Xasan Xuseen oo ku nool magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa waxa noo suuragashay in aan ka waraysano xili cayaaredkiisii iyo waliba noloshiisa ka dib markii uu ka fariistay cayaaraha waxa uuna waraysigeenii u dhacay sedan:
Cayaaraha: Xasan marka hore ku soo dhawaw shabakadan cayaaraha.com, intaasi ka dib naanaystan Xasan Tiiro waxaan u malaynayaa waxa ay ka tarjumaysaa in aad aad u darbad xooganayd mise waa kajan?
Xasan Tiiro: Qosol yar ka dib waad mahadsan tahay eebow, magaca waxaa la iigu bixiyey darbadii aan goolasha ku jeexi jiray ee kajan maahan waa sax darbadaas ayuu magacaygu ka tarjumayaa.
Cayaaraha: Dadka intooda badan waxay u haystaan ama kugu yaqaanaan in aad kooxda Wagad u cayaari jirtay soo ma jirto koox kale oo aad u cayaartay ka hor kooxdii aad ku can baxday ee Wagad?
Xasan Tiiro: Haa waa runtaa oo Wagad ayaa la igu yaqaanay waxaase aan cayaaraha ka bilaabay kooxdii Badda ama Dekedaha anigoo u cayaaray sanadihii 1970-1972 kii anigoo ka dibna u soo wareegay kooxda Wagad ama Fiat oo aan u cayaarayey 1972-1976 kii.
Cayaaraha: Markii aad cayaaraha ka fariisatay dalka miyaad shaqo kale ka bilowday mise dibadda ayaad aaday?
Xasan Tiiro: Waxaan aaday dalka Qatar ee khaliijka waxaanan ka mid ahaa cayaartoy badan oo soomaaliyeed oo ayagu cayaartoy kubadda cagta ah ka noqday.
Cayaaraha: Yaa ka mid ahaa cayaartoydii kale ee ka cayaaraysay dalkaasi kooxdee ayaadse u cayaari jirteen?
Xasan Tiiro: Waxaan u cayaari jiray kooxda ciidamada dalkaasi ee Qatar Army Force waxaana ka mid ahaa cayaartoydii kale ee soomaaliyeed Xasan Cafiifi, Maxamed Ismaaciil, BAshiir Jeenyo, Scot, Cantar iyo Fuaad Jeenyo.

Cayaaraha: mudadii aad ka midka ahayd weeraryahanada kooxda Wagad maxaa guula ah oo aad gaartay adiga Xasan ahaan mise is leedahay waxaa jira guulo kale oo aad rabtay in aad gaarto?
Xasan Tiiro: Sanad cayaareedkaygii ugu horeeyey kooxda Wagad waxaan noqday weeraryahankii ugu goolasha badnaa ee sanadkaasi 1972-73 anigoo ku qaaday 16 gool, waxaa kale oo aan ahaa cayaartoygii ugu horeeyey ee asaga oo cayaaraha gobolada cayaaray loo magacaabo xulka qaranka isla sanadkaasi 1972 kii ka dib markii aan u cayaaray gobolka Banaadir cayaarihii gobolada dalka.
Cayaaraha: Xasan waxaa had iyo goor laga doodaa heerarkii kala gedisanaa ee kubadda cagta dalka adiga marka aad isbarbardhigto xiligaagii iyo kuwii kaa dambeeyey xiligee ayaad is leedahay kubadda cagta dalkeenu aad bay u wanaagsanayd maxayna tahay sababtu?
Xasan Tiiro: Run marka aan kuu sheego sanadkii 1982 kii wixii ka dambeeyey laacibiinta ama cayaartoyda kubadda cagta ee dalku aad bay u yaraadeen marka aad eegto xiligeenii waxaa cayaartoyda ka dhexeeyey tartan aad u xoog badan iyo isxifaalayn taasoo keentay in ay xataa dalka u soo cayaar doontaan cayaartoy ka imaan jiray dalalka deriska ah. Xaga maamulka xiriirka xiligeenii cayaartoydu waxa ay lahaayeen ixtiraam aad u sareeya dadkii maamulka hayeyna aad ayey uga wanaagsanaayeen kuwii xiliyadii dambe.
Cayaaraha: Yaad ka magacaabi kartaa cayaartoydii ugu wanaagsanayd xiligaasi dhinaca weerarka iyo daafacaba?
Xasan Tiiro: Xiliyadii aan ciyaaraha ku dhexjiray waxaa aad ii cajab gelin jiray qaab cayaareedkiisa iyo waliba farsamadiisaba weeraryahankii kooxdii Horseed Saciid Ducaale waxaanan hubaa in aanan xataa telifishan wali ka daawan cayaartoy ka farsamo badan Saciid Ducaale, dhinaca daafaca waxaa aad u heer sareeyey uguna wanaagsanaa xiligeenii Scot kii Horseed iyo alaha u naxariistee Jimcaale Xaayow.

Cayaaraha: Hadda oo aad ku nooshahay dalkan ingiriiska waxaan la soconaa in aad koox dhalinyaro ah ku tababartid magaaladan ma qibradaadii hore ayaad adeegsataa mise waxaad samaysay tababaro dhinaca macalinimada ah mudadii aad dalka ka soo maqnayd?
