|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Macalin C/Laahi Muxiyaddiin ooloo gartay shaqsi noloshiisa u huray ubadka Soomaaliyeed.

Macalinka kooxda da'yarta White Stars oo ka dhisan waqooyiga magaalada London ayaa loo gartay shaqsi naftiisa barkeeda u huray sidii uu u soo saari lahaa cayaartoy soomaaliyeed oo wax la qaybsan karta jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska xaflad si aad u heer saraysa loo soo agaasimay oo ka dhacday waqooyiga London jimcihii tagay.

Xafladdan oo lagu soo dhawaynayey goolhayihii hore ee naadigii Horseed iyo qaranka Maxamed Cabdi Cumar "Jaahuur" oo asagu saaxiib la ah macalinkan martina u ahaa ayaa waxa ay bahwaynta cayaaraha magaalada London gaar ahaan kuwooda waqooyiga London waxa ay garteen ayagoo tixraacaya dadaalka iyo waxqabadka uu macalinkani ka muujiyey xaafadaha ay ku nool yihiin iyo waqtiga iyo juhdiga uu geliyey caruurta Soomaaliyeed muadadii 10 ka sano ka badnayd ee uu kooxdan tababarka siinayey in ay haboon tahay xiligan in lagu abaalmariyo macalinkan hawshan baaxadda leh ee uu bulshada u hayo loogana faaiidaysto fursadaasi qaaliga ahayd oo ay isugu imaanayeen bahwayntani.

Tifatiraha shabakaddan cayaaraha.com oo asagu ka mid ahaa asxaabtii isku xilqaantay abaalmarintan ayaa ugu horeyntii ka soo jediyey halkaasi taariikhda macalinkan C/Laahi Muxiyaddiin oo asagu ka mid ahaan jiray cayaartoydii kubadda cagta ee naadiyadii Waxool iyo Horseed inkastoo nasiibdarro uu laacibkani ka jabay jilibka aysana suuragal u noqon in uu heerka koowaad ee dalka ka cayaaro iyo waliba heerarkii macalinimo ee kala gedisanaa ee uu ka soo qabtay gudaha dalka iyo dalkan Ingiriiskaba waxaana uu taariikhdaasi gaaban ka dib ku wareejiyey hadalkii Maxamed Buuwe oo asagu ka mid ah saaxiibada aad aqoonta hoose ugu leh macalinkan isla markaana ay isla soo saareen cayaartoy badan oo dalkeena caan ka noqday si uu uga war bixiyo macalinkan.

CIMG3955.JPG

Sawirka sare: Cumar "Baadhe" "Jeenyo" iyo C/Laahi Muxiddiin.

Maxamed C/Raxmaan Buuwe waxa uu si qoto dheer uga faalooday macalin C/Laahi oo uu ku tilmaamay ruux dulqaad badan isla markaana ka hormariya dantiisa gaarka ah tan guud ee dhalinyarada iyo caruurta soomaaliyeed asagoo buu yiri ka bilaabay aruurinta laacibiinta xiliyadii uu dhaawaca ahaa wuxuuna sheegay in uu degmadii waaberi ee magaalada Mogadishu uu macalinkani ka soo saaray cayaartoy fara badan.

Buwe ayaa sidoo kale sheegay in mudadii uu dalkan ku sugnaa macalinku uu had iyo goor ka shaqaynayey horumarinta ubadka yaryar oo aysan dadka kale xil badan iska saarin waxaanan hubaa in abaalmarintan uusan jirin ruux uga xaq badan in la guddoonsiiyo, wuxuuna dhinaca kale amaan iyo mahadnaq u soo jeediyey bahwayntii isku soo abaabushay abaalmarintan.

CIMG3967.JPG

Macalin Saciid Geeseey iyo macalin C/Laahi.

Waxaa asaguna hadal aad u qiiro badnaa ka soo jeediyey halkaasi aabe ka mid ah waalidiinta caruurta uu macalinkani faraha ku hayo oo lagu magacaabo Bashiir Indhabuur asagoo ku amaanay macalinkan mudan bilad dahab ah bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga iyo bariga magaaladanina ay u hayaan ixtiraam maadaama uu ubadkeena ka dhawro waxyaabo badan oo wax u dhimi karayey caafimaadkooda, dabeecadooda,dhaqankooda iyo waliba diintooda suuban waxaana uu mahadnaq u soo jeediyey macalinka iyo inta gacan ka siisa hawshan asagoo ku hadlay magaca waalidiinta oo habeenkaasi halkaasi ay ka joogeen in ka badan lix waalid.

