Gudoomiyaha oo booqashada uu ku yimid Caasimada labaad ee Denmark ku wehliyeen xubno ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Soomaaliyeed, isla markaana ah Xoghayaha Fulinta GOS, Mudane Faarax Cali Macalin iyo Mudane Deeq Maxamuud Yuusuf “Deeq Tiirow” iyo mudane Keenadiid Cabdi daahir oo ah Guddiga Jaalliyada Isboortiga ee ka dhisan magaalada Kolding, ayaa ugu horeyn Jaalliyada isboortiga Aarhus uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee Isboortiga Soomaaliya uu soo maray tan iyo markii la riday Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Mudane Wiish oo sheegay in guud ahaan Isboortigu uu ka madax bannaan yahay siyaasada sidaa darteed uu asiga naf ahaantiisa iyo rag ay ka mid yihiin marxuum Nuur Xuseen Jeenyo iyo C/qaadir Gacal Abkoow si Iskaa Wax U Qabso ah ugu tafaxeyteen sidii ugu yaraan Calanka Qaranka Soomaaliya uga dhex muuqan lahaa kulamada Cayaaraha waaweyn ee Dunida ka dhaca.
Wuxuuna ka dhawaajiyey in Soomaaliya ka qeyb gashay laga soo bilaabo 1996-dii Cayaarihii Olombikada ee lagu qabtay magaalada Atalanta, Giorgia (USA) ilaa iyo kuwii ka dhacay sannadkii hore magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, sidoo kalena Soomaaliya waxay caadi ahaan uga qeyb qaadataa cayaaraha All African Games.
“Koobkii Aduunka ee Ciyaaraha Fudud ee bishii hore lagu qabtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay wafdi uu hogaamiyaayey Xoghayaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Faarax Cali Macalin ee hadda fadhiya garabkeyga bidix” ayuu yiri Mudane Wiish asigoo isla mar ahaantaana gacantiisa midig ku jiheeyey dhinaca Xoghayaha. Gudoomiyaha wuxuu hoosta ka xariiqay ujeedka ugu weyn ee ay isu abaabuleen ugana qeyb galaan kulamada Isboortiga Aduunka 20-kii sanno ee ugu dambeysay ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku soo wajaheen dhibaatooyin badan uu yahay in niyad dhis ay u noqoto Qurbajoogta Soomaaliyeed, qaasatan in da’yarta qurbaha ku hanaqaaday ku abuuranto wadaninimo iyo dal jceyl markay arkaan calankii Soomaaliya oo dhinac babanaaya calamada dalalka reer Galbeedka.
Mar uu ka hadlaayey dhibaatooyinka uu kala kulmay sii waddida howsha qaran wuxuu sheegay sannadihii ugu horeeyey ee fowdada guud ahaan dalka ka socota, qaasatan caasimada oo noqotay meesha dagaalada ahliga ah ay aad u sameeyeen weligiisna uu ku noolaa, ay marar badan la soo gudboonaadeen dhibaatooyin naftiisa qatar geliyey, ugamana hakan inuu sii wado howlihiisa.
Gudoomiye Wiish wuxuu ugu dambeyntii aad ugu nuuxnuuxsaday oo dadkii shirka joogayna kula dardaarmay in xil la iska saaro sidii loo hormarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed iyo weliba in jiilalka soo koraaya lagu abuuro muwaadannimo iyo qiimaha uu leeyahay calankeena buluuga ee xiddigta shan-geesoodka dhexda kaga taal.
Intaas ka dib waxaa shirka ka soo jeediyey hadalo isugu jira mahadnaq iyo dhiirgelin ku jiheysan xilka howsha qaran uu garwadeenka ka yahay Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) Mudane Aaadan Xaaji Yabaroow “ Wiish” Cayaaryahankii hore ee Naadiga Somalita iyo weliba Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Mudane Ciise Xasan Raam “Ciise Dheere” oo asigana hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay sii waddida iyo horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
Ka qeyb galayaasha shirka ee ka socday Jaalliyada Isboortiga Aarhus waxaa ka mid ahaa
Ciise Xasan Raam
Cali Cabdi Yuusuf
Baashi Dheere
Daa’uud Dheere
Daahir Ibraahim Waasuge
Cabdulaahi Cali
C/laahi Xasan Hadaafoow
Maxamed Jaamac
Cabdiweli Saciid Jaamac



Warbixinta iyo sawiradeeda waxaa diyaariyey
Daa’uud Xuseen Ciidangale
Aarhus/Denmark