|    Register
 
Friday, March 12, 2010
Article Details
Ciyaarihii Toddobaadka Soomaalida Minnesota oo la furay.

Maalinimadii shalay oo taariikhdu ay ku beegnayd  06/25/2009, waxaa garoonka kubadda cagta ee loogu magac daray James Griffin Stadium oo ku yaalla Magaalada Saintpaul ee gobolka Minnesota  si rasmi ah uga furmay tartamadii cayaaraha kubadda cagta, Kubadda Koleyga iyo cayaaraha fudud.

 

Cayaarahaasi iyaga ah oo loogu magac daray toddobaadka  Soomaalida  iyo Maraykanka “Somali America Independence Days Tournament” ayaa  waxaa isku soo dubarida  dhallinyaro iyagu magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga Soomaaliyeed oo iyagu ku midoobay  ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan  “Somali  Youth Development Organization in Minnesota –SYDOM- “  waxaana cayaarahaasi  lagu maamuusaa munaasabadihii qadarinta lahaa ee ummadda  Soomaaliyeed  26 June, 1st July, 27 June iyo 4 th July  oo ah munaasabaddii qaranimada dalka Maraykanka.

 

Haddaba ciyaaraha sannadkan oo iyagu aad u xiiso badan ayaa waxaa ka qayb-qaadanaya  15 kooxood oo kubadda cagta oo  iyagu shan ka mid ah ay ka yimaadeen gobolada Maraykanka, halka 10 ka kooxood ee kalena ay yihiin kooxaha ka dhisan gobolka Minnesota. Sidoo kalena kooxaha kubadda koleyga iyo cayaaraha fudud ee da’dooda ka hoosaysa 16 jir ayaa iyaguna ka qaybgali doona tartanka.

 

Furitaankii cayaaraha ayaa waxaa ka soo qaybgalay daawadayaal faro badan oo iyagu aad u xiisaynayay inay arkaan farsamada iyo awoodda ciyaareed ee dhallinta Soomaaliyeed.Waxaa iyaguna goobtaasi joogay Ururweynaha haweenka ee gobolka Minnesota oo loo yaqaan Somali woman  in Minnesota “SWIM”  oo iyagu goobtii furitaanka ee cayaaraha ku soo bandhigay cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taasoo ay si aad ah ugu sacabo tumeen uguna riyaaqeen  dadkii faraha badnaa ee goobtaasi joogay.


Guddoomiyaha guddiga  Isboortiga ee gobolka Minnesota, ahna  madaxa guddiga ,“Board chair” Cabdi Cali Macallin oo isagu madashaasi isu soo baxa  kala hadlay dhallinyarada, ayaa ugu horreyntiiba waxaa uu u mahad celiyay  dhammaanba dhallinyarada ciyaartooyda iyo macallimiintooda oo iyagu ka kala yimid meelo kala duwan oo ka baxsan gobolka Minnesota iyo diyaargarowga ay maamulka ururka iyo kooxaha Minnesota ugu jireen inuu qabsoomo tartankani.

 

Guddoomiyaha waxaa uu si dheer uga hadlay tartamadii la soo qabtay 5 tii sannadood ee ugu dambaysay  iyo natiijooyinkii wax ku oolka ahaa ee laga gaaray, waxaana uu u rajeeyay tartankan 6 aad ee haatan furmaya inuu guul ku dhammaado. Waxaana uu kula dardaarmay kooxuhu inay ku dadaalaan mar kastaba  ilaalinta anshaxa  iyo asluubta cayaaraha oo aysan kaliya fiirin guusha oo ay dib u eegaan ujeedada ka dambaysa qabashada ciyaarahan oo ah in dhallaanka yaryar ee Soomaaliyeed la dareensiiyo munaasabadaha qiimaha leh  oo aynu u dabaaldagayno, sidoo kalena ummadda aynu  la nool nahay ee Maraykanka  iyaguna la dareensiiyo maalmahaasi, kalana qayb qaadano dabaaldaggooda ku aadan 4th july 2009.

