|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Ururwaynaha cayaartoydii hore oo qabanaya tartankii kulaylaha 2010 ka.

Somali Sports Association in UK “War saxaafadeed”. 

Urur waynaha SSAUK oo ay ku bahoobeen qaar badan oo ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka iyo dhalinyarada ugu dhaqdhaqaaqa badan dhinaca horumarinta sport ga jaaliyadda soomaaliyeed ee Uk waxa uu si farxad leh u shaacinayaa in uu qaban doono tartankii ugu horeeyey ee xiliga kulaylaha ama fasaxa, kaasoo bilaaban doona 26 ka bisha July 2010 socona doona ilaa 4 ta bisha August 2010 ka.

Tartankan oo ka koobnaan doona kubadda cagta dhalinyarada ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Linford Christie Outdoor Sports Centre oo ku yaala galbeedka magaalada London waxaana isku arki doona qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan uguna faca wayn magaaladan London ayna layliyaan qaar ka mid ah cayaartoydii magaca iyo maamuuska ku lahaa dalkeena iyo macalimiin kale oo ayaguna qibrad u leh kubadda cagta.

 

Waxaa sidoo kale mudada uu tartankani socdo ka dhici doona garoonkaasi tartamo kubadda cagta ah oo dhexmari doono caruurta da’yar ta iyo waliba cayaartoydii hore ee dalka oo ayagu ka cuslaaday kubadda cagta.

 

Hadaba ayadoo si aad ah loo sugayey qabashada tartankan ee sanadkan maadaama uu yahay tartankii ugu horeeyey dalkan UK lagu qabto oo ay maamulkiisa iyo qabanqaabadiisaba hogaan u yihiin cayaartoydii hore ee dalka isla markaana la xadiday tirada kooxaha ka soo qaybgalaya sanadkan ayaa waxaa lagu wargelinayaa kooxaha soomaaliyeed ee danaynaya ka soo qaybgalka tartankan in ay u soo gudbiyaan codsigooda si dhakhso ah.

 

Ururwaynaha SSAUK waxa uu sidoo kale ku martigalinayaa ka soo qaybgalka tartankan dhamaan jaaliyadda soomaaliyeed ee Sport ga jecel kuna dhaqan magaaladan London iyo nawaaxigeeda, ururada jaaliyadda iyo ganacsatadaba si ay qayb uga noqdaan horumarinta dhalinyarada iyo caruurta soomaliyeed.  

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah iyo codsiga ka soo qaybgalkaba kala xariir xoghayaha ururkan Mohamed Hassan, emailka ah hassanbarre50@hotmail.com 

 

Press release in English.

 

SSAUK


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/26/2010
Number of Views: 295

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use