|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Daafacii adkaa ee Horseed Aways Fuundi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota(USA)

Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse  Faarax iyo Xaaskiisa Zaynab ayaa qado sharaf  soo dhaweyn ah  ugu sameeyay gurigooda oo ku yaalla  magaalada Manketo oo 70 Mile u jirta  magaalada Minneapolis , daafacii birta ahaa ee naadigii  Horseed waa Aweys Muuse Arbow oo bulshada cayaaraha ay ugu yeeraan (Aweys Fuundi).

Qado sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin isboorti,  Tababarayaal, garsooreyaal, cayaaryahannadii qaranka iyo naadiyada heerka 1aad ee kubadda cagta iyo Koleyga, qaar ka tirsanaa fannaaniintii naadiga Horseed iyo marti sharaf kale oo iyaguna xafladdaasi lagu casuumay.

Qadadii ka dib ayaa guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed  Yuusuf Muuse uu halkaasi ka soo jeediyay erayo kooban oo uu uga hadlayo ujeedada isu imaatinka qadada lagu  soo dhawaynayay  cayaaryahankaasi Aweys Fuundi iyo kaalintii uu uga jiray isboortiga. Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko bulshada isboortiga ee cadadaasi leh oo halkaasi isugu timid.

Macallin Ibraahim Suudaani, Garsoore Qolof, Cabdi Yuusuf oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa  ku soo dhaweeyay Aweys Fuundi gobolka Minnesota,waxaana ay uga warrameen dhaqdhaqaaqyada  isboortiga  ee ka jira gobolka Minnesota iyo dadaalka ay muujinayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan isboortiga noocyadiisa kala duwan. Garsoore qolof iyo Cabdi Yuusuf ayaa iyagu si gaar ah ugu hambalyeeyay bahda kubadda koleyga ee Minnesota oo iyagu muujiyay  isku xirnaansho adag. Waxaana giddigoodaba ay u mahadceliyeen Yuusuf Muuse iyo Xaaskiisa oo iyagu casuumaddaasi fidiyay.

Arbo3.jpg

Aweys Muuse Arboow oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida diiran oo loogu soo dhaweeyay Minnesota, waxaana mahadnaq gaar ah uu u  jeediyay Yuusuf Muuse iyo Xaaskiisa .

Bal aan dib kuu celino oo ku xusuusino taariikhdii cayaaryahankaasi oo kooban:

Aweys Muuse Arboow (Aweys fuundi),waxaa uu ku dhashay degmada Afgooye, sannadku markuu ahaa 1956kii, dabadeedna waxaa uu u soo wareegay gobolka Banaadir  gaar ahaan degmada Boondheere Xaafadda Daljirka dahsoon  oo ahayd halkii uu ku soo barbaaray. Sida naanaystiisa ka muuqata Aweys Fuundi waxaa uu ahaa farsamoyaqaan sare oo aad ugu shaqaysta xirfaddiisa,waayo aragnimo fogna u leh dhanka farsamada oo ilaa haatan ay ka mid tahay xirfaddiisa, waxaana uu ka shaqayn jiray wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta.

Aweys fuundi yaraantiisa waxaa uu ka mid ahaa caruurtii MINI basketka ee uu ku  tababari jiray Centro Sportivo iyo garoonkii Lucino tababare Sacad Cumar Geedi, dabadeedna kubadda cagta oo uu  aad u  jeclaa ayuu u wareegay,isaga oo markaasi ka mid ahaa ciyaal bacaadka ku ciyaari jiray garoonkii ku hor yiilay degmada Boondheere, waxaana  ciyaaraha ku dhiirri galiyay nin asagu madax  u ahaa oo naadiga Jeenyo taageere u ahaa lana  oran jiray Jaylaani Caddow Xasan oo haatan ku nool degmada Madiina kaasi oo ii geeyay tababarahii naadiga Jeenyo Allaha u naxariistee Axmed Xasan Negro.