 

Guddoomiyaha waxaa uu si aad ah ugu mahadceliyay  guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota, Ciyaartooydii hore ee qaranka Soomaaliyeed kubadda cagta iyo Koleyga wiilal iyo gabdho, iyo  mas’uuliyiinta  ururada bulshada ee goobta joogay iyo dhammaanba intii ka soo shaqaysay  barnaamijkan qiimaha badan.


 Guddoomiyaha ka hor waxaa halkaasi ka hadlay  guddoomiyaha  guddiga fulinta ee ururka  horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota  C/qaadir Xaaji Daahir”Shiikha” oo isagu si aad ah ugu mahadceliyay dhammaanba dhallinyaradii tartanka ka soo qayb gashay, iyo  macallimiintooda guud ahaan. Sidoo kalena kooxaha Minnesota  oo iyaguna sannadkan dadaal dheeri ah sameeyay.  Waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay C/raxamaan  Guuleed”Aamaan” iyo C/risaaq Marshaale  oo iyaguna  waqtigoodii qaaliga ahaa u huray  inuu tartankani qabsoomo.

 

Marwo Xaawo Faarax oo iyadu ah guddoomiyaha ururka haweenka ee Somali woman in Minnesota “SWIM” oo iyadu goobtaasi hadalo qiiro badan ka soo jeedisay ayaa ku ammaantay dhallinyarada isboortiga dadaalka weyn ay ugu jiraan horumarinta iyo taakulaynta caruurta soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota. Waxaana halkaasi ay ka sheegtay inay hiil iyo hooba la garab taagan tahay mas’uuliyiinta iyo macallimiinta gacanta ku haya dhallaanka Soomaaliyeed. Waxaana ay u rajaysay in tartankani uu noqdo mid lagu najaxo.

cayaarihii furitaanka ee kubadda cagta ayaa waxaa halkaasi isku haleelay cayaartii koowaad kooxaha Communaality iyo Somali Tigers oo iyagu ka mid ah kooxaha ugu caansan gobolka Minnesota. Waxaana ciyaartaasi 3 iyo 1 gool ku adkaaday kooxda SomaliTigers oo iyagu soo bandhigay ciyaar aad u qurux badnayd. Inkasta oo goolka ay ku hor martay kooxda Communality, haddana ma aysan xajisan goolkaasi, waxaana laga dhaliyay saddex gool. Goolka kooxda Communality waxaa u saxiixay lambarka 3aad ciyaaryahan Luke oo darbad xoogan oo aad u qurux badan daba mariyay goolhayaha kooxda Somali tigers, Daqiiqado gudahooda inta aan la gaarin nasashadii ayaa laba gool oo darandoori waxaa is daba dhigay kooxda Soomali tigers oo ay u kala dhaliyeen Qowdhan oo sitay lambarka 20aad iyo Faisal oo sitay lambarka 99aad. Qaybtii hore ayaa lagu kala tagay 2 & 1. Wareeggii labaad ayaa misna Kooxda Somali Tigers ay heleen fursad labaad oo uu u saxiixay faisal. Ciyaartiina waxay ku soo gabagabowday 3 & 1 oo ay guushii ku raacday kooxda Somali Tigers.

Ciyaartii labaad waxaa is haleelay kooxaha Midnimo iyo Twin Cities. 2dan kooxood oo iyaguna ka mid ah kooxaha ciyaarahooda loogu jecel gobolka Minnesota ayaa isla dhaafi waayay 1 gool iyo 1 gool. waxaana labaduba ay dadweynihii cayaarahaasi daawanayay u soo bandhigeen cayaar aad u hufan oo raaligalisay dadweynihii cayaarahaasi daawanayay.

Qormooyinkeena dambe ayaannu idiinku soo gudbin doonaa cayaarahaasi iyo natiijooyinka ay ku soo gabagaboobaan.

Wararka iyo sawirada kala soco: www.somali-youth.org  


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/28/2009
Number of Views: 356

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use