|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
GOS iyo XSKC oo labaduba beeniyey in wax lacag ah laga lunsaday garoonka Banaadir.

Guddoomiyaha guddiga OS mudane Aaden Xaaji Yabarow "Wiish" iyo guddoomiye ku xigeenka XSK Cagta mudane Axmed-Nuur Xasan Cabdulle oo xalay u waramayey barnaamijka cayaaraha ee telivishanka Universal ayaa labaduba beeniyey in wax lacag ah oo laga lunsaday garoonka Banaadir aysan jirin. 

Barnaamijkan xalay oo ay marti ku ahaayeen afar xubnood oo isugu jiray labadan mas'uul oo ka tirsan madaxda GOS iyo XSKC, macalinkii hore ee xulka qaranka kubadda kolayga macalin Xasan M Faarax "John" iyo guddoomiyihii hore ee XSKC mudane Muxiyadiin Xasan Cali "Darbawayne" ayaa waxaa aad loogu lafaguray isla markaana looga dooday arimaha ay ugu waawaynaayeen lacagta lagu eedeeyey in ay lunsadeen XSKC looguna talagalay in lagu dayactiro garoonka qadiimka ah ee kubadda cagta Banaadir Stadium taasoo ka badan 1m oo dollar.

Guddoomiyaha GOS oo asagu qadka taleefanka ugu waramayey barnaamijkan ayaa caddeeyey in aysn jirin wax lacag ah oo la siiyey SXKC, ayna FIFA u xilsaaratay shirkad dhista garoomada kubadda cagta isla markaana qaabkii hore ee lacagta loo siin jiray xiriirka ay joojiyeen FIFA wuxuuna dhinaca kale sheegy in ay haboon tahay in la marka hore la ogaado xogta jirta ka hor intaan la is eedayn, wuxuuna intaasi raaciyey in dadka dibadda ku nool ay waxyaabo kale isaga riyoonayaan.

Mar uu ka hadlyey cayaaraha la shaaciyey in lagu qabanayo magaalada Garowe ee maamulka Puntland ayuu sheegay in markii hore ay ku bilaabatay kubadda cagta ka dibna ay go'aansadeen in ay ku daraan cayaaraha kale wuxuuna sidoo kale sheegay in aysan mamnuuc k ahayn dadka qurbajooga ah in ay xubno ama madax ka noqdaan guddiga olimbikada soomaaliyeed asagoo ka jawaabayey su'aal ahayd ma waxaa laga waayey dad buuxin kara jagooyinka la siiyey dadka dibadda ku nool.

Guddoomiye ku xigeenka XSKC oo asaguna dhinaciisa ka hadlay barnaamijkan ayaa sidoo kale sheegay in qaabkii hore ee ay FIFA ku soo gaarsiin jirtay lacagaha xiriirka la joojiyey ka dib dhacdooyinkii xiriiradii ayaga ka horeeyey wuxuuna caddeeyey in ay ayagu qabtaan ama fuliyaan waxqabadkooda ka dibna qaansheegato "Invoice" u diraan FIFA si dib loogu soo celiyo qaabkaasina uu yahay kan ay FIFA kula shaqeeyaan inkastoo uu qirtay lacago soo gaaray xiriirka oo lagu soo hagaajiyey shaqsi jooga Dubai.

Somalia.jpg

Axmednuur ayaa waxa uu sidoo kale caddeeyey in dhismaha garoonka dib u dhaciisa ay ugu wayn tahay amaandarada ka jirta magaalada Mogadishu maadaama la rabo in shirkadda dhisaysa garoonka "Green Field" ay shaqaalaheedu yimaadaan dalka si ay u dhamystiraan inkastoo buu yiri shaqada qaybteeda hore ay wadeen shirkado Soomaali ah. "Sawirka sare: Green field Manager Mr Sophocles iyo xoghayaha XSKC Cabdigani Saciid Carab"

Guddoomiyihii hore ee XSKC mudane Darbawayne ayaa asagu dhinac kale ka abaaray arintan dooda badan ka dhex abuurtay bahwaynta sport ga wuxuuna sheegay in dadka maamula XSKC oo uu ku tilmaamay dad masaakiin ah oo aan aqoon badan u lahayn shaqada ay hayaan aysan wax lacag ahi soo gaarin marka laga reebo boqolka kun ee uu Axmed Nuur sheegay inkastoo uu dhinaca kalena sheegay in ay saxiixeen lacag dhan $380,000.00 "Saddex boqol iyo sideetan kun dollar" oo aysan arag balse uu haysto lacagtaas iyo lacagaha kale ee XSKC nin lagu magacaabo Jerome Champagne oo asagu ah madaxa xiriirka caalamiga ah ee FIFA.

