|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Ciyaartooyda Brazil Oo Midkiiba La Siin Doono 350 Kun Hadey Lixeestaan Koobka Aduunka.

Xiriirka Dalka Brazil ayaa balanqaad u sameyn doono Ciyaartooyda Dalka Brazil ee ka qayb gali doonto Ciyaaraha Adduunka Ee bisha dambe ka furmi doono Dalka koonfurta Afrika. Jaraa'idyada ka soo baxa Dalka Brazil ayaa sheegaya in haddii Ciyaartooyda Xulka Brazil ay ku guuleysttaan Koobka Adduunka ee soo socdo lagu abaalmarin doono halkii ciyaaryahanba lacag gaareysa 350,000 Oo lacagta Brazil ah.

Wargayska ayaa intaas ku daray in Ciyaartooyda Dalka Brazil ay hatan ka warqabin balanqaadka Xiriirka Brazil, sisagoona sababta ku sheegay in wali uu Xerada ay ku tababarnayan Ciyaartooyda Brazil uusan soo gaarin Captain-ka Xulka Lucio,iyadoona uu xiriirka haatan sugayo Caaptain Lucio, madaama uu yahay ninka matalaya ciyaartooyda Qaranka Brazil.

Lucio oo ka mid ahaa Xiddighii kooxda Inter ee dhjawaanb hantay Champions League ayaa la filaa in maalmaha soo aadan uu ku soo biiro Xulka Brazil, isagoona la filayo inuu shir la qaato Xiriirka Brazil si loogu wargaliyo balanqaadka uu haatan diyaariyay Xiriirka.

Tabaraha hore Kooxda Inter Milan Jose Mourinho ayaa sagootiyay Dhamaan Ciyaartooyda, Shaqaalaha iyo Maamulka Kooxda Inter Milan, isagoona ka laab laabtay Magaalada Milano oo uu ku sugnaa labadii sano ee la soo dhaafay.

Mourinho ayaa markii uu ka soo baxay Xarunta Kooxda oo ku soo macsalaameeyay dhamaan xubnaha Naadiga ayaa isagoo saarnaa buurbuurkiisa isla markaasne ku wajahnaa Airport-ka ayaa waxuu darawalkiisa ku amray inuu joojiyo Gaariga si uu u macsalaameeyo Daafaca Inter Materazi oo fadhiyay Garoonka ay tababarka ku sameeyaan Ciyaartooyda Inter.

Materazzi ayaa la ilmeenayay ka tagitaanka Mourinho ee Kooxda,ka dib Mourinho ayaa u tagay Ciyaaryahanka, isagoona habsiiyay Ciyaaryahanka,iyagoona mudo daqiiqado ah ay wada ilmeeyeen Macalinka iyo ciyaartoyda. Mourinho ayaa la filaa in maalinta beri ah si rasmi ah loogu magacaabo xilka Tasbabranimo Kooxda Real Madrid.

Xulka Kubada Cagta Dalka Brazil ayaa xafitay booskii 1-aad ee qiimeynta Xulalka Adduunka ee bilaha ah oo ay maanta soo saartay Xiriirka Fifa. Qiimeyntaan ay Fifa maanta ku dhawaaqday ayaa waxey ku soo beegmeysaa Xilli ay labo isbuuc ka harsanyahiin Furitaanka Ciyaaraha Adduunka 2010.

Brazil oo shan jeer horay ugu guuleystay Koobka Adduunka ayaa kaalinta 1-aad waxuu ku galay dhibco gaaraya 1611,halka Xulka Spain oo ah guuleystahii Euro 2008 uu kaalinta 2-aad la fadhiyo 1565 dhibcood. Waxaa caajiibk ah ee Qiimeyntaan lagu arkay bishaan ayaa ah in wax is badal ah uusan ku dhicin 8-kaalimo ee ugu horeysa,iyadoona xulalkii ku jiray boosaskaasi bishii hore ay wali sidii u kala horeeyaan.

Xulkii ku jiray booska 3-aad bishii hore ee Portugal aya wali ku jirta,iyadoona kalainta 4-aad ilaa 8-aad ay xulalka sidaan u kala horeeyaan Xulakaka France Iyo Crotia ayaa kala badashay boosaskoodii bhsii hore ,iyadoo France ay kaalinta 9-aad soo cariirstay, halka Crotia ay booska 10-aad loo riixay.

Xulka Koonfur Afrika oo ah dalka martigalinayo Ciyaaraha Adduunka oo bisha dambe furmi doono ayaa ah Xulka ugu saameynta balaaran Qiimeyntaan,ka dib markii uu 7-kaalin sare u soo kacay, isagoona ka soo booday booska 90-aad,yimidne kaalinta 83-aad.

Xuseen Maxamed Cabdulle "Riiko"

Cayaaraha-Mogadishu


Written By: faaraxblue
Date Posted: 5/26/2010
Number of Views: 383

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use