|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
kooxdii ugu kubada qurxooneyd CECAFA oo hartay iyo dhowr ciyaaryahan oo laga iibsanayo

Kooxda K/caga ee Banaadir Telecom  ee horyaalka wadanka SOmalia ayaa goor dhaweyd ee caawa ka hartay koobka horyaaladda kooxaha bariga iyo bartamaha africa, kaddib markii 5-1 ay uga adkaatay kooxda KCC ee wadanka Uganda, waxaana ciyaartaas ay ka dhacday garoonka Khartum Stadium.

Ciyaarataas oo aheyd mid aad u xiiso badneyd waxaa gooolka qura ee kooxda Banaadir u dhaliyay ciyaaryahan Nuune oo bedel ku soo galay ciyaarta, waxaana sidaas oo kale galabta dhaawac ka soo gaaray ciyaarta difaacooda adag ee Yaasiin Cali Cigaal oo muruqa  ka dhaawacmay qeybtii hore ee ciyaarta, waana ciyaaryahankii 3 aaad oo mihiim ah oo kooxda ka dhaawacmay.

kooxda oo la siiyay kooxdii ugu ciyaarta macaaneyd dhammaan kooxaha ka soo qeyb galay tartanka ayaa nasiibkeedu u ogolaan waayay in ay guulo la taaban karo ka gaarto, waloow ay sameeyeen ciyaartoydu dadaal  aad u fiican.

dhinaca kale ugu yaraan 6 ka mid ah ciyaartooyda kooxda Banaadir ayaa helay codsiyo kala duwan, waxaana ciyaartooydaas ka mid ah, difaaacyada kooxda Yaasiin Cali Cigaal, Xuseen Cali Babaay, Kabtabka kooxda Maxamed Yare, khadka dhexe ee kooxda Kiven Kimai oo u dhashay wadanka Kenya, goolhaye France Otino oo Kenya u dhashay iyo Ciyaaryahan Nuune, waxanaana kooxaha la soo xiriiray ka mid ah, Kooxda Al Ahli ee wadanka Suudaan, KCC Uganda, Kartileh Jabuuti iyo kooxda Atraca ee wadanka Rwanda.

dhamaman heshiisyadaas iyo war bixino dheeraad ah kala soco bogan cayaaraha.com

                    Wararkii hore:

Kooxdii ugu kubadda qurxoonayd Cecafa......

Kooxda Banaadir oo isku diyaarinaysa KCC

Kooxda Somali ee BAnadir oo guuldarro ku...

Sawirada cayaartii shalay dhexmartay Banaadir..

Kooxda Banaadir oo wacdaro ka dhigtay Cecafa

Warbixin iyo awiro ku saabsan kooxda Banaadir..

Kooxda Banaadir oo gaartay Sudan iyo Seuki..

Kooxda Banaadir oo tababarkii ugu dambeeyey..

                                   Partners

                       header_bg_cay.jpg         logo.jpg

Farah Blue.jpg

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Khartoum-Sudan


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/5/2009
Number of Views: 1079

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use