|    Register
 
Thursday, March 11, 2010
Article Details
Cayaaryahankii ugu horeeyey ee soomaaliyeed oo xalay lagu arkay garoomada horyaalka Ingiriiiska.

C/Salaan C/Qaadir Ibraahim "Caddaay" oo ah cayaaryahan u dhashay soomaaliya ayaa xalay noqday cayaaryahankii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo lagu arko garoomada waawayn ee tartanka ugu wayn dunida ee dalka ingiriiska "Premier League" ka dib markii uu xalay ka mid noqday cayaartoydii loo xulay kooxda Manchester City in ay ka hortagaan kooxda Blackburn.

C/salaan oo uu dhalay garsoore aad looga yaqaanay kubadda cagta dalkeena isla markaana ka mid ah xulka da'yarta ee dalka Norway oo uu cayaaryahankani ku soo barbaaray ayaa xalay waxa uu markii ugu horeysay kursiga kaydka u fariistay kooxda uu mudada gaaban la joogay ee Manchester City inkastoo uusan macalinka kooxdani Mancini fursad u helin in uu cayaaryahankan soo geliyo.

Cayaartan xalay ay la yeelatay kooxda Manchester City kooxda Blackburn ayaa waxa ay Man City 4-1 uga adkaatay kooxda Balackburn waxaana xalay aad looga dareemay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan qaaraddan yurub gaar ahaan dalkan ingiriiska in ay si aad ah ugu faraxsanaayeen isla markaana isugu marxabaynayeen guushan wayn ee uu shacabka iyo dhalinyarada soomaaliyeed u soo hooyey wiilkan da'da yar ayadoo ay dhalinyarada iyo dadka kale ee xiiseeya kubadda cagta ay taleefano isku dirayeen markii ay bilaabatay cayaartu si ruux waliba u wargeliyo asxaabtiisa si aysan u seegin in daawashada cayaaryahankii soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee lagu arko premier league.

Daahir C/laahi "Al-Barkaat" oo ka mid ah taageerayaasha cayaartoyda soo koraysa ee soomaaliyeed oo shabakaddan la soo xariiray ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay in  shaashadda uu had iyo goor ka daawado tartankan Premier League ga uu caawa ka arko wiil soomaaliyeed oo kursiga kayda la fadhiya cayaartoy magac wayn ku leh dalkan ingiriiska sida Robinho, Taylor, Sylvinho iyo Wright-Philips, waxaana sidoo kale aad looga soo dhaweeyey cayaaryahankan qaar ka mid ah goobaha ay dadka soomaaliyeed ku daawadaan cayaaraha oo aan qaar ka mid ah la xiriirnay.

C/Salaan Caddaay ayaa asagu horey si joogta ugu safta kooxda labaad ee Man City "Reserve Team", halkaasoo uu wacdaraha uu ka dhigay dartiis ay kub dhalisay macalin Mancini in uu fursad iyo waayaragnimo siiyo cayaaryahankan da'da yar anagoo u rajaynayna in C/Salaan heer fiican ka gaaro kubadda cagta.

Cayaartoydii xalay u safatay kooxda Man City ayaa waxay kala ahaayeen:

Given, Zabaleta, Richards, Kompany, Garrido, Petrov, de Jong, Barry, Bellamy , Tevez, Benjani.

Kayda:
Taylor, Sylvinho, Wright-Philips, Ibrahim (C/Salaan), Robinho, Boyata, Santa Cruz.

Manchester City

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 1/12/2010
Number of Views: 1511

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use