|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Bayern oo afka ciidda u gelisay Juventus kana reebtay Champions League.

Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa xalay cayaar ka tirsanayd horyaalka kooxaha horyaalada ee qaaradda Yurub magaalada Torino ku garaacday kooxda caanka ah ee Jiventus ka dib markii ay 1-4 gool uga adkaatay isla markaana sidaasi uga reebtay koobka horyaalada Yurub ee loo yaqaan Champions League.

Juventus ayaa la hormartay goolka kaliya ee ay cayaartan ka dhaliyeen kaasoo uu weeraryahankooda reer France David Trezeguet u saxiixay daqiiqaddii 19 aad ee cayaarta, balse markii ay ku dhawaad 30 daqiiqo cayaartu socotay ayuu cayaaryahan Hans-Jorg kooxda Bayern u dhaliyey goolkii barbardhaca, waxaase Juventus u labeeyey gooldhaliyaha Bayern Ivica Olic daqiiqaddii 52 aad ee cayaarta, Mario Games ayaa asaguna goolkii saddexaad u saxiixay kooxda Bayern daqiiqaddii 83 aad ee kulankan ka hor intii uusan goolka afaraadna ugu dhamaystirin Juventus cayaaryahan Tymoshuk.

Macalinka kooxda Juventus iyo cayaartoydiisaba waxaa ay taageerayaasha kooxdaasi ku eedeeyeen in ay meel uga dhaceen sharaftii iyo magacii kooxda Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn uguna awooda badan qaaradda Yurub inkastoo sanadahan dambe awood badan loo sheegtay.

Dhinaca kale daafaca kooxdaasi iyo xulka qaranka Talyaaniga Cannavaro ayaa raaligelin ka bixiyey qaabkii ay kooxdoodu u wajahday una cayaartay cayaartan asagoo ku tilmaamay taageerayaasha kooxda Juventus in ay mudnaayeen in ay u gudbaan wareega 16 ugu dambaysa ee tartankan.

Tartankan Champions League ayaa haatan soo gaaray wareega 16 ka kooxood ayagoo ay kooxaha u soo gudbay tartankan qaybtiisana kala yihiin sidan.

Group A:

  • Bordeaux ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad.
  •  kaalinta labaad waxaa ku soobaxday kooxda Bayern Munich,
  • kaalinta saddexaadna waxaa galay kooxda Juventus. (Europe League)
  • Maccabi Haifa, ayadu ka hartay koobkan.

Group B:

  • Manchester United. U soo baxday wareega 16 ka. 
  • CSKA: U soo baxday wareega 16 ka.
  • Wolfsburg: Cayaari doonta koobka yurub (Europe League)
  • Besiktas: Ka hartay tartankan

Group C:

  • Real Madrid: U soo baxday wareega 16 ka.
  • Milan: U soo baxday wareega 16 ka.
  • Marseille: Cayaari doonta koobka Yurub.
  • FC Zurikh: Ka hartay tartankan.

Group D:

  • Chelsea: Soobaxday 16 ka
  • Porto: Soo baxday 16 ka
  • Athletico Madrid: koobka Yurub
  • Apoel: Hartay

Group E:

  • Fiorentina: Soo baxday
  • Leon: Soo baxday
  • Liverpool: koobka Yurub
  • Debrecen: Hartay

Group F:

  •  Barcelona; Soo baxday
  • Inter: Soo baxday
  • Rubin: Koobka Yurub
  • Dynamo: Hartay

Group G:

  • Seville: Soo baxday
  • Unirea Urziceni: soo baxday
  • Stuttgart: koobka Yurub
  • Rangers: Hartay

Group H:

  • Arsenal: soo baxday
  • Olympiakos: Soo baxday
  • Standard: Koobka Yurub
  • Alkmaar: Hartay   

 

 

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/9/2009
Number of Views: 274

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use