmed Tarabbi  (Xogahayaha Guud ee GOS)
2. Faarax Cali Macallin (Xogahaya Fulinta ee GOS ahna xoghayaha C/Fudud)
3. Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid)  (xogahaya xiriirka Teeniska) ahna garsoore FIFA
4. Axmed Xuseen Cumar (Garsoore FIFA)
5. Shaacir Afrax jiinoow (Naadigii Muqdisho)
6. Macow Xuseen Xasan (Naadigii MBC)
7. C/Laahi Xasan Dhaqaale (Kooxdii Somali fruit)
8. yaasiin Maaxi macallin (Naadigii Badda)

 

Waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan marxuum Maxamed Xuseen Shiikhaaloow oo ka mid ahaa cayaartoydii naadiga Munishiibiyo iyo Xulka Qaranka Soomaaliya iyo weliba macallin xulka qaranka Soomaaliya qabta.
 
Dhamaan eheladii uu kageeriyooday marxuumka iyo bahweynta isboortiga soomaliyeedba waxay alla uga baryayayaan inuu samir iyo iimaan saadaqa ka siiyo marxuumkana janadi farsowsa Allah ka wabaariyo
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

By: Cali Maxamed Axmed (Cali-saciid)  (xogahaya xiriirka Teeniska) ahna garsoore FIFA

Email: calisaciid75@hotmail.com

------------------------------------------------------------------------------------

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun 

 

WAXAAN HALKAAN TACSI UGA DIRANAA XAASKA MACALIM SHIQAALOOW IYO BAHDA SPORT EE SOOMALIYEED  GEERIDA NAXXDINTA LEH EE KU TIMID MACALIN SHIQAALOOW ILAAH WAXAAN UGA BARYANAA JANADII FARDOWSA AMIIN  AMIIN

ANAGOO KALA AH:

CIILOOW

MACALEEY

ALI HASSAN

ABDIWALI

ABDIFITAX QARDOOLE

ABDIBASKET

SACIIDYARE

BASHIRBORTIYEERI

AHMADEYMALAAY

AJANKA MADAXEY

YAHYE CAMUDI

CABAAS

BASHIR CARAB

SALEEMAN

ABDIAZIZ GUREY

FUAD GAAB

 

IYO DHAMAAN DHALINYARADII IYO CAYAARTOYDII NAADIGA MUQDISHO

--------------------------------------------------------------------------------

Dhammaan Jaaliyeed Sports Soomaaliyeed ee wadanka Uganda ee kala ah:

Liibaan Maxamud Maxamed (Bataati) Guddoomiye

Yuusuf Wehliye Maalin, Ku xigeen

Cigaal Maxamed Cali, Xoghaye

Bashiir Diiriye Naaleeye, Tababaraha Jaaliyadda

Faarax Blue

C/llaahi Dhagnaas

Cali Amoore

Galeyr

Dayax

Cali Siciid

Hassan Geescade

Qadar Warjiid

Isloow

Buukaale

Cali Gurhan

Xasan Biid

Tata

Aba Shiiq

Yaxye Cadoow

iyo dhammaan Soomaalida wadankan Uganda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaaha u Naxariistee Laacibkii hore ee xulka qaranka K/cagta Soomaaliyeed Marxuum Maxamed Xuseen Cali {Shiikhaaloow} oo dhawaan ku geeriyooday magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxayna Illaahey uga baryayaaan inuu Jannadii Firdowso ka waraabiyo. AAAmiiin,,, AAmiiiiin.

----------------------------------------------------

INA LILAAHI WA INA ILLAYN RAJACUUN 
                                  
WAXAAN BAHDA ISPORTISKA SOMALIYEED IYO NAADIGA MUQDISHO U DIREYNAA  TACSIYO, GEERIDDII KU TIMID CAYAARTOOY HEER QARAN MARXUM  MAXAMED HUSEEN CALI (SHIIKHAALOW) INUU SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO BAHDA ISPORTISKA, NAADIGA MUQDISHO IYO EHELADDA UU KA GEERIYOODAY  AAMIIN MARXUMKAN JANADUL FARDOWSA.
 
WAXAAN DIRAYAAN CAYAARTOOYDDA KALA AH
 
Cabdi Maxamed (cabdi dheere)
xuseen  dheere
cilmi nur
cusmaan xalane
kaamil cabdulcasiis
abukar shiino
shiikha
maclin idiris
ugaas
cabdi xalwo
xasan abati
xasan muuse
madexey
maxamud ciise
muudey
najiib ciise
shiino madowe
cali yusuf
cumar cadde
jangow
saciid dheere
saley
cabdulaahi cadde
cabdi cadde
cabdicasiis abati
muslimiin
samatar
sucaado diriye
geni nur
cabdulaahi
duwe
guleed
jamac silsilo
maxamed c/qaadir
cilmi yare
cusmaan maxamed guleed

-------------------------------------------------------------------------------------------------

 

 

Tacsida Shiikhaalow noogu soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk 

 

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 5/29/2010
Number of Views: 1562

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use