Ciyaartaan ayaa waxey aheyd finaalka Koobka ciyaartooyda Da'yarta Ee Champions League,iyadoona ay ka soo qayb galeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Gudomiyahay Xiriirka Uefa Michel Platini iyo Gudoomiyahay Naadiga Real Mdarid Florantina Perez.
Mas'uliyiinta horkacayay Kooxda Inter waxaa ka mid ahaa Ciyaaryahankii hore Kooxaha Inter iyo Real Madrid Luis Figo oo si weyn u taageerayay da'yarta Kooxda Inter oo wacdaro xoogan ka dhigay Garoonka.
Goolasha ay Kooxda Inter ku badisay waxaa u saxiixay Xiddiga qadka dhaxe Denis Albeck,kaasoo loo aqoonsaday ciyaaryahankii ugu wanagsanaa Ciyaataan.
Haddaba waxaa maalinta beri ah ciyaarta dhabta ah ee Finalka Koobka Horyaalada yurub Garoonka Bernabou ku dhex mari doontaa Kooxaha Inter iyo Bayern Munich.
Naadiga Bayern Munich ma u aar gudi doontaa da'yarteeda oo koobkii laga qaaday,mise Kooxda Inter ayaa mar kale Koobkii geyn doonto magaalada Milano?
Xuseen Riiko,
Cayaaraha, Muqdisho