CIMG3939.JPG

Guddoomiye Maxamed Faaqid "Ex Jeenyo"

Intaasi ka bacdi ayaa waxaa asaguna asagoo ku hadlaaya magaca bahwaynta sport ga waqooyiga London halkaasi ka hadlay guddoomiyaha maamulka cayaartoydii hore iyo bahda sport ga ee ku sugan waqooyiga London Maxamed Faaqid "Cayaartoy hore kubadda cagta ee naadigii Jeenyo-LLPP" oo asagu amaan iyo mahadnaq dadkii ka soo qaybgalay ka dib ku tilmaamay macalin C/Laahi shaqsi ay u hayaan xushmad iyo abaal aad u fara badan maadaama uu marka koowaad daboolay baahidii ubadka soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga London ka dibna uu ilaaliyey sharaftii iyo magacii cayaartoydii, macalimiintii iyo maamulkii hore ee dalka oo ayaga had iyo goor lagu tilmaamo kuwa aan waxba qaban taasoo aan hadda meesha ka muuqan.

CIMG3982.JPG

C/qaadir "Isoomareey", C/Laahi Muxidiin iyo Zola.

Ugu dambayn waxaa hadiyad lahayd muuqaal koob uu dusha ka saarnaa banooni ama kubad cag kuna xardhan xidigo dahabi ah ayna ku qornayd qoraal ah "C/Laahi Muxiddiin, Life Time Achievement Award 2009" laga codsaday goolhayihii hore ee naadigii Horseed iyo qaranka isla markaana ah saaxiib booqasho ugu yimid macalinkan in uu guddoonsiiyo biladdan macalinka halkaasoo dhamaan dadkii goobjooga ahaa ay wada istaageen looguna sacab tumay.

Macalin C/Laahi oo isku dayey in hadal gaaban ka soo jeediyo halkaasi ayey ku adkaatay farxad iyo qiiro darteed waxa uuna si kooban u yiri, "Nin aad hadalkii ka jarteen ayaad leedihiin hadal", runtii hadal badan ma oran karo laakiin waxaa igu kalifay in aan caruurtan iska daba galo waa anigoo dareemay in horumar la'aanta cayaartoyda soomaaliyeed ay ugu wacan tahay diyaarin la'aanta xiliga ay u baahan yihiin in la diyaariyo taasoo ah marka ay jiraam da'da 6-14.

Odayaashii iyo cayaartoydii hore ee ka soo qaybgashay xafladdan ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Shell, C/Qaadir Isoomareey, Maxamed Buwe, C/Qaadir M Faarax "Biriq", Maxamed Axmed Daysane "Cayaartoy hore Betroolka", Shidane, Jaahuur "Cayaartoy hore Horseed", Siciid Geeseey "Somalita", Muriidi Abanuur abati "Madbacadda", Zakariya maxamed Bliile, Cabdiwali, C/Fataax Qardoole "Mogadishu", Maxamed Faaqid, Axmed Cabdulle Xirsi "Axmed Bile", Maxamed-Nur Xasan "Cadowle", Cumar "Baadhe", Aaden Mooblayn "Jeenyo-LLPP", Maxamuud Ismaaciil "Waxool", Bashiir Maxamed yuusuf "Baabuuji" "Midnimo" iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin.

CIMG3985.JPG

C/qaadir "Biriq" "Ex Betroolka", C/Laahi Muxiddiin iyo Bashiir Indhabuur.

Taariikhda macalinka, kooxda uu hadda gacanta ku hayo, cayaartoydii ilaa hadda ay ka codsadeen kooxaha dalkan oo ay ku jiraan kuwa waawayn iyo waliba heerka ay hadda joogaanba waxaan idiin soo gudbin doonaa dhawaan haddii alaha awoodda lihi ogolaado.

CIMG3961.JPG

Mooge "Ex Banaadir Telecom" iyo Cabdiwali "Ex Mogadishu"

CIMG3974.JPG


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/27/2009
Number of Views: 2482

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use