|    Register
 
Wednesday, January 07, 2009
Article Details
Cayaartoydii xulka qaranka kubadda cagta oo London ka ambabaxay.

Saddex cayaartoy oo loo magacaabay xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed kuna nool magaaladan London ayaa galabta ka ambabaxay garoonka diyaardaha ee Gatwick ayagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti. 

Cayaartoydan oo lagu kala magacaabo Guuleed, Kaamil iyo Axmed Diinaash ayaa waxay ku biiri doonaan kulana tababarn doonaan magaalada Jabuuti xulka qaranka kubadda cagta soomaaliyeed ee ayagu ka qaybgalaya tartanka kubdda cagta ee dalalka bariga iyo bartamaha afrika ee lagu qaban doono dhamaadka bisha December magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa fariin ama codsi rasmi ah soo gaarsiiyey cayaartoydan ayadoo uu kal horena cayaartoyga Guuleed uu horey xulka qaranka ugala qaybgalay tartan noocaan oo kale ah.

Cayaartoydan ayaa sheegay sida au ugu faraxsan yihiin in loo xulo xulka qaranka waxayna dhankooda si dhiiran u sheegeen in ay daafici doonaan sharafta iyo karaamada dalkooda ayna waxkasta oo ay ku caawin karaan guusha xulka ka gaysan doonaan. 

Qaar ka mid ah bahwaynta cayaaraha magaalada London gaar ahaan guddoomiyaha Somali Football League Maxamed C/Raxmaan "Buuwe", xiddigii hore ee naadigii Horseed Maxamed Ismaaciil, xiddigii hore ee naadigii madbacadda Bile Cali, macalin Xasan "Dhuudhi" iyo akhyaar kale ayaa cayaartoydan ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ayagoo u rajeeyey isla markaana kula dardaarmay in ay muujiyaan cayaar wanaagsan iyo akhlaaq ayna dhawraan sharafta bahwaynta cayaaraha ee ku dhaqan dibadda.


Written By: Mohamud
Date Posted: 11/20/2008
Number of Views: 458

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use