Wafdiga oo iskugu jiray, ciyaartooy, tababareyaal, garsoor iyo saxafiyiin waxaa hoggaaminayay Bashiir Geesey oo ah xubin xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana hadda ay degen yihiin Hotelka Palace ee magaalada Khartuum, waxaana si heer sare ah u soo dhaweeyay xiriirka K/cagta wadanka Sudan iyo Xiriirka K/cagta ee bariga bartamaha Africa ee CECAFA, waxaana sidaas oo kale kooxda banadir ay isku diyaarad ahaayeen ilaa 5 kooxood oo tartanka ka qeyb qaadanaya iyadoo ilaa 250 iskugu jirta ciyaartooyd iyo masuuliyiin Sports ayaa ku yimid hal diyaarad oo Kenya ay leedahay.
Ciyaaaraha CECAFA ee kooxaha Horyaaladda bariga iyo bartamaha Africa ayaa billaaban doona 30-ka bishan, iyadoo kulanka ugu horeeya ay yeelan doonaa kooxda tartanka marti galineysa ee EL-MEREIKH ee wadanka Sudan iyo kooxda horyaalka wadan Jabuti ee Kartileh, waxaana tartanka oo loo qeybiyay 3 qeybood kooxdeena Somalia ay ku jirtaa qeybta B ee ay ku wada jiraan kooxaha PT Mazembe (Congo), KCC (Uganda), Prisons (Tanzania) iyo Banadir Telecom, waxanaa haddii kooxda Banadir Telecom ay la timaado ugu yaraan 3-dhibcood suurto gal noqon karta in ay u soo baxaan wareega 2-aad ee tartankan, waxaana iyadoo bilihii ugu dambeeyay kooxdu ay ku kala tabaraneysay Magaalooyinka Muqdiso iyo Nairobi ay muujin doonaan dadaal aad u xoog badan.
Sanadkan kooxda Banadir Telecom ilaa 5 ciyaaryahan oo u dhashay wadanka Kenya ayaa kala qeyb qaadan doona tartankan, waxaana sida uu ii sheegay ku simaha guddoomiyaha naadiga Banadir Telecom Abuukar Maxamed Sheekh ay ciyaartooydan yihiin kuwa si fiican u fahansan qaab ciyaareedka kooxaha bariga Africa.
Dhinaca kale Ururka Dhaqanka iyo Isboortiga ee Somalia Sweden ee Somaliska Europeiska Ungdom Kultur och Idrott ee (SEUKI) ayaa qalab sports ugu deeqay kooxda Banaadir Telecom, waxaana qaalabkaas oo ka koobnaa funaanadaha lagu ciyaaro iyo labis dhameystiran ka guddoomay ururka ku simaha guddoomiyaha Abuukar Maxamed iyo tababaraha kooxda Cali Buu, wakiilkooda Kenya u jooga Maxamed Huseen Rooble (Injineer Xuseen).
“mar kasta waxaa naga go’an in aan caawino kooxaha iyo dhaq dhaaqaaqa sports ee wadanka, wax kasta oo aan u qaban karnana waan la qabaneynaa” ayuu yiri Injineer Rooble oo ka hadlayay xafladii qalabka guddoonsiinta ee ka dhacday hotel Ayaan.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay deeqdan ka timid walaalaheen SEUKI, waaana uga mahadcelineynaa taageerada ay noo fidiyeen” ayuu yiri ku simaha guddoomiyaha kooxda Banadir Abuukar oo sheegay in loo baahan yahay in qof kasta oo Sports ah in wixii uu awood uu ugu deeqo Sports wadanka si u gaaro horumar xoog leh.



Wixiii warar iyo sawiro ah ee tartanka CECAFA waxaad si toos ah ugala socon doontaan bogan www.cayaaraha.com

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Khartoum-Sudan
fmcblue@hotmail.com
Wararka la xariira.
Kooxda Banaadir oo tababarkii ugu dam...