Xasan Tiiro: Su’aal fiican waaye, run ahaan waxaan qaatay dhawr shahaado oo aan ku horumarinayey aqoontayda tababarnimo waxaanan ka gaaray heer aad u wanaagsan oo aysan dad badani ka gaarin waxaanan hadda sida aad sheegtay aan tababaraa koox soomaaliyeed oo u badan dhalinyaro mustaqbal ku leh kubadda cagta.
Cayaaraha: Bahda sport ga gaar ahaan kubadda cagta waxaa had iyo goor ka dhex abuuran isqabqabsi marka adiga Xasan ahaan sidee u aragtaa xiriirk soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo qaabka uu u maareeyo hawlihiisa, wax xiriir ahse ma la leedahay?
Xasan Tiiro: Xiriirka SKC waxaan la sameeyey xiriir waana wada hadalnaa waxaase fajac igu noqotay markii aan maqlay in macalimiin loo dirayo siminaar ka dhici doona dalka Jabuuti kaasoo aan aad uga xumaaday anigoo isbidayey in aan ka mid ahay dadka ayagu mudan in la siiyo fursadahaas madaama aan horumar kaligay ah isku sameeyey isla markaana aan wali ku dhexjiro soo saaridda cayaartoy soomaaliyeed.
Cayaaraha: Aqoon iswaydarsigaasi aad magacawday waxa uu dood badan ka dhex abuuray bahda kubadda cagta haba u badnaato qaabka loo xulay ama loo doortay macalimiinta ka qaybqaadanaysa marka dhinaca kale laga fiiriyana macalimiinta soomaaliyeed oo dhan kama wada qaybgali karaan marka adiga maxaad ku mudan tahay kuwa kalena aysan ku mudnayn?
Xasan Tiiro: Aniga marka hore waxaan ku dhexjiraa ka shaqaynta dhalinyarada si aan u soo saaro cayaartoy ka cayaara horyaalka dalkan ingiriiska fursadaha noocaan oo kale ahina waxay u tahay dadka aniga oo kale ah qaali, waxaa kale oo aan mudnaa xataa haddii aan la ii garan in aan ka qaybgalo aqooniswaydaarsigan in la igu soo wargeliyo.
Cayaaraha: Dhinaca guddiga olimbikada soomaaliyeed wax xiriir ah ma leedihiin maxaase talo ahaan ah oo aad u soo jeedin lahayd maadaama GOS laftigeeda ay eedaymo badan uga yimaadaan bahda sport ga ee dibadda iyo dalkaba?
Xasan Tiiro: Waxaa aad horta muhiim u ah in qof waliba mansabka uu mudan yahay la siiyo amaba la garto waxaase muuqata oo cad in arintaas aysan hadda diyaar u ahayn GOS iyo xiriiraduba, waxaa jirtay in sanadkii tagay aan dalbaday in xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagtu ii diro waxbarasho ku saabsan tababarka kubadda cagta oo sanad waliba dawladaha soo koraya macalimiintooda lagu siiyo dalka Hungary, xiriirka dhinacooda way dadaaleen laakiin GOS oo ay ku xirnayd in ay ayagu lacagta bixiyaan ayaa iga bixin waayey ama la hadli waayey dadkii ayagu bixin lahaa taasoo niyad jab wayn igu riday inkastoo ay arinkaas cudurdaar ka bixiyeen.
Talo ahaan aniga waxaan u soo jeedin lahaa in qof waliba waxa uu galo lagu qiimeeyo ninkii guri dhisa guri dhiskiisa loo daayo ninkii macalin ah macalinimadiisa loo daayo, dhinaca kale waxaan ku talin lahaa in la dhiso aqoonta macalimiinta ayaguna ay muujiyaan dadaal.
Cayaaraha: Nin ka mid ah bahda sport ga oo aanan jeclayn in aan magacaabo ayaa hadda ka hor iiga sheekeeye in cayaaryahankii hore ee kooxdii Wagad Dr Cumar Ganjab uu maalin aad koox kale la cayaarayseen uu adiga oo kubadda wata dhawr mar oo isku xigta kula hadlay adigoo mar walba samaynayey sidii uu kuu sheegayey ka dibna uu kugu yiri Shoot markii aad darbad xoogan gantayna ay shabaqa cuskatay, intaasi ka dib ayaad intaad soo eegtay Cumar Ganjab waxa aad ku tiri eebow mar kasta saas iigu sheeg arinkaas maxaa ka jira Xasan haddii aan kula kaftamo?
Xasan Tiiro: Qosol badan ka dib, waxba kama jiraan waa sheeko la isku aad aadiyey.
Cayaaraha: Ugu dambayn Xasan yaad jeceshahay in aad halkan ka salaanto?
Xasan Tiiro: Waxaan jeclahay in aan salaamo dhamaan cayaartoydii soomaaliyeed kubadda cagta iyo kolaygaba, waxaan kaloo salaamayaa caruurtayda iyo dhamaan cayaartoydii kooxda Wagad.
Waraysiyada soo socda:
Bashiir Yuusuf "Baabuuji" (Xulka qaranka kubadda cagta 1993-2001)
Saciid Cayrow "Horseed iyo Xulkii qaranka kubadda cagta"
Yaxye Islow "Wagad iyo xulkii qaranka kubadda cagta"
Dr Shiis iyo Xaawo Taako "Xulkii qaranka kubadda kolayga iyo kooxihii Horseed iyo Jeenyo"
Kuligood dhawaan kala soco cayaaraha.com