|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Baaba-Makah iyo Sharbatle oo is mari waayey iyo Juba Airways oo la legdey

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Jeddah ee boqortooyada saudi arabia tartan loogu magac daray koobka horyaalka jeddah waxaana kulamadii ugu danbeeyey ay isu arkeen sidatan; Kulanka hore ayaa waxa uu dhex maray kooxaha JUBBA AIRWAYS iyo GOLEEY .

Cayaartaas oo bilaabatay 5:oo ayaa waxay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyo dardar taasoo ay lasoo baxeen labada kooxoodba iyadoo tartanka uu maraayo qaybihii ugu danbeeyey ee ay kooxuhu ugu soo baxayeen qaybta 2aad ee tartanka waxaana weeraro isdaba joog ah ka dib ay u suurto gashay kooxdii ku cayaaraysay magaca GOLEEY goolkii ugu horeeyey waxaana u saxeexay cayaaryahankooda lambarka 10aad waxaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii 2aad ayaa ayadana ku bilaabatay weeraro ay isku qaadayeen labada kooxood daqiiqadii 60aad ayaa goolkii barbar dhaca waxaa u saxiixay jubba airways cayaaryahan XAAJOOW,waxaa mar kaliya kacay taageerayaasha kooxda jubba oo soo buuxdhaafiyey garoonka iyagoo aad u taageerayey kooxdooda waxaanan ka liidan taageerayaasha kooxda kale ee goleey
 
Waxaana la isku qaaday weeraro lagu dhalin karay goolal badan siiba kooxda jubba airways oo shalay nasiibku ka hiiliyey sida ay ku andacoonayaan madaxda iyo tababarayaasha kooxda iyo cayaartoyadaba waxaan goolkii labaad kooxda goleey u saxiixay cayaaryahan reer sacuudi ah oo lambarka 9aad uga cayaara kooxda goleey waxayna cayaarta ku soo gebagebowday 2-1 oo ay ku guulaysteen kooxda goleey.
 
Kulankii labaad ayaa ahaa mid dhex maray kooxaha babmakah iyo sharbatle cayaartaas oo muhiim ahayd ayaa ayadana waxaa ay ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyo farsamo ay ku dheehan tahay qaab cayaareed wanaagsan labada kooxoodba waxaa u cayaara cayaartoy da'yar oo aad u cayaar wanaagsan ayaa waxay qaybtii hore ee cayaarta ku soo dhamaatay 0-0.

Qaybtii labaad ee cayaarta oo aad u xiiso badnayd ayaa ayadana aan waxba layska dhalin taasoo ku soo idlaatay 0-0 cayaartaas waxaa dhexdhexaadinayey cali maxamed colaad(cali baashi) basketkii muqdisho halka kulankii hore uu dhexdhexaadinaayey maxamedoow (llpp jeenyo)

Diyaariye muuse goosaar
muusegoosaar@hotmail.com


Written By: Mohamud
Date Posted: 3/1/2010
Number of Views: 305

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use