Hadaba tifatiraha shabakaddan cayaaraha.com asagoo ku hadlaaya magaca bahwaynta cayaaraha ee magaaladan London iyo dhamaan akhristayaasha shabakaddan asagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh waxa uu tacsi u dirayaa Xaawo