|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Baroordiiq iyo sagootin loo sameeyay Xaaskii iyo caruurtii Macallin Cumar Maxamed (Omar Anyeelo)

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay,looguna baroor diiqayay Allaha u naxariistee Macallinkii hore xulka qaranka wiilasha K/Koleyga Soomaaliyeed  Macallin Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo), laguna sagootinayay xaaskiisa iyo caruurtiisa  ayaa maalinimadii Axadda oo taariikhdu ku beegnayd 15 November lagu qabtay magaalada Leicester,UK.

Munaasabaddaasi iyada ah ayaa waxaa qabanqaabadeeda iska lahaa dhallinyarada, haweenka, iyo Odoyaasha  isboortiga Jecel gaar ahaan kubadda koleyga ee ku kala nool  magaalooyinka Leicester iyo London kuwaasi oo kala ah: Coonka, Cumar Dheere, Biina, Shiine, Inj Bana, Dr,Osman Shiis iyo xaaskiisa Xaawo Taako, C/llahi Xaaji Ereg” “Xaaji” , iyo Cabdiqani C/llahi “C/qani Jeenyo”

Tartan  ciyaareed kubadda koleyga ah oo lagu xusayay marxuumka ayaa halkaasi waxaa isku haleelay 2 kooxood oo ka kala socday Leicester iyo London oo lagu kala magacaabo  Leicester Warriors  iyo London Stars. Cayaartaasi oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayay labada kooxoodba ku soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsanayd oo raali galisay dadweynihii faraha badnaa ee halkaasi isugu tagay, waxaana gabagabadii  ciyaartaasi  ay ku soo  dhammaatay 77 dhibcood iyo 77 dhibcood (Barbarro). Waxaana guddigii qabanqaabada ee tartanka ay isla garteen in halkaasi lagu joojiyo maadaama waqtigu uu ciriiri ahaa, ujeedadauna ay ahayd in marxuumkaasi lagu xasuusto.

Ka dib markii cayaartaasi la soo gabagabeeyay ayaa laysugu tagay hoolka shirarka iyada oo halkaasi laga soo jeediyay taariikho badan oo ku saabsanaa kaalintii macallin Cumar uu ku lahaa kubadda koleyga iyo waxqabadkiisii muddadii gaabnayd ee uu ahaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda Koleyga. Cumar Anyeelo ayaa dagaaladii sokeeye ka dib ee dalka ka dhacay waxaa uu si hagar la’aan ah uga shaqeeyay horumarinta Kubadda koleyga, isaga oo geed dheer iyo geed gaaban u fuulay sidii uu u horumarin lahaa K/koleyga. 

Munaasabaddaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin Isboorti iyo cayaartooydii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Cagta iyo Koleyga iyo dadweyne faro badan  oo ka kala yimid London iyo Leicester  kuwaasi oo aan ka xusi karo: Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guddiga olimbikada soomaaliyeed Duran Faarax, Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga soomaaliyeed Inj Bana Cali,Axmed Nuur “Sayga Ruushka”, La taliyaha xiriirka kubadda kolayga Dr Osmaan Shiis iyo marwadiisa ahna xubin guddiga suuqgaynta ee GOS Xaawo Taako ,Ku xigeenka macalinka xulka qaranka kubadda kolayga C/llahi Xaaji Ereg”Xaaji”, Guddoomiyaha Somali Week London Maxamed Buuwe, Guddoomiye ku xigeenka ururka cayaartoydii hore ee kubadda cagta Cabdulqaadir Biriq, Bashiir Gurey,Saciid Geeseey,C/qani Jeenyo,Mukhtaar Shuute iyo Wiish Yare. Dhanka Leicester iyaguna waxaa halkaasi Joogay Cumar Dheere, C/raxmaan, Shiine, Daqarre, Daa’uud,Coonka ,Maxbuub,Xaaskii Cumar marwo Deeqo iyo caruurteeda  iyo dad kale oo aad u faro badnaa.

