Iyada oo dhamaan laga soo foofay kulan sabtiyeedkii lagu loolamayey Kubadda Kolayga ayaa rayn rayn, farxad, kaftan iyo iswaraysi kadib waxaa la daah furay munaasabadii loo kulmay waxaa si rasmi ah u furay Xasan Faarax (Macalin John) oo ku soo dhoweeyey Bashiir Gurey, kana waramay taariikhdiisi isboorti, Ilaahna uga baryey inuu xilka loo magacaabay u fududeeyo, wuxuuna u hambalyey dhamaan xubnaha kale ee guddiga iyo intii gacan ka geysatay hawshan qiimaha leh.
Waxaa ku xigey Cabdiraxmaan Guhaad (Shiino) oo ugu hambalyey una balan qaaday in lala qaban doono intii karaan ah, una sheegay qiimaha iyo kaalinta isboortigu kaga jiro bulshadda Soomaaliyeed. Waxaa isna talooyin iyo dardaaran siiyey Cabdulqadir Garweyne oo faray dulqaad iyo deganaan una duceeyey. Waxaa isna ereyo kooban ka yiri Muriidi YAWELI, Cabdiweli SABRIYE, Abuukar DHEERE, Maxamed Sheekh WELI, iyo Cabdullahi SALEEBAAN, iyo in kale oo ka soo qayb gashay.

Intaas kadib waxaa Cabdiweli ka waramay marxaladihii isboortigu soo maray burburkii dowladeed kadib iyo sida dadka soomaaliyeed isu jecelyihiin, isaga oo tusaale u soo qaatay koox ka safartay gobolka Hiiraan oo ciyaaro saaxiibtinimo ku tagtay gobolada dhexe iyo woqooyi bari ee Soomaaliya.

Gebagebadii waxaa munaasabada ka hadlay Bashiir GUREY oo ka hadlay siduu hawsha ku bilaabay, marxaladihii uu soo maray, siduu uga faa’iideystey waaya aragnimadii ururadii hore loo asaasay iyo meelahay ka gaabiyeen. Bashiir wuxuu sheegay inuu maanta ku hawlanyahay wax qabadka PUNTLAND, hase yeeshee ay ka go’antahay inuu la shaqayo cidii si daacad ah ugu shaqaynaysa Soomaaliya. Bashiir wuxuu u mahad celiyay dhamaan asxaabtiisa sharaftay wuxuuna u sheegay inay yihiin dadkuu isku halaynayo hiil iyo hooba.
Cashadii ka dib waxaa mudo dheer la wada haasaawayay dibada makhaayada koox koox iyada oo laga dhergi waayey sheekada, muxibada iyo warkala qaadashada.
“ILAAHOW WAA SAMAADKII SOO CELI
ALLOW ISU SAKHIR WALAALAHA
INTII GARATA OO SAMAHA NOO WADA
SAAXIIBO ALLOW KA WADA YEEL”
Xasan Faarax (Macalin John)