|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Dhaawaca Wasiirka Isboortiga iyo Dahalinyarada oo Nairobi la soo gaarsiiyay.

Wasiirka Sports iyo Dhalinyada Dowladda Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa galabta la soo gaarsiiyay Isbitaalka Agakhan ee Magaaladan Nairobi ee wadanka Kenya, kaddib markii saaka laga soo qaaday magaaladda Muqdisho.

Sida uu ii sheegay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa masuuliyiintii garoonka ka soo qaaday wasiirka, wuxuu wasiirku weli ku jiraa xaalad aad halis u ah.

 

Wasiirku wuxuu ku jiraa Koomo ama miyir dabool aad xun, sababatoo ah waxaa dhaawac ka soo gaaray qeybta hoose ee surka iyo margiyada isku xira madaxa iyo garbaha.

 

Dhalxa ayaa sidoo kale ii sheegay in Wasiirka  loo qaadi doono wadanka Talyaaniga oo uu ka helay gar gaar caafimaad oo deg deg.

 

Saleebaan Colaad ayaa ka mid ahaa koox wasiiro ah oo lagu laayay ismiidaamin shalay ka dhacday Hotelka Shamo ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen rag iyo dumar qaali u ahaa ummaada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka tacallinta sare Allaha u naxariistee Prof. Ibraahim Cadow, wasiirka caafimaadka Qamar Aaada, wasiirka Waxbarashada Maxamed Waayeel iyo dhaqtarka caanka ahaa, ee baraaga ka ahaa Jaamacadda Banaadir ee magaaladda Muqdisho Proff. Shihiid iyo sidoo kale saxafiyiinta kala ah Xasan Zubeyr Xaaji Fantastic oo ahaa Cameraman u shaqeynayay TV-ga Al-Carabiya  iyo Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle iyo ku dhawaad 11-dhaqaatiirta soo koreysay ah oo ka qalin jabiyay jaamacaadda Banaadir ee Muqdisho.

 1.wasiiro.jpg

Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi Raajicuun: Wasiiradda ismiidaamiska lagu dilay, Midigta ka soo billow, Wasiirka Waxbarashada Dr. Maxamed Cabdi Waayeel, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Prof. Ibraahim Caddow iyo Wasiirka Caafimaadka Drs. Qamar Aaadan.

Faarax Blue

Nairobi-Kenya.

+254 722371728

fmcblue@hotmail.com         


Written By: faaraxblue
Date Posted: 12/4/2009
Number of Views: 479

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use