|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Waa sidee xaaladda Wasiirka Sports iyo Dhalinyaradda??

Qaraabada wasiirka Sports iyo Dhalinyaradda Suleebaan COlaad Rooble ayaa noo xaqiijiyay in ay been tahay war sheegaya in Wasiirku uu geeriyooday, kaas oo ay qoreen saxaafada qaarkood, waxaana wasiirku uu hadda ku jiraa Isbitaalka Agakhan ee magaaladda Nairobi.

Sidaas oo kale Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Maxamed Cali Americo oo aan la hadalnay goor dhaweyd ayaa aad uga carooday warkaas beenta ah ee wasiirka laga qoray, wuxuuna sheegay in warkaas aanu sal iyo raad laheyn, waxaaana safiirka oo la joogay dhaqtarka goonida ah ee Wasiirka la tacaalaya uu sheegay in dhawaan loo qaadayo wadanka Talyaaniga oo dadkii doraad ku dhaawacmay ismiidaamintii intooda ugu halisan u fidiyay kaalmo gar gaar caafimad ah.

 

Wasiirka oo dhaawac xun uu ka soo gaaray qaarka hore ee jirkiisa, gaar ahaan qoorta ayaa ka mid ahaa koox wasiiro, weriyaal, dhaqaatiir, arday iyo waalidiin iyo martisharaf ka qeyb galayay xafladda qalin jabin ah oo Jaamacadda Banadir ugu qabatay Hotelka Shamoow ee magaaladda Muqdisho, waxaana qaraxaad uu galaafta nolosha in ka badan 25-ruux oo muwaadiniin soomaaliyeed ah.

 

Wasiirka oo aan Ilaahey uga rajeyneyno inuu ka caafiyo dhibaatadaas ayaan idiin soo gudbin doonaa wixii war ah ee ku soo kordha.


Faarax Blue

Nairobi-Kenya

+254722371728

fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/5/2009
Number of Views: 578

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use