Kulankii ugu dambeeyey oo ay ka soo qybgaleen qaar ka mid ah dadkii magaca ku lahaa kubadda cagta dalkeena halka qaar kalena ay ka soo cudurdaarteen imaanshaha balse ay muujiyeen taageeradooda ayaa waxaa si aad ah loogu lafa guray qaabdhismeedka ururka, cidda ka mid noqon karta iyo waliba waxyaabaha uu damacsan yahay in uu qabto sanadka soo socda ayaa waxaa la isku waydaarsaday halkaas fikrado iyo talooyin ayadoo ay dhamaantood ahaayeen kuwa waxtar u yeelan kara ururkan mustaqbalka.
Ugu dambayntii ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay guddiga maamulka ee ururkan ka dib markii uu qof waliba ka gaabsaday in uu isa soo sharaxo taasoo aysan caado u lahayn bahwaynta sport gu ayagoo garawsan culayska ay mas'uuliyaddu leedahay waxaana la isku raacay in guddoomiyaha ururkan uu noqdo mudane Maxamed Shidane Buraale oo ka tirsanaan jiray cayaartoydii hore ee naadigii kubadda cagta Horseed, waxaa sidoo kale lagu magacaabay halkaasi laba guddoomiye ku xigeen oo kala ah C/Qaadir Maxamed Faarax "Biriq" oo u cayaari jiray kooxdii Betroolka iyo Siciid Xuseen "Cayrow" oo asaguna ka mid ahaan jiray lafdhabarkii kooxda Horseed iyo xulkii qaranka soomaaliyeed, waxaa khasnajiga ururkan cusub loo doortay Cabdinuur Cali Rooble oo ka tirsanaa kooxdii Mogadishu, halka xoghayana loo doortay Maxamuud Ismaaciil oo asaguna ka tirsanaan jiray cayaartoydii kooxdii Waxool.

Guddoomiyaha ururkan cusub mudane Maxamed Shidane Buraale oo ka hadlay halkaasi magacawgiisii ka dib ayaa sheegay in ururkani uu ka shaqayn doono midaynta waxqabad ee cayaartoydii hore ee dalka si la isugu geeyo maskaxdooda iyo muruqoodaba wuxuuna ugu baaqay bahwaynta sport ga ee ku dhaqan dalkan in ay diyaar u yihiin cid kasta oo ay wada shaqayn iyo walaaltinimo dhexmari karto ayana soo dhawaynayaan talooyinka iyo taageerada bahwaynta cid ksta oo ay la jaanqaadi karaan.

Waxaa dhinaca kale la magacaabay guddiga fulinta ee ururka ayadoo sidoo kalena la filayo in la sameeyo guddi hoosaadyo kuwaasoo aan haddii alaha awoodda lihi ogolaado idinkugu soo gudbin doono qoraaladeena dambe maadaama ay wali socdaan la tashiyo iyo ogolaansho laga sugayo xubnahan maadaama aysan qaarkood goobjoog ahayn xiligii la dooranayey inkastoo kalsooni badan lagu qabay.

Qaar badan oo ka mid ah bahwaynta sport ga ee dalka ayaa soo dhaweeyey unkidda urur ay ku midaysan yihiin cayaartoydii hore ee dalka kaasoo la filayo mustaqbalka in uu noqdo goobta ay ka arinsadaan cayaartoydii hore isla markaana ay ku mideeyaan waxqabadkooda ku aadan horumarinta kubadda cagta dalkeena iyo dhalinyarada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo waliba midda ugu muhiimsan oo ah taageerada asxaabtoodii dalka ku dhibaataysan.