|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kooxda Banaadir Telecom hambalyo iyo boogaadin u dirtay hoogaanka cusub ee Ururka SEUKI

Warsaxaafadeed ka soo baxay xaafiiska naadiga Banaadir Telecom ee magaaladda Nairobi ayaa hambalyo iyo boogaadin loogu diray maamulka cusub ee uu yeeshay Urur weynaha SEUKI ee wadanka Sweden, kaas oo todobaadkii hore guddoomiye loogu doortay Mudane Hirey Ahmed Roble.

Abuukar Maxamed Sheekh oo ah ku simaha guddoomiyaha naadiga Banaadir Telecom oo ku saxiixnaa warsaxaafadeedkaas ayaa sheegay in dhammaan Madaxda Naadiga, Tababarayaasha iyo ciyaartooyda ay ku faraxsanyihiin maamulka cusub ee SEUKI iyo guddoomiye Hire Rooble.

 

Abuukar ayaa intaas ku daray in ay madaxda cusub ee Ururka kula dardaarmayaan sidii ay gacan buuxda uga qeysan lahaayeen horumarinta Sports wadanka iyo sidaasoo kale horumarinta dhalinyarada Yurub ku nool, maadaama ururukoodu uu ka dhisan yahay qaaradda Yurub.

 

Inkasta oo xiriir fiican uu ka dhexeeyo Kooxda Banaadir iyo Ururka SEUKI, maadaama madaxda Ururka ay bishii June ee la soo dhaafay ka qeyb qaateen safarkii kooxda Banaadir ay ku tagtay wadanka Sudan ee Ciyaarihii CECAFA ayaa hada maamulka Banaadir waxay sheegeen in maamulka cusub looga baanyahay inuu dadaalkiisa halkaas ka sii wado.

 

Todobaadkii hore ayay markii Guddoomiye loo doortay Hirey Ahmed Roble, Gudd.Kuxigeen: Abdi aziz Hussein Igal , Xogheyn : Abdi weli Malin (Shaaciye), Khasneeji: Caydaruus Ali Jama, Farsamada: Awil hassan (Ali gurey)

Xiriirka dibada:   Muqtaar Shuute

 

 

Faarax Blue

Nairobi-Kenya

fmcblue@hotmail.com         

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 10/23/2009
Number of Views: 709

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use