Waxaa goobtaasi ka hadlay rag faro badan oo ka hadlay taariikhdii  Macallinkii hore ee Xulka qaranka Wiilasha K/Koleyga Soomaaliyeed oo dhammaantoodaba aanan qoraalkan yar ku soo wada koobi Karin, waxaana ka soo qaadanaynaa qaarkood. Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa: 

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olimbikada Soomaaliyeed  Mudane Duran Faarax  oo isagu ka hadlay kaalintii wanaagsanayd ee Cumar uu ku lahaa K/koleyga iyo dadaalkii hagar la’aanta ahayd ee uu u galay horumarinta K/Koleyga Soomaaliyeed.

Xoghayaha XSKK InJ Bana oo ay Saaxiibo aad isugu dhaw ahaayeen ayaa ka sheekeeyey sida Cumar ay uga Go’nayd inuu horumar gaarsiiyo K/koleyga Soomaaliyeed waxaana uu sheegay inuu ahaa nin waddani ah oo taariikhdu ay xusi doonto.

La taliyaha Guddoomiyaha XSKK Dr,Osman Shiis oo isagu ahaa macallinkii ugu horreeyay ee Cumar Anyeelo u bilaaba kubadda Koleyga ayaa ka sheekeeyay Cumar iyo yaraantiisii sida uu ugu barbaaray K/Koleyga, iyo sida uu ku gaaray inuu masalo magaca qaranka Soomaaliyeed , waxaana uu ahaa shakhsi aad u dadaal badan  oo aad u jeclaa K/Koleyga, akhlaaqdiisuna ay aad u sarreysay.

Xiddig ka mid ahaa xiddigihii  hore K/cagta ee naadigii Jeenyo Axmed Nuur “Sayga Ruushka”ayaa isaguna ku tilmaamay marxuumka Cumar inuu ahaa Shakhsi aad u wanaagsanaa, maadaama uu guursady gabar ajnabi ah oo jacaylka dartiis ay u qabtay u soo muslintay ayna nagu tahay waajib culus inaan ogaano qoyskaasi uu ka tagay walaalkiina. Waxaana uu yiri ha loo duceeyo duco faro badan. 

Cumar Dheere oo isagu ka mid ah odayaasha isboortiga ee magaalada Leicester ayaa isaguna ka hadlay baahida loo qabo in lala socdo axwaasha iyo xaaladda ay markastaaba ku sugan yihiin Xaaskii Cumar uu ka geeriyooday iyo caruuteeda loona baahan yahay in mar kastaba lala socdo oo la taageero.

Muddadii ay khudbadahaasi socdeen ayaa dadku waxaa ay dareemayeen tiiraanyo iyo xusuus dheer oo ay u hayeen marxuumka, waxaana ay ugu duceeyeen in Naxariis Eebe uu helo, qabrigiisana Ilaahay u waasiciyo..

Gabagabadii barnaamijka ayaa waxaa halkaasi xaaskii Cumar iyo caruurteeda  lagu  guddoonsiiyay  haddiyado ay ugu soo talo galeen qoyska Dr Shiis, waxaana guddoonsiisay  Marwo Xaawo Sheekh  “Xaawo Taako” iyo gabadheeda yar fawsiyo. Sidoo kale waxaa halkaasi Koob yar lagu guddoonsiiyay Wiilkii uu dhalay Cumar oo lagu magacaabo Maxamed , kaasi oo loo rajeeyay inuu noqdo mid badala Aabihiis, waxaana guddoonsiiyay Dr,Osman Shiis.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi mahadnaq gaar ah loogu soo jeediyay dhammaanba dadkii ka soo qaybgalay baroordiiqdaasi, kuwaasi oo ka kala yimid magaalooyinka London iyo Leicester.

Waxaa iyaguna barnaamijka halkaasi ka daadihaynayay Haashim iyo Zola oo ka socday TV yada Leicester iyo Universal TV iyo Yusuf Yusuf oo ka socday SSPA media.

W/D: Dr,Osman Shiis

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/18/2009
Number of Views: 606

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use