|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Ciyaaryahan Caan ah oo diinta Islaamka ku soo biiray iyo warar kale oo xiisa leh.

Difaacii hore ee xulka qaranka wadanka Portugal iyo kooxaha Liverpool, Everton iyo Galaxy ee lagu magacaabi jiray Abel Xavier ayaa shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah ugu soo biray diinta Islaamka, isla markaana magaciisa Cusub uu yahay Faysal Xavier.

Faysal ayaa sheegay inuu si rasmi ah uga fariistay ciyaartaha K/cagta, isla markaana uu hadda u dhaqaaqayo barashada diinta Islaamka, wuxuuna yiri “Dhib iyo qaxar badan kaddib waxaan noqday nin Islaam ah, waxaana ogaaday in diinta kaliya ee Nabadda, Cadaaladda, sinnaanta, xorriyada iyo rajadu ay tahay diinta Islaamka, waana arrin muhiim ah in dadka oo dhan ay sidaas ogaadaan”

 

Faysal oo soo hanuunay ayaa sheegay in hadda kaddib uu la shaqeyn doono hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada, maadaama uu heyso hanti badan oo uu doonayo in qaarkeed uu sadaqeyso, wuxuuna sheegay in ganacsigiisu uu ka shaqeeyo 9 dal oo kala ah Portugal, Germany, Italy, Holland, Turkey, England, USA, Spain iyo wadanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Mozambique ee qaaradda Africa, iyadoo dhammaan wada Yurub ee ganacsiga uu ku leeyahay ay yihiin kuwa uu ka soo wada ciyaaray.

 

Faysal oo 38-jir ah ayaa sheegay in jid qalad ah uu ku soo socday, laakiin uu hadda Ilaahey u tooba keenay.

 

 Arsene Wenger oo sheegay in is bedelka iyo horumarka horyaalka Ingiriiska uu ka qeyb qaatay.

 

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu aaminsanahay in guud ahaan horumarka Horyaalka INgiriiska uu qeybta ugu balllaaran ka qaatay, wuxuuna sheegay in 13-sanadood ee uu macallinka u ahaa kooxda Arsenal uu wax badan ka bedelay k/cagta INgiriiska.

 

“Ugu horeyntii wuxuu noqoday horyaal faa’iido leh oo wax soo saarkiisu uu muuqdo, marka xigana qaabka ciyaaraha kulmada kooxaha ayaa si dhab ah iskugu bedelay kuwa si xowli ah u hormara oo xirfad iyo ciyaar macaan la soo baxay, sidaas oo kale garsoorayaasha horyaalka ayaa noqday kuwa rasmi ah oo daacad ah oo shaqadooda ka soo baxa” ayuu tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger oo la hadlayay boga kooxda Arsenal ee www.Arsenal.com

 

“Markii aad safar  ku ku mareyso daafaha  adduunka waxaa kuu sawirmaya sida uu horyaalka Ingiriisku uga caansan yahay horyaalada kale ee adduunka, sababtoo ah dadal heynta ugu badan ayay dadku isla dhex marayaan” ayuu sii daba dhigay Wenger.

 

Wenger ayaa sheegay inuu ku raaxeysano shaqadiisa macallinimo ee kooxda Arsenal, isagoo cadeeyay inuu shaqsiyadan dareemayo in la qaatay talooyin badan oo uu bixiyay markii uu ku soo biiray horyaalka Ingiriiska.

 

 

Xulalka Ingiriiska iyo Masar oo 20-sano kaddib kulan saaxiibtinimo wada ciyaaraya.

 

Tababaraha xulka qaranka wadanka Ingiriska Fabio Capello ayaa shaaca ka qaaday in xulkiisu uu isku diyaarinayo ciyaar saaxiibtinimo oo uu la yeesho dhiggiisa wadanka Masar bisha January 13-keeda.

 

Ingiriiska oo isku diyaarinaya ciyaaraha Koobka adduunka ayaa ciyaartiisa ugu horeysa ee sanadka cusub ee 2010 wuxuu la ciyaaaro doona horyaalka K/cagta ee qaaradda Africa ee Egypt, waa markii ugu horeeysay ee muddoo 20-sano ah wada ciyaaraan labada wadan.

 

Tababaraha xulka INgiriiska Capello oo muddo sanad ah leylinaya xulka Ingiriiska ayaa sheegay in xulkiisu  uu ku jiro diyaar garoow xoog leh ee koobka adduubka 2010 ka dhici doona wadanka S/Africa.

 

Faarax Blue

farah.ali@somalivision.com

 

 

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/25/2009
Number of Views: 873

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use