Maalintii jimcaha ayaa waxaa la ciyaaray laba kulan oo ka mid ahaa waxaana uu dhex maray kulanka koowaad kooxaha JUBBA AIRWAYS IYO CANAKISH1.
Ciyaartaas ayaa waxay bilaabatay 4:45 daqiiqadood ee galabnimo waxayna ku bilaabatay ciyaarta weerar iyo weerar celis ayaa waxaa u suurto gashay kooxdii jubba airways inay daqiiqadii 25 aad ee qaybta hore ee ciyaarta ay helaan goolkii 1aad waxaana shabaqa lulay ciyaaryahan AWEYS oo ah kabtanka kooxda JUBBA AIRWAYS,waxaana ay qaybtii hore ee ciyaarta ku soo gebagabowday 1-0 .
Qaybta 2aad markii la isugu soo laabtay ayaa markay qaddar 5 daqiiqo socotay waxaa u labeeyey kooxda JUBBA AIRWAYS ciyaaryahanka da'da yar ee ZAKARIYE oo lambarka 10 aad u qaata kooxdaas. Ciyaartaas oo ahayd ciyaar dadkii kasoo qayb galay aad u xiiso gelisay ayaa waxay ku soo gebagabowday 2-0 oo ay guushii ku raacday kooxda jubba airways.
Tababare AMIINOOW oo ah tababaraha kooxda JUBBA AIRWAYS oo ka hadlay ciyaartaas iyo hab ciyaareedka kooxdiisa ayaa wuxuu yiri inuu ku faraxsan yahay guusha kooxdiisa ay gaartay taasoo uu ku macneeyey inuu helay 3 dhibcood oo muhiim ah uuna rajeynaayo inuu usoo baxo qaybata 8da, wuxuu intaa ku daray in kooxdiisu ka kooban tahay ciyaartooy waaweyn oo khibrad leh oo kuwo da' yar oo mustaqbal fiican leh,ciyaartoyda khibradda waxaa ka mid ah c/risaaq beyzaani ,iyo aweys oo kabtanka ah.
Ciyaartaas waxaa dhexdhexaadinayey garsoore u dhashay dalka CHAD waxaana kalkaalinayey saalax baaler oo gaadiidka ahaa iyo siid cali oo aad wada taqaanaan waa goolhayihii badda.
Kulankii 2aad ayaa waxaa uu dhexmaray kooxaha BABMAKKAH IYO GOLEEY ciyaartaas oo ahayd ciyaar ay taageerayaal badan kasoo qayb galeen ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxaa goolkii ugu horeeyey helay kooxda BABMAKKAH waxaana lagu kala nastay 1-0,qyabta 2aad markii laisugu soo laabtay ayaa waxaa goolkii2aad helay kooxda babmakkah isla daqiiqaddii 30aad ee qaybta 2aad ee ciyaarta waxaa goolkii sadexaad helay kooxda babmakkah oo shalay aad ugu itaal roonaatay goolkii GOLEEY oo halkaasi hal gool ka dhalisay.
Isku soo wada duuboo tartankan oo ah mid ay soo qabanqaabiyeen ayna maamulayaan ciyaartoydii hore ee soomaaliya magaca weyn ku lahayd ayaa maalin kasta oo jimce ah ay ku tartamaan kooxaha ka dhisan magaalada jeddah.
Diyaariye: Muuse Goosaar