Kulamadii ugu danbeeyey ayaa waxaa la ciyaaray galabnimadii jimcaha waxaana kulankii ugu horeeyey uu dhexmaray kooxaha BABMAKKAH IYO CANAAKISH1 ciyaartaas oo aad u xiiso badnayd ayaa waxay bilaabatay 5:00 galabnimo waxaana dhex dhexaadinayey garsoore reer CHAD ah waxayna ku bilaabatay weerar iyo weerar celis iyadoo labada kooxoodba ay halkaasi wacdaro ka muujiyeen.
Daqiiqadii 15aad ee qaybta hore ayaa ciyaaryahanka lambarka 10aad BAKRI waxa uu halkaasi kooxdiisa ugu saxiixay goolkii ugu horeeyey waxay bilaabeen kooxdii canaakish1 weearo si ay isaga soo gudaan goolka lagu leeyahay,daqiiqado kadib kubad kae oo aad u farsamaysan ayaa waxaa shabaqa goolka canaakish1 ku hubsaday isla ciyaaryahanka lambarka 10aad BAKRI waxayna ciyaarta qaybteedii hore ku soo gebagabowday 1-0.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxay sidoo kale ku bilaabatay dardar iyo weerar iyadoo ay ciyaartu u muuqatay in ay awooddu hal dhinac ahayd ayaa kooxda BABMAKAH waxay qaybtii 2aad ee ciyaarta halkaasi ka dhaliyeen 3 gool oo isdaba joog ah iyadoo ay ugu awood sheegteen kooxdii CANAAKISH1 waxayna ciyaartii kusoo idlaatay 5-0 oo ay guushii ku raacday kooxdii BABMAKKAH.
Kulankii labaad oo isla guruubkaasi ah ayaa wuxuu dhex maray kooxaha JUBBA AIRWAYS iyo IFTIINKA CANAAKISH ciyaartaas oo ay aad u xiiseynayeen taageerayaasha labada kooxood gaar ahaan kooxda jubba airways oo ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan tartankan ayaa jimcihii waxay soo bandhigtay ciyaar aan la jeclaysan oo aan qancinin taageerayaashooda qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-0.
Qaybtii labaad ayaan waxba iska badalin qaab ciyaareedkii lababada kooxood oo aan la jeclaysan iyadoo labada kooxood ay ka muuqatay daal fara badan iyo farsamo xumi aan looga baran waxayna ciyaartii ku soo dhamaatay 0-0.
Guruubka oo ah guruub B ayaa waxaa hogaaminaya
BABMAKAH 7 DHIBCOOD
LLPP OO LEH 6 DHIBCOOD
JUBBA AIRWAYS 5 DHIBCOOD
Waxaana guruubkii uu ka kooban yahay 8 kooxood iyadoo guruub walba laga rabo 4 kooxood oo usoo baxaysa qaybta 8da,
waxaana koobkan la ciyaaraa jimce kasta waxaana maamula tartankan aadka u xiisaha badan ciyaartoydii hore ee soomaaliya berisamaadkii oo aanu ka xusi karno CALI SHIIKHII BADDA iyo CALI BAASHI KOLEYGA MUQDISHO ahna (xoghayaha guud ee guddiga)
Diyaariye goosaar
muusegoosaar@hotmail.com