|    Register
 
Thursday, March 11, 2010
Article Details
Kaka oo taageerayaasha Real Madrid la horgeeyey asagoo xiran funaanadda kooxda.

Cayaaryahanka cusub ee kooxda Real Madrid ee Kaka ayaa shalay waxa uu garoonka kooxdaasi ku qabtay war saxaafadeedkiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu noqday cayaaryahan ka tirsan kooxdaasi waxa uuna ka hadlay sababihii keenay in uu soo wareego Real.   

Kaka oo k hadlayey sidii ay u suuragashay in uu ka soo tago kooxda uu aadka u jecel yahay ee Milan ayaa sheegay in Milan u ogolaatay asaga in u la hadlo kooxdii danaynaysa bishii Janaayo ee sanadkan taasoo ay sababta ugu wayni ahayd dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dunida oo aad u saameeyey kooxdaasi Milan.

"Ka dib markii u dhamaday sanad cayaareedkii tagay ayey mar kale ii sheegeen in ay jiraan kooxo aad ii danynaya anigoo si cad ugu sheegay in haddii aan ka tagayo kooxda Milan in aan aad u jeclahay in aan ku biiro kooxda Real Madrid haddii ay ka mid tahay kooxaha i danaynaya" ayu sii raaciyey xiddigan reer Brazil ee Kaka.

"Maanta oo aan hortiina taaganahay waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka mid noqdo cayaartoyda kooxdan qiimaha wayn ee Real, waxay sidoo kale farxad gelinaysaa dad badan oo qayb wayn ku leh noloshayda mana iloobi doono maanta" .

Kaka oo ka sii hadlayey kooxdan Real ayaa dhinaca kale sheegay in marka uu la sheekaysanyo cayaartoyda xulka Brazil qaarkood ay had iyo goor uga sheekeeyaan taariikhda ay kooxdani leedahy iyo waliba cayaartoyda caanka h ee soo martay kooxdan waxayna ii tahay sharaf in aan ka mid noqdo koxdan ayna ii rumowday riyadaydii ayuu ku soo gabagabeeyey Kaka.

Xiddigan reer Brazil oo sidoo kale ka hadlay xiriirka ka dhexeeya asaga iyo saaxiibkiisa Real ee cusub horeyna ay ugu tartameen bilado badan ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Cristiano uu yahay cayaaryahan qiimo badan kaalin wayna ka qaaty horumarka kooxda Manchester United uuna sugi la'yahay in u ka feer cayaaro xiddigaasi.

 

 

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/1/2009
Number of Views: 418

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use