|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Xiriirka k/cagta Somalia oo Howlihiisa dardar galinaya

Xiriirka kubadda cagta Somalia ayaa dardar cusub galinaya howlihiisa iyo shaqooyinkiisii, isagoo haatan iyo wixii ka danbeeya xooga saari doona sidii uu howlihiisa u gaarsiin lahaa gobolada dalka Somalia.

Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Somalia Saciid Mahamuud Nor Mugaanbe iyo xogahaya xiriirka k/cagta Somalia C/qani Said Arab oo dhawaan soo gaaray magaalada Nairobi ayaa ka war bixiyay sida ay ugu go,antahay iney xooga saaraan horamarinta ciyaaraha gobadalada dalka Somalia.

Gudoomiyaha iyo xoghayaha xiriirka k/cagta Somalia intii aysan dib ugu laaban magalaada Mugdisho kadib markii ay dhameysteen howlo shaqo oo ay u yimaadeen magaalada Nairobi kulan aan kula yeeshay Aqalka Chester House oo daganaayeen ayeey iiga warbixiyeen wax yaabaha u qorsheysan xiriirka k/cagta .

Xoghaye C/qani ayaa sheegay in haatan ay xooga saari doonaan sidii ay howlahooda si weyn u gaarsiin lahaayeen dhamaan gobolada dalka Somalia gaar ahaan maamula goboleedyada Puntland iyo Somaliland taasoo ah mid ay ku hormarinayaan sports gobaladaasi ka jira maadama arintaasi uu wajib ka saran yahay xiriirka k/cagta Somalia .

Gudoomiyaha xiriirka Mr Mugaanbe ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta dhibaatada xiligaan ka heysata sii wadida howlahoodii magaalada muqdisho oo uu sheegay iney tahay mid aad u xoog badan, laakiin hadana ay si dhabar adeyga ah ay u wadaan howlihii ay umada u hayeen.

Marka la eego xaalada haatan ka jirta magaalada muqdisho ma ahana mid qof bini,aadan ah uu ku shaqeyn karo sidaasi waxaa yiri xogahye c/qani oo ka warbixinayay hakadaka ku yimid ciyaaarihii magaalada laga ciyaari jiray.

“dadku waxey leeyihiin xiriirku mudo 4 sano ah ma qaban horyaalkii dalka laga ciyaari jiray, waxaan la yaabay dadku isma weydiiyaaan miyaa yaa loo qabanaa horyaalka oo ciyaaraya , waxaa ka sii horeeyay intaasi oo dhan xaalada amaan oo dad la iskugu keeni karo muqdiso ma jirtaa” sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay xoghaye c/qani oo aad iskaga difaacayay dhaliilaha ay dadka qaarkii u soo jeedinayaan xiriirkiisa.

Wuxuu intaa ku daray xogahaye C/qani xamar haatan aysan ku nooleen kala baroo bar dadkii ku noolaan xamar hadii ciyaartoy uu ahaan lahaa, hadii uu garsoore ahaan lahaa, hadii uu macalin ahaan lahaa iyo tan ugu weyn ah taageerayaashii ciyaaraha u soo daawasha tagi jiray, marka yaa loo qabtaa horyaal..? ayuu weydiiyay dadka dhaliisha la soo taagan.

c/qani wuxuu sheegay haatan in howlahooda ay u wareejin lahaayeen gobolada dalka Somalia gaar ahaan meelaha ay xasiloonida ay ka jirto si ay sara ugu qaadaan howlaha xiriirka , dhamaadka sanadkaan ayuu sheegay iney ilaa 16 gobol oo ay ciyaaro ugu qaban doonaan maamul goboleeda puntland halkaasoo laga xuli doono dhamaan ciyaartoyda Somalia ugu qeybgali doona ciyaaraha caalamiga ah.

Sir Sunni Siciid Saalax


Written By: faaraxblue
Date Posted: 9/14/2009
Number of Views: 500

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use