Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Khartuum Stadium waxaa goolka furitaanka la hormartay kooxda Prisons, kaddib markii daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore uu gool madax ah shabaqa ku hubsaday weeraryahankooda John Matie, hase ahaatee ciyaartooday kooxda Banadit Telecom waaxay goolkaas ka sii qaadeen isbiirid dheeraad ah, waxaana dhacday in dhammaan kubada maamulkeeda ay kala wareegeen dhigooda wadanka Tanzania, iyadoo daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta Kabtanka kooxda Banaadir laacibka la yiraahdo Maxamed Isaq (Maxamed Yare) uu gool si fiican loo soo dhisay ka dul qaaday goolhayaha kooxda Prisons, Nelson Kimathi, laakiin maadaama ciyaartooyda kooxda Prisons ay ku dhex lumeem garoonka sababa la xiriira baaasaska iyo kubada wanaaga ciyaartooyda kooxda Banadir.
Goolkii labaad ee kooxda Banadir oo ahaa midkii ugu qurxoonaa dhammaan ciyaarihii koobkan laga ciyaaraya ayaa waxaa dhaliyay khadka dhexe ee kooxda Banaadir Telecon Kavin Kimani oo u dhashay wadanka Kenya, waxaana gookaas uu dhaliyayay daqiiqadii 43-aad ee gaban gabadii qeybtii hore ee ciyaarta uu ahaa mid kor ug soo qaaday dhammaan taaageerayaasha Soomaaliyeed ee garoonka ku sugnaa iyo ciyaartooyda kooxda inta, iyadoo lagu kala nasta 2-1.
Markii la iskugu soo laabtay qebtii 2-aad ee ciyaarta oo labada kooxoodba ay si kala gooni gooni ay soo sameysteen wada tashigooda ayaa daqiiqdii 50-aad ee ciyaarta waxaa gool offside ah oo aysan arag garsookii ciyaarta u dhaliyay kooxda Prisons ciyaaryahankooda Said Mtupah, hase ahaatee kooxda Banaadir oo weerar cir iyo dhul ah ku qaaday kooxda Tanzania ayay u suuro gali weysay in ay dhaliso goolka guusha, waloow ku dhawaad 3-goor ay ku birta ku dhigteen fursado gool loo fisahay, waxaana guud ahaan ciyaartaas ku soo idlaatay 2-2 iyo ciyaar wanaagsan oo ay la yimaaadeen wiilasha reer Somalia.
Ciyaaryahanka xulka qaranka wadanka Somalia iyo kooxda Banadir Telecom Anwar Ali ayaa dhaawac xoog leh ka soo gaaray ciyaartii galabta, wuxuuna ka jabay kalxanta bidixda, iyadoo dhaqaatiirta kooxa Banadir ay sheegeen in ugu yaraan ciyaaryahan Anwar uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil iyo bar ah, sidaas si la mid ah dhaawac fudud ayaa isna qoobka ka soo gaaray difaaca adag ee kooxda Liibaan Maxamuud Nuur.
Tababaraha kooxda Banadir Cali Maxamed Absuge (Buu) ayaa ii sheegay “Ciyaar fiican ayay soo bandhigeen dhamman ciyaartooydii kulanka ka qeyb qaadatay, waan ka ciyaar wanaagsaneyn kooxda Prisons, waayo waxaan laheyn kalsooni ah in aan badin karo markii aan helnay labada gool, sidaas oo kale waxaan maanta farxada la qeybsaneyn dhammaan ummada Soomaaliyeed oo u dabaal deagaya maalinta xorriyada ee 1-da luuliyo, insha’allaah ciyaaraha soo socdana waan badin doonaa haddii kooxdu sidan oo kale u sii waa shaqeyso”
Xasan Mwilp oo ah tababarahay kooxda Prisons oo aan dhowr su’aalood weysiiyay markii ay ciyaartu dhammaatay ayaa yiri “Kooxda Soomaalida ee Banaadit Telecom waxay ciyaartay kubad aad u tayo badneyd, runtii difaacooda aadbuu u adkaa, weerarkooduna kala go’ ma laheyn, waxaana dhihi karaa waa koox dhameystiran”
Hadii galabta kooxda Banadir Telecom ay ka adkaan laheyd kooxda Prison waxay qaadan lahaayeen ciyaarta kooxdu abaal marin lacageed oo gaareysa US$ 2,000 (laba kun oo Dollar), waxaana sidaas ciyaartooyda ka horsheegay intii ay ku jireen qolka labiska ee garoonka madaxa kooxda Banadit Telecom Abuukar Maxamed Sheekh oo ay dhinac taagnaayeen xubno ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.
Kulanka 2-aad ee ciyaarahan waxay kooxda Banadir la ciyaari doonaa kooxda TP Mazembe ee wadanka Congo habeenka Jimcaha ah, waxaana kulankaas uu yahay mid aad u xiiso badan, maadaama kooxda Mazembe caawa kulankeedii furitaanka ay guul darro xoog leh kala kulantay kooxda KCC oo 3-2 uga adkaatay, waxaaan aqeybta B kooxuhu kula horeeyaan sidan:
|
No. |
Magaca kooxda |
Dhibcaha |
|
1. |
KCC (Uganda) |
3 |
|
2. |
Banadir (Somalia) |
1 |
|
3 |
Prisons (Tnazania) |
1 |
|
4. |
Tp Mazembe (DRC) |
0 |
Dhicana kale ciyaaraha qaeybta ee A ee taratankan ayaa shalay la ciyaaray, waxaan kooxda AL-mariikh ee tartankan martigalintiisa masuulka ah ay 6-1 ku garaacday kooxda Atraco ee wadanka Rwanda, kooxda Karthile ee wadank Jabuuti ayaa guul darro kala kulantay kulankii shay, waxaana 3-0 ku dhigtay kooxda Madaara ee wadanka Kenya, waxaana kooxuhu u kala horeeyaan:-
|
No. |
Magaca kooxda |
Dhibcaha |
|
1. |
Almarekh (Sudan |
3 |
|
2. |
Madaara (Kenya) |
3 |
|
3 |
Karthile (Jabuuti) |
0 |
|
4. |
Atraco |
0 |
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Khartoum-Sudan
Mobile: +24990881319
Email: fmcblue@hotmail.com