|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kooxda Banaadir Telecom oo tababarkii is diyaarinta ee ugu dambeeyay ku qaadaneysa magaaladda Nairob

Garoonka dowlada hoose magaalada Nairobi saaka waxaa ka dhacay ciyaaar tababar ah oo saaxiibtinomo taas oo dhex martay Kooxda Horyaalka Soomaaliya ee Banadir Telecom iyo kooxda Tusker ee wadanka Kenya, waxaana ciyaartaas oo  baashaal aheyd ay ku dhammaatay 4-1 oo guushu raacday kooxda Kenya.

Baashaalkan ayaa qeyb ka ah tababar labada kooxood ay ugu diyaar garoobayaan koobka horyaaladda kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Club Championship ee ka dhacaya wadanka Sudan oo ay labada kooxood ka qeyb galayaan ayaa wuxuu ahaa mid aaad ugu faraxsanaayeen labada dhinac, iyadoo ciyaartooyda kooxda Banadir Telecom oo qaarkood xalay safar uga yimaadeen magaaladda Muqdisho aysan ka qeyb qaadan kulan, maadaama daal u xoog  badan uu ka muuqday.

Kooxda K/cagta ee Banadir Telecom ee wadanka Somalia ayaa maalinta sabtida ah ku sii jeeda wadanka Sudan halkaas oo ay uga qeyn galeyso tartanka horyaaladda Kooxaha Bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Club Championship, iyadoo ku jirta tababarkii ugu dambeeyay ee isku diyaarinta ciyaarahaas.

          Isku aadka ciyaarahaas oo la sameeyay horraantii bishan ayay kooxda Banadir Telecom waxay ku biirtay qeybta B oo ay ku wada jiraan kooxaha     TP MAZEMBE (Congo DR), KCC (Uganda), Prisons (Tanzania) iyo Banadir Telecom Somalia, haddii kooxda Somalia oo muddo 3 bilood ah tababar ku kala sameyneysay Nairobi iyo Muqdisho ay hesho ugu yaraan hal badis ayna ciyaarto kubad aad u macaan waxay u soo bixi doontaa wareega labaad ee koobkaas.

          Ilaa 5 ciyaaryahan oo u dhashay wadanka Kenya ayaa kooxda Banadir kala qeyb qaadan doona tartankaas, waxaan sida uu ii sheegay Abuukar Maxamed Sheekh oo ah xoghayaha guud ee naadig Banadir telecom ay ciyaartoodan ka soo xuleen garoomada kala duwan ee magaladda Nairobi, wuxuuna sheegay inay yihiin ciyaartooy wanaagan.

          “Maadama kulanka ugu horeeya aan ka ciyaari doono 1-da luuliyo kooxda Prisons ee wadanka Tanzania waxaan filayaa in aan ku iideysan doono kooxdaa, waayo maalinkaa waa maalinta Somalia ay xorriyadeeda ka qaaadatay wadanka Talyaaniga, waxaan filayaa in tarankan aan guulo fiican ka soo gaari doono” ayuu ii sheegay Abuukar.

 

          

          Tababaraha kooxda Cali Maxamed Absuge (Booa) ayaa isna ii sheegay inuu ku kalsoonyahay ciyaartooydiisa, sanadkana uu natiijo ay ku farxaan taageerashaa Soomaaliyeed uu ka soo hoyn doono ciyaarahaas.

 

Dhammaan ciyaaraha CECAFA, gaara ahaan kulmada kooxdeena Somalia ay ciyaari doonto waxaa si toos ah taageerayaasha Soomaaliyeed uga daawan karaan TV-ga Wadanka Sudan ee ka soo gala Carabsiteka, sidas oo kale dhammaan warbixinada iyo sawirada kulamada kooxdeena waxaad kala socon doontaa bogan cayaaraha.com maadaama kooxda uu la safri doono haddii EEBBE idmo qoraaga Faarax Blue.

 

fmcblue@hotmail.com


Written By: faaraxblue
Date Posted: 6/23/2009
Number of Views: 729

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use