|    Register
 
Friday, March 12, 2010
Article Details
SAWIRADA ciyaartii shalay dhex martay kooxaha Banadir Telecom iyo koxda Prisons.

Kooxda Soomaalida ee Banadir Telecom, waxay shalay soo bandhigtay ciyaar aad u macaan oo qancisay dhammaan taageerayashii daawadasheeda ka soo qeyb galay goroonka Khartuum Stadium ee magaalada Khartuum, waxaana ciyaartaas   ku soo idlaatay 2-2, iyadoo qiimeynta ay sameeyeen guddiga farsamada iyo anshaxa xiriirka bariga iyo bartamaha Africa ay sheegen in Banadir dhinac kasta ka fiicneyd kooxda Prison. 

Maadaama kuleylkii ugu badnaa ee wadanka SUdan uu xilligan socdo, waxaa xaraaradda wadankan ay shalay aheyd 43 aan la heyn dabeyl iyo neecoow  midna, waxaana garoonka oo ahaa mid la gogolay ama cowskiisu uu ahaa gacan ku sameys ka soo baxayay hanfi aad u kulul, hase ahaatee ciyaartooyda Banadir waxay muujiyeen karti dheeraad ah.

ciyaarta xigta waxay kooxda Banadir la ciyaari doontaa kooxda TP Mazembe ee wadanka Congo maalinta Jimcaha ah saadu martay  tahay 8:00 fiidnimo, waxy ka dhici doontaa goroonka qaranka ee Khartuum Stadium.

DSC01573.JPG

Bashiir Geesey, Cali Siciid iyo Abuukar Maxamed oo ciyaartooyda u sameynaya ballan qaad lacageed oo gaaraya US$ 2,000 (laba kun oo dollar) ka hor billowgii ciyaarta.

DSC01576.JPG

Macallin CaLi Maxamed Absuge oo ciyaartooydiisa u dejinaya shax ciyaareedkiisa 4-4-2

DSC01579.JPG

11-ka ciyaaryahan ee lagu billaabay ciyaarta, ka soo billow midigta, Kantan Maxamed yare, Siciid Maxamed, Yaasiin Cali, Xusen Kariuki, Muse Maxamed, Ibraahim Axmed Babaay, Caadil Nuur, Anwar, Kivain Kimani, Goolhaye Francis Otieno iyo Liiban Ilyaas.

DSC01582.JPG

Kabtan Maxamed Yare oo is baraya ciyaartooyda iyo madaxda laba kooxood iyo xirirka CECAFA.

DSC01589.JPG

labada kabtan Maxamed yare iyo Ismaaciil Laali oo ku dhex jira garsoorkii ciyaarta.

DSC01593.JPG

Goolkii 2-aad ee kooxda Banadir Telecom oo shabaqa ku socda iyo ciyaartooyda kooxda Prisons oo eegaya.

DSC01599.JPG

Ciyaartooyda kooxda Banadir oo u dabbaal degaya goolkii  hore ee ciyaarta ee uu dhaliyay kabtankooda Maxamed Yare.

DSC01516.JPG

Ciyaartooyda kooxda Banaadir oo daawanaya ciyaartii furitaanka ee koobka kooxaha CECAFA.

Wararka kale:

Kooxdii ugu kubadda qurxoonayd Cecafa......

Kooxda Banaadir oo isku diyaarinaysa KCC

Kooxda Somali ee BAnadir oo guuldarro ku...

Kooxda Banaadir oo wacdaro ka dhigtay Cecafa

Warbixin iyo awiro ku saabsan kooxda Banaadir..

Kooxda Banaadir oo gaartay Sudan iyo Seuki..

Kooxda Banaadir oo tababarkii ugu dambeeyey..

                                   Partners

                 header_bg_cay.jpg         logo.jpg

Farah Blue.jpg

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Khartoum-Sudan

farahblue_545@hotmail.com

 

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 7/2/2009
Number of Views: 1896

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use