|    Register
 
Friday, March 12, 2010
Article Details
SAYEC oo bilaabay tababarkii Kubadda cagta ee dhallinta yaryar.

Naadiga horumarinta dhallinyarada Soomaalida/Maraykanka,  Somali/American Youth Enrichment Club oo ka mid ah ururada ku midoobay ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM), ayaa bilaabay tababar Kubadda cagta ah oo ay u qabanayaan dhallinyarada da’dooda u dhaxeyso 6 jir ilaa 18 jir, taasoo ay iska kaashanayaan ciyaartooydii hore ee K/cagta  iyo khubaro ku takhasusay K/cagta.

Barnaamijkaasi loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa waxaa dhismahiisa waqti badan u huray tababarayaasha kala ah: C/rizaaq Said Marshaale, C/raxmaan Guuleed “Aamaan”,C/qaadir Nuune,Cabdullahi Moorgan  iyo Maxamuud Ciise oo dhammantoodba ka wada tirsanaa ciyaaryahannadii qaranka K/cagta /Koleyga  iyo naadiyadii herka 1aad ee  dalkeena, Sidoo kalena Abaadir Jama oo ku magac dheer “Urufey”  iyo Saalim oo  qabiiro ku ah k/cagta  ayaa tababarka wax ka bixinaya..Waxaa  iyaguna tababarka wax ka bixin doona tababarayaal ajnabi ah oo kala ah: JB lettel iyo Niel.

Mar aan booqday halka uu tababarku ka socday ,caruurtuna ay tababarka ku samaynayeen ayaan kula kulmay qaar ka tirsanaa tababarayaasha sida C/rizak Marshaale oo ii sheegay  baahida keentay in la abuuro naadigan SYAEC  oo isagu qaabka uu u shaqayn doono ay ka duwanaan doonto kuwii hore. C/rizak waxaa uu ii sheegay in diiwaan galintan ay sii socon doonto lana ururin doono cayaartooy badan oo yaryar kuwaasi oo aanu doonayno inaan u gudbino aqoonta iyo tabaha casriga ah ee Kubadda cagta.

Haddaba haddii aad doonayso ama xiisaynayso  in wiilkaagu uu ka qayb-galo barnaamijkaasi oo xag caafimaad aad ugu wanaagsan la soo xiriir dadka magacyadoodu ay hoos ku xusan yihiin si laguu siiyo macluumaad intaasi dhaafsiisan.

1)C/rizaak Said  “Marshaale”                 612/366-8997

2)C/rahman Guled Awale “Aamaan”        651/301-2827

3)C/qaadir Warsame(Nuune)                 952/393-9201

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 2/8/2010
Number of Views: 299

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use