Arbo4.jpg

1976kii ayuu markii ugu horreysay u saftay cayaarihii juunyeerka isaga oo markaasi ka tirsanaa naadiga Jeenyo, dabadeed markii ay dhammaadeen cayaarahaasi ayaa ciyaaryahanka oo ku cayaarayay  xeebta Liido waxaa halkaasi kula kulmay macallinkii kooxda Horseed Ibraahim Suudaani iyo kabtankii kooxda iskood, kuwaasi oo u sheegay in ay u doonayaan inay ku biiriyaan naadiga heerka 1aad ee Horsed, arrintaasi oo uu aqbalay.  Cayaaryahan Aweys oo isagu badanaa ka ciyaari jiray dhexda ayaa markuu u soo wareegay kooxda Horseed, Macallinkiisa Horseed u diyaariyay inuu ka cayaaro Daafaca oo kooxdu ay ku soo hareen 3dex ciyaartooy  kaliya kuwaasi oo kala ahaa: Iskood,Shaash iyo cabdi Kuus. Aweys oo isagu durbadiiba aad uga  faa’daystay macallinkiisa Ibraahim ayaa u suuro gashay inuu kooxdiisa Horseed u hoggaamiyo  inuu la qaybsado guulo faro badan oo  isdajoog ahaa oo ay ku hanteen koobabkii J/Daa’uud iyo Horyaalka. \

1977 kii Aweys Fuundi waxaa uu ku biiray Xulkii qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, muddadii uu ka tirsanaa waxaa uu ka qayb-galay cayaaro caalami oo lagu qabtay dalalka Uganda iyo Malawi.Sidoo kalena waxaa uu kooxdiisa Horseed kala qayb-galay cayaaro caalami ah oo lagu qabtay wadamada Ruushka, Uganda, Malawi iyo Masar.

Aweys Fuundi oo isagu muddo 10 sannadood u safnaa kooxda Horseed , ayaa mar uu ka hadlayay ciyaarihii xusuusta ku reebtay intuu isboortiga ku dhex jiray , waxaa uu sheegay inay ka mid ahaayeen: Cayaar 1983 kii ay kooxdiisa la cayaartay kooxdii Caanka ahayd ee Masar ”Almukhaawiluun) oo wareeggii hore oo lagu qabtay Qaahira nalooga adkaaday 7 gool  iyo 0 , waxaana uu guuldarradaasi sidaa u weyn ku  fasiray  inuu u sabab ahaa macallinkii kooxda  Ibraahim Zanaari oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeday Masar kaasi oo sameeyay qaladaad waawayn oo ay ka mid ahaayeen: isaga oo fasaxay kooxda muddo 3 maalmood ah oo ahayd waqtigii safarka la aadayay  iyo  isaga oo aanan cayaarsiin cayaartooydii wanaagsanayd. Waxaa iyaduna uu shaki wayn ka jiray macallinka oo aan la siin ballanqaadyadiisa iyo isaga oo ciyaartii dambe ee lagu qabanayay Muqdisho aan na soo raacin ee dalka dib ugu soo noqday maalin ka hor oo uu la yimid kooxdii Mukhaawiluun.

Hase yeeshee hoggaanka kooxda waxaa la wareegay Macallin Cabdi Kuus iyo Shaash, waxaana natiijadii ay noqotay in aan 2 & 0 uga adkaano wareeggii labaad ee Muqdisho lagu qabtay taasoo ii ahayd farxad aanan illoowi Karin , galabtaasina aan ka mid ahaa daafacyadii jilbaha u laabay weeraryahannadii kooxda Almukhaawiluun.