Champagne ayuu sheegay in uu noqday nin asagu hortaagan horumarka 17 dal oo African ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay uuna uga daran yahay cudurka Aids ka dalalkan. gudoomiyihii hore Muxiyaddiin Darbawayne ayaa asaguna dhinaciisa sheegay in aan wax lacag ah oo loo shubay XSKC aysan jirin.

Macalin Xasan "John" ayaa asagu si aad ah ugu dheeraaday isla markaana su'aalay qaabka loo maamulo sport ga dalka iyo waliba sida ay bulshada soomaaliyeed uga faaiidaystaan dhamaantood wuxuuna carabka ku dhuftay in ay haboon tahay in dadka soomaaliyeed ay ayagu is aaminaan isla markaana shaqooyinka ay ayagu u baahan yihiin la siiyo.

Macalinka ayaa dhinaca kale isi su'aalay dhawr su'aalood oo ay ka mid ahaayeen, Maxaa keenay in 25 kooxood oo dhamaantood ka dhisan Xamar ay doortaan XSKC?, maxaa keenay in hal xubin oo GOS ah iyo XSKC oo kaliya oo aysan la socon xiriiradii kale ay heshiis la galaan Puntland si loo qabto cayaaraha gobolada ayadoo uusan wasiirku ogayn? , wuxuuna ugu dambayntii sheegay in ay haboon tahay in qof waliba is xisaabiyo adduunkana uusan ku sii waarayn lagulana xisaabtami doono waxa uu qabto.

Doodahan iyo dacaayadahan la isku marinayo warfaafinta ayaa yimid ka dib markii XSKC lagu soo eedeeyey in ay lunsadeen lacag dhan $ 1,159,869  inkastoo ay hadda muuqato ama so ifbaxayso in aysan jirin lacag intaas le'eg oo soo gaartay xiriirka taasoo ay si cad u caddeeyeen madaxda GOS, iyo XSKC, isla markaana uu sidoo kale caddeeyeen wasiirka sport ga in uusan ka war hayn lacagtaas halka guddoomiyihii hore ee XSKC uu sheegay dhinaciisa in uu ogyahay in aan lacagtaas loo shubin XSKC.

Eedayntan ayaa waxaa xaqiiqdeeda loo adeegsaday shabakadda FIFA barnaamijkeeda Goal Project "Halkan riix si aad u aragtid" taasoo sida ku cad XSKC loo meelmariyey codsigoodii ahaa in ay dib u dhisaan garoonka Banaadir Stadium iyo qorshahoda kale ee horumarinta sport ga 22 October 2008, waxaase aan meesha ku caddayn qaabka loo siinayo lacagtaas iyo cidda loo soo marsiinayo, waxaase ay dad badan oo ayagu u kuurgala arimaha iyo qaabka ay u wada shaqeeyaan FIFA iyo wadamada soo koroya ee ayaga lagu tuhunsanyahay isdabamarinta ay sheegayaan in FIFA ka qaadatya dalalkaas go'aan adag kaasoo ay ku xadidayso lacagaha la siiyo isla markaana ay la yimaadaan wax qabad ka hor inta aan la siin lacag.

Dhinaca garoonka ayaa waxaa la sheegayaa in FIFA qandaraas ku siisay shirkad reer Holland ah "Green Field" taasoo ayaduna qandaraas hoose siisay shirkad Soomaali ah maadaama aysan XSKC haysan ama heli karin lacag intaas le'eg oo ay ku dayactiraan ka dibna ay dib u dalbadaan. 

Halkan ka daawo barnaamijkii dooda. 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 9/8/2009
Number of Views: 500

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use