|    Register
 
Thursday, March 11, 2010
Article Details
Guddoomiyaha GOS Oo La Shiray Mas`uul Ka Socda Qurba Joogta Isboorti

Djibouti: Guddoomiyaha GOS  Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Jabuuti ee dalka jabuuti mas`uul ka socda Qurba joogta  isboorti  Mr. Axmed Nuur (Seyga Ruushka) iyagoo kulankooda iskula soo qaaday horumarinta isboortiga iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi adag oo dhinaca GOS iyo qurba joogta isboortiga.

“ Kulankan wuxuu ahaa mid aan kaga arinsanay arimaha horumarinta isboortiga iyo sidii xiriiro loo samayn “ sidaasna waxaa yiri Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo intaasi ku daray in qurba joogta isboortiga Soomaaliyeed ay diyaar u yahiin in ay ka qeybqaataan horumarinta isboortiga.

Dhinaca kale Mas`uulka ka socday dhinaca qurba joogta isboortiga Ciyaaryahankii hore ee Kooxdii Howlaha Guud ee LLPP Axmed Nuur {Seyga Ruushka} ayaa isna ka dhawaajiyay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka ay la qaateen Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] iyo sida wanaagsan ee ay wadahadakooda isku afgarteen wuxuuna xusan in ay qurba joogta ka qeybqaadan doonaan horumarinta isboortiga qeybahiisa kala duwan isla markaasna aad loo dardargelin doono sidii xiriir iyo iskaashi wadajir ah ay ula yeelan lahaayeen maamulka guud ee isboortiga Soomaaliya ee GOS.


“ Kulankan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay qurba joogta  isboortiga oo dhan intii horumarka isboortiga jecel  waana soo dhaweynaynaa cidii nagala qeybqaadan karta horumarinta ciyaaraha , Talaabada koowaad waa qurba joogta UK ka dib waxaan ku dhaqaaqaynaa  isku xirka guud ee qurba joogta isboortiga meel kasta oo ay joogaan  waxayna  kala shaqeyn doonaan  GOS  dhinaca horumarinta  isboortiga “ sidaas waxaa yiri  mas`uuka ka socday qurba joogta  Mr. Axmed Nuur [Seyga Ruush].

Guud ahaan kulankan laba geesoodka ah oo ay yeesheen  GOS iyo Wakiilka Qurba joogta isboorti  ayaa ku soo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay kulamo iyo xiriiro  intan ka badan.

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
 


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/18/2010
Number of Views: 264

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use