Arbo6.jpg

Aweys waxa uu carrabka ku dhuftay in sannadkii 1978 kii kooxdiisa Horseed ay Challenge kula jirtay kooxda Fiat oo iyadu sugaysa in nalaga adkaado si ay inoola cayaaraan cayaarta finaalka ee  hanashada koobka Horyaalka. Waxaa xusid mudan in  kooxda Gaadiidka oo iyadu ka mid ahayd kooxaha aadka looga cabsado  iyadu 3 iyo 1 nooga soo adkaatay wareeggii hore, hase yeeshee waxaa farxad noo ahayd in wareeggii labaad aan uga adkaano 5 & 0 taasina waxaa ay meesha ka saartay in Fiat aan la cayaarno Final, halkaasina aan koobkii horyaalka ku qaadanay.

Sidoo kalena  kooxda waxool  ayaa iyaduna 1980 isku dayday inay noo celiso kooxda Jeenyo oo iyadu barbardhac iyo in nalaga badiyo sugaysay..In kasta oo taageerayaal fara badani ay isaga baxeen garoonka oo u qaateen in barbaro ay ku dhammaatay cayaarta ayaa misna rajadii Jeenyo waxaa tirtiray ciyaar C/ladhiif oo daqiiqaddii ugu dambaysay gool qurux badan noo dhaliyay taasi oo fajaciso ku noqotay taageerayaashii isaga tagay garoonka. waxaana halkaasi ku qaadanay koobkii horyaalka.

ciyaaryahannadii uu aadka u jeclaa inay garbahiisa buuxiyaan intuu ka tirsanaa naadigiisa Horseed  waxaa ka mid ahaa:Iskoot, Shaash, cabdi Kuus, Goolhaye Jaylaani Khaliif, Cabdilatiif, Shaarkey, cabdinaasir, Killer, Maxamed Ismaaciil iyo Xasan Cafiif, iyo goolhaye Biyooley.Sidoo kale qaranka waxaa uu ka magacaabay: Nuur Gaab, Shiikhaaloow, Cabdullahi cabdi (Allaha u naxariisto)Bashiir Jeenyo, Binshaakir, Qaloocoow,J imcaale Xaayoow(Allaha u Naxariisto), Goolhaye Goorje.

1987kii ayuu cayaaryahanku cayaaraha ka fariistay duruufo gaar ahaaneed oo la soo gudboonaaday, isaga oo u wareegay dhanka dhismaha “Construction” oo ahayd farsamo gaar ah ee Eebe u siiyay hibada.

Ugu dambayntii Aweys, isaga oo ka faaiidaysanaya fursaddan waxaa uu mahadcelin gaar ahaaneed u dirayaa, Guddoomiyihii naadiga ee xilligaasi Yuusuf Muuse Faarax, macallinkiisa Ibraahim Suudaani oo aqoon aad u ballaaran uu ka kororsaday intuu ku dhex jiray isboortiga taasoo keentay in durbadiiba uu helo dalacsiin xagga mushaarka muddo sannad gaudaheeda oo uu la sinmo cayaaryahannadii ka horreeyay, iyo dhammaanba intii gacanta ku siisay isboortiga, naadigii Horseed maamulkiisa, cayaartooydiisa, iyo taageerayaashiisa.

Ugu dambayntii Aweys Waxaa uu kula dardaarmay bulshada isboortiga meel kasta oo ay joogaan inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka gudbaan is qabqabsiga aanan horumarka lagu gaari Karin laguna gaari doonin. Waana in laga shaqeeyaa in la horumariyo awoodda iyo farsamada cayaartooyda yaryar ee soo koraysa isla mar ahaantaana  Meel  looga soo wada jeestaa sidii wax loogu qaban lahaa  caruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa.  Waxaana uu Ilaah uga baryay  in ummadda Soomaaliyeed ka joojiyo colaadda dheeraatay ee halakaysay dadka iyo Dalka intaba.

Aweys haatan wuxuu ku nool yahay dalka Maraykanka,  gaar ahaan magaalada Atlanta  Georgia.

Diyaariye: Shiikha 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/3/2009
Number of Views: 3185

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use