Saleebaan Colaad Rooble, wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo ku jira Isbitaalka Boqor Fahad ee magaaladda Riyaad ayaa caafimaadkiisu soo roonanayaa, kaddib markii uu helay dawooyin iyo la tacaalid caafimaad oo aad u heer sareysa.
C/risaaq Cabdi C/llaahi oo ah xogheynta Wasiirka ayaa noo xaqiijiyay in wasiirku uu hadda hadli karo, isla m arkaana miyirkiisu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna intaas ku daray in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in wasiirku uu ka soo kabsado dhawicii soo gaaray.
Wasiirka oo ka mid ahaa dadkii lagu xasuuqay qaraxii Hotel Shamo ee horraantii bishan ayaa dhawac halis ah oo uu ka soo kabsaday wuxuu ka soo gaaray madax, qoorta iyo dhabarka, waxaana sida ay cadeeyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Boqor Fahad ay xaaladda wasiirka noqon doonto mid uu dib ugu laabto shaqadiisii golaha wasiiradda iyo Wasaaradiisa Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Sidoo kale kooxda dhaqaatiirta, saxafiyiinta iyo Ardaydka iskugu jirta ee lagu dabiibayo Isbitaalka Riyaad ayaa dhammaantood caafimaadkoodu soo fiicnaanayaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha siyaasadda iyo xaaladda wadanka halkan ka aqri.
www.somalivision.com ama www.sv77.com