|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Ciyaarihii Atlanta oo jawi qurux badan lagu soo gabagabeeyay .

Tartamadii ciyaareed ee saaxiibtinimo oo ka socday magaalada Atlanta,GA ayaa si aad u qurxoon loogu soo gabagabeeyay garoonka K/koleyga ee Hamilton Park, iyada oo tartankaasi ay ka soo qayb galeen shan gobol oo kala ahaa: Atlanta, Minnesota,Ohio,Nashville iyo Washington,DC,sidoo kalena ay goob joog ka ahaayeen halgamayaal isboorti oo halkaasi lagu casuumay.

Tartankaasi ayaa casuumaaddiisa waxaa fidiyay ururka horumarinta isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta oo ay horkacayeen Mas'uuliyiin Isboorti, Macallimiin,cayaaryahannadii Hore ee K/cagta/koleyga ee Soomaaliya barisamaadkii, dhallinyaro aad ugu firfircoon isboortiga , ganacsatada iyo dhammaanba jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Atlanta.Waxaa iyaguna barbar socday tartamadaasi kulamo iyo shirar loogu gogol xaarayay horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada isboortiga ee goboladaasi.

 

Haddii aan si kooban uga hadlo cayaarihii K/Cagta iyo Kolayga ee la cayaaray ayaa natiijadoodu ay sidan ku soo gabagabawday.

 

Dhanka dhallinta yaryar “New Generation”  kubadda cagta waxaa cayaartii finalka isugu soo haray kooxda Midnimo oo ka socotay Minnesota iyo  Kooxda Jubba oo Atlanta ka socotay,waxaana ciyaartaasi si awood sare ku adkaatay kooxda Minnesota oo iyadu 8 gool iyo 2 ugu awood sheegatay kooxda Atlanta . waxaa xusid mudan in labadan kooxood is araggoodii hore ay wada ciyaareen ay isku mari waayeen 0 iyo 0.

 

Dhanka ciyaartooyda cuslaatay “Old School” waxaa iyaguna ciyaartii finalka ee kubadda cagta isugu soo haray Kooxaha Nashville iyo Minnesota, waxaa iyaguna cayaartaasi 4 gool iyo 3 ku adkaatay kooxda Minnesota. Kooxda Minnesota waxaa u safnaa: C/llahi Morgan, C/raxmaan Aamaan,C/rizak Marshaale,Cabdi-Shukri, C/casiis Aalkolo, C/casiis Biixi,C/qaadir Nuune,Maxamed Carab,Caddow,Jama Blue, Aflow iyo C/risaaq.

Dhanka Atlanta: Jaamacey, C/llahi Cali “Mataan”,Aweys Fuundi,Xuseen Dheere, Deeq, Kaboweyne,Eega ,C/raxmaan Marshal iyo rag kale oo faro badnaa.

 

Dhanka K/Koleyga waxaa ku tartamayay dhallintii ka cuslaatay ciyaaraha ee  Minnesota iyo Atlanta, waxaana 94 dhibcood ay guushii ku raacday Odoyaasha Minnesota ,halka Odoyaasha Atlanta ay ka keensadeen 91 dhibcood. Dhanka Minnesota waxaa u safnaa: Axmed Daahir, Shiikha, Maxamuud Ciise,C/qaadir Madaxey, Xasan Biinge, Duwe, iyo Gani, Dhanka Atlanta waxaa u safnaa:Cali Yuusuf, C/llahi Cabdi Maamuus, C/llahi Hantulle,Cali Bay.Cabdirashiid Balaastiko,iyo dhallinyaro kale oo aad u faro badnaa.Waxaana cayaartaasi garsoorayay Cabdikaafi oo ka tirsanaan jiray garsoorayaashii caanka ahaa ee K/koleyga Soomaaliya.

 

Munaasabaddii xiritaanka ayaa  ugu horrayntii waxaa halkaasi ka hadlay xoghayhii gudiga qabanqaabada ee tartanka,kana mid ah guddiga isboortiga ee Atlanta Mudane Cabdulqaadir  Xasan Faarax “Caydiid Jeenyo” oo isagu ka warbixiyay barnaamijkan sida uu ku soo billowday iyo dadkii ka shaqeeyay.  Mudane Caydiid ayaa halkaasi ka sheegay in Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkan isboortiga loo qabtay ay ahayd in dhallinta Soomaaliyeed ee qurbaha loo sameeyo is dhexgal iyo is barasho.

In kasta oo hawlaha loo kala fara dhuubdhuubnaa, haddana waxaa uu ammaan dheeri ah u jeediyay Mudane Yuusuf Marshal iyo Jaamac Aadan “Jaamacey” oo iyagu hawl aad u faro badan qabtay, Waxaa kale oo uu u mahadceliyay dhammaanba intii ka shaqaysay barnaamijkan oo iyagu gacanta ka gaysatay.

Sidoo kale waxaa uu ammaan ballaaran u soo jeediyay guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin oo isagu uu ku sifeeyay shakhsi u taagan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Cabdi Cali uu kaalin aad u weyn ku lahaa barbaarintiisii,dhiirrigalintiisii iyo inuu noqdo cayaartooy wax gal ah oo kaalin wanaagsan ka gaara cayaaraha.

 

Mudane Mataan C/llahi Cali Aar oo ka tirsanaa guddiga isboortiga Atlanta ayaa isaguna aad ugu fogaaday baahida loo qabo in la taageero oo la taakuleyo isboortiga Soomaaliyeed,xiriirintana la xoojiyo, lagana fogaado qabiilka iyo waxa aan qiimaha lahayn ee Soomaali kala fogeeyay.

