Labadan kooxood oo iyagu ku jiray grupka A, ayaa misna waxaa ay u tartamayeen hanashada koobka tartanka ka sokow, koob lagu maamuusayay munaasabadda maalinta xuriyadda Jabuuti oo ku beegnayd 06/27/2009.
Qaybtii hore ee cayaarta ayaa C/kariim oo isagu badal ku soo galay kooxda Sandiego uu wax wayn ka badalay, waxaana ay kooxda billowday inay qaado weeraro faro badan oo goolal loo fishay, hase yeeshee ay khasaariyeen, Balse daqiiqaddii 34 aad ee galinkii hore ayaa ciyaaryahan C/kariim oo galabtaasi ahaa xiddiggii garoonka waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay gool aad u qurux badan ,waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1 & 0.
Qaybtii labaad ayay cayaaryahannada Dallas si fiica jaanta iskula heleen oo ay u suura gashay cayaaryahankii lambarka 18aad u watay Maxamed Turki inuu u dhaliyo goolkii barbardhaca oo cayaartii ay noqoto 1 & 1. Hase yeeshee kooxda Dallas waa ay xajisan wayday goolkoodii barbardhaca ahaa, waxaana u suuro gashay cayaaryahan Cabdifataax Axmed oo lambarka 15aad u watay kooxda Sandiego inuu kooxdiisa u dhaliyo goolkii guusha oo cayaartiina ay ku soo gabagabowday 2 gool oo ay guushii ku raacday kooxda Sandiego, halka kooxda Dallas ay ka keensadeen 1 gool.
Kooxda Sandiego waxaa macallin u ahaa Aweys Eider oo ka tirsanaa cayaaryahannadii kubadda cagta heerka 1aad ee naadigii Horseed, halka kooxda Dallas uu watay cayaaryahankii caanka ahaa ee gobolka jubadda Hoose Cumar Faruur.
Munaasabaddaasi koobka lagu guddoonsiinayay kooxda Sandiego ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa rag isboortiga magac iyo maamuus ku lahaa oo ay ka mid ahaayeen: Macallin Qariindi oo isagu ahaa tababarihii kooxda kubadda cagta ee gobolka Kismaayo oo isagu kooxdiisa jubbada hoose ay 7 jeer ku guulaysteen cayaarihii gobolada ee dalkeena Soomaaliya, Garsoore Qolof oo ka mid ahaa garsoorayaashii caalamiga ahaa ee dalkeena Soomaaliya, ahaana garsoore heer caalami FIFA,iyo Cabdi Cali Macallin oo ka mid ahaa halgamayaashii Isboortiga ahna Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota.
Sidoo kale waxaa halkaasi joogay cayaaryahannadii kubadda Cagta iyo heerka qaran iyo heerka 1aad ee naadiyadaii dalkeena Soomaaliya.
Macallin Qariindi,Garsoore Qolof iyo guddoomiyaha Isboortiga Cabdi Cali oo iyagu madashaasi erayo gaaban ka soo jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Sandiego guushaasi ay gaareen, iyo Dadaalka weyn oo ay muujiyeen kooxda Dallas in kasta oo laga adkaaday. Waxaana ay kula dardaarmeen in dadaalkooda ay halkaasi ka sii wadaan.
Cayaartii 2aad waxaa isku haleelay kooxaha Cedar Stars iyo Saint Cloud oo labaduba ka tirsan kooxaha ka dhisan Minnesota, waxaa 4 iyo 1 ay guushii ku raacday kooxda Cedar Stars oo galabtaasi soo bandhigtay cayaar aad u xiiso badnayd oo raalli galisay dadkii u soo daawashda tagay.