Inkastoo ay heerkaasi ka gaareen kubada kolayga hadana waxaa ay dhinaca kale dhidibada u taageen qoys ka mid ah qoysaska yar ee ay dhiseen bahwaynta cayaaraha, waxaase ay mar kale mucjisadoodii kubadda kolayga dibadda soo dhigeen markii ay soo saareen ubadkoodii ayna mareen jidkii waalidkood ka dib markii ay u safteen xulka qaranka kubadda kolayga soomaaliyeed.
Hadaba anagoo had iyo goor isku dayeyna in aan dib idiin celino muddo dheer si aad u soo xasuusataan barisamaadkii isla markaana idinkaga haqabtirno taariikhda qiimaha badan ee cayaaraha dalkeena ayaan waraysi ugu tagi doonaan qoyskan Sport haddii alaha awoodda lihi ogolaado.
Hadaba sidii caadada inoo ahayd waxaan idinku martiqaadaynaa in aad nagala qaybqaadataan waraysigan aadna soo waydiisaan xiddigahan iyo caruurtoodaba hadba su'aashii aad ku hamin jirtay in aad waydiiso anagoo idiin balanqaadayna in aan u gayno su'aalihiina ayna si toos ah uga soo jawaabi doonaan.
Su'aashaada waxaa kaaga jawaabi doona qoys qaran ah.
Your questions answered by basketball legends.
Fadalan noogu so hagaaji su'aashaada cinwaankan cayaaraha@yahoo.co.uk
Dhawaan "Coming Soon"
Waraysigii:
C/Qaadir Xaaji Daahir"Shiikha"