 

Jaamac Maxamuud Xirsi(Washington DC),Yuusuf A/raxmaan”Marshal” (Atlanta) iyo Maxamed Faarax”Carab” (Minnesota) ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo qiiro badnaa oo u badnaa in la caawiyo dhallinta cusub ee ku hawlan horumarinta Isboortiga, lana abuuro jawi wanaagsan oo u dhaxeeya halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed iyo dhallinta firfircoon ee saaxadda isboortiga ku soo biiray.

 

Isboortigu waxaa uu abuuraa isdhexgal bulsho, hoggaankiina waa adinka, annaguna idinka ayaannu idin daba joognaa ee hana reebina, wada jirka iyo midnimadana ha laga wada shaqeeyo oo yaanan la dhayalsan waxqabadka dhallinta yaryar ee u heelan horumarka isboortiga ayaa hadaladii C/raxmaan Marshaal ka mid ahaa.

 

Marti sharaftii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa: Macalli/garsoore caalami Qolof iyo macallinkii caanka ahaa ee Jubadda hoose  Qariindi waxaana labaduba ay si aad ah ugu fogaadeen baahida loo qabo jiilka cusub ee firfircoon iyo halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed inay iska kaashadaan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, nidaam ay ku shaqeeyaana la abuuro ha noqoto K/cagta, Koleyga iyo guud ahaanba noocyada cayaaraha ee kala duwan.

 

Xoghayihi hore ee Olimbikada Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta GA, Dr, Cali Cismaan Cali  ayaa isaguna ka warbixiyay dadaalka aan kala go’a lahayn ee bulshada  reer Atlanta ay u galeen taabagalinta barnaamijkan isboortiga ahaa oo ay ku martiqaadeen 5 ta gobol, waxaana uu ammaan ballaaran u soo jeediyay Mudane Caydiid oo isagu aad ugu dadaalay, waqti badana galiyay in barnaamijkaasi lagu najaxo. Sidoo kalena waxaa uu aad u ammaanay:Mataan,Aweys Fuundi,Cali Yuusuf,Cali Bay, Jaamacey, Yuusuf Marshal,C/rashiid Balaastiko iyo intii gacanta ka  gaystay taabo galka barnaamijkan.

 

Dr,Cali ayaa isagu dhanka kale ka warbixiyay barnaamijka loogu magac daray Atlanta Plan oo uu sheegay haddii ujeedada laga leeyahay lagu guulaysto  in laga heli doono wax weyn oo wax u tari doona mustaqbalka Isboortiga Soomaaliyeed.

 

Ugu dambayntii Dr, Cali waxaa uu u mahadceliyay dhammaanba marti sharaftii ka kala timid meelaha kala duwan, waxaana uu ku guubaabiyay in isu imaatinkani uusan noqon mid halkan ku istaaga , horayna loo dhaqaajiyo

 

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Mudane Cabdi Cali Macallin oo isagu lagu casuumay inuu cayaarahaasi xiro ayaa ugu horreyntii  isaga oo ku hadlayay magaca wufuuddii halkaasi isugu timid waxaa uu si weyn ugu mahadceliyay jaaliyadda Isboortiga ee Atlanta oo iyadu dadaal dheer u gashay inay isu keento 5 gobol oo ka mid ah gobolada Maraykanka oo ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ku dhaqan yihiin  isla markaana abuuraan  isdhexgalka Dhallinyarada iyo jawi wada hadal oo la isugu soo dhaweeyo afkaaraha kala duwan  ay qabaan dadka isboortiga.

 

Guddoomiyaha ayaa ka hadlay kaalinta qurbaha looga baahan yahay inay ka qaataan horumarinta isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibaddaba iyo abuuritaanka iyo soo saaridda dhallin cusub oo magaca Soomaaliyeed kor u qaada iyada oo lala xiriirayo dadka aqoonta u leh isboortiga  lagana faaiidaysanayo dalalkan ku horumaray isboortiga oo aynu la joogno.

 

ugu dambayntii guddoomiyuhu waxaa uu u hambalyeeyay dhammaanba kooxihii ka soo qaybgalay tartanka iyo cayaarwanaaggii asluubta ku dheehnayd oo ay muujiyeen

 

Xiritaankii ka dib waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii oo isugu jiray, koobab iyo shahaadooyin.

 

Shirarkii halkaasi ka socday ayaa iyaguna gunaanadkiisa waxaa la isku raacay:

.In la abuuro guddi Isboorti oo qaro wayn, kaasi oo kulmiya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kuwaasi oo  isu keena bulshowaynta isboortiga guud ahaan, dabadeedna loo gudbo dhisidda dalad isboorti ay ku midaysan yihiin North Amerika, taasoo uu horay dhaqdhaqaaqeeda u bilaabay rug caddaagii isboortiga Soomaaliyeed  Macallin C/llahi Axmed Saalax “Tuke”

.In la is dhaafsado booqashooyinka,lana badiyo tartamada  isboortiga ee gobolada Maraykanka.

.In la soo saaro jiil cusub oo ku wanaagsan noocyada isboortiga ee k/cagta,kubadda Koleyga iyo cayaaraha Fudud.

 

Waxaa iyaduna xusid mudan muddadii kooxahaasi ay ku sugnaayeen Atlanta waxaa guryahooda si kala gooni ah  martiqaadyo ugu sameeyay ciyaaryahankii qaranka  Soomaaliyeed iyo naadigii Horseed mudane Aweys Muuse Arbow”Aweys Fuundi” iyo Nafiso oo iyaduna ah milkiilaha maqaayadda Daalo Restaurant.

 

Munaasabaddaasi ayaa ku soo idlaatay si aad u qurux badan.

 

NB: Sawiradii kale ee Atlanta filo dhawaan.

 

Diyaariye: Shiikha

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 12/3/2009
Number of Views: 441

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use