Inkasta oo roob xoog leh uu da'ayay, isla markaana uu garoonku ahaa mid dhiiqo iyo dac ah, hadana xulka SOomaaliya wuxuu soo bandhigay ciyaar aad u macaan oo ay ammaneen Guddiga CECAFA oo fiisanayay ciyaarta Somalia Vs Zimbabwe, iyagoo sheegay in xulka Somalia uu ka ciyaar wanaagsanaa Zimbabwe.
Daqiiqadii 30-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa weeraryahanka xulka Zimbabwe Manggezi Tapiw wuxuu shabaqa xulka SOmalia uu dhex dhigay kubad liciif ah oo si dirqi ah uga fakatay difaacyada xulka SOmalia, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.
Laakiin markii labada xul ay mar kale iskugu soo laabteen qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 48-aad ee ciyaarta waxaa gool madax ah laga dhaliyay dhalinyarada xulka qaranka SOomaaliya, waxaana Zimbabwe u dhaliyay goolkaas kabtankooda Zhokinyi Guthrie.
dhowr fursadood oo ciyaarta bar-bar dhac ama guul looga heli karay ayaa goolhayaha xulka Zimbabwe uu meesha ka saaray, kaddib markii uu gacanta ku dhigay dhowr kubadood oo ka soo baxday lugaha weeraryahanada xulka Qaranka ee kala ah Sidii Siciid iyo Maxamed Yare.
"Soomaaliya waxay nala ciyaartay, ciyaar u wanaagsan oo xirfad leh oo aan aheyn sidii aan fileynay, sababtoo ah markii hore waxaan ku fikireynay in aan si sahal ah ku dar dari karno, laakiin hada way iska keena dhiciyeen, runtiina tani waxay ku tusineysaa in xul la dhayalsan karo aanu aheyn xulka SOomaaliya" ayuu yiri Tababaraha xulka Zimbabwe Mapeza Normay oo saxafiyiinta la hadlayay dhammaadkii ciyaarta.
Tababaraha xulka SOomaaliya Cabdi Faarax Gelle ayaa oo isna wariyaasha la hadlayay ayaa sheegay in ciyaartooydiisa aysan niyad heynin, sababtoo ah wuxuu yiri "Sida aad la socotaan maanta oo ugu dambeeysay waxaa wadankeena ka dhacay musiibo aad u xun, Wasiirkeena Sports waa dhaacmay, dad badan oo ikhyaar ah ayaa la dilay iyo kuwa kale oo masaakiin, sidaas daraadeed dhibaatada wadankeena ka socota daraadeed, wax ka badan inta aan hada sameynay ma yeeli karno"
Qeybta B waxaa ilaa hada xaqiiqsaday u soo bixista wareega 2-aad xulka qaranka wadanka Rwanda oo galabta 2-1 si dirqi ah uga adkaaday wadanka Eritrea, waxaana si rasmi ah loo kala ogaan doona xulalka soo baxay maalinta Sabtida ah oo ay wada ciyaari doonaan xulalka SOomaalya iyo Eritrea iyo xulka Zimbabwe iyo Rwanda.
Faarax Blue
Nairobi-Kenya
+254 722371728
fmcblue@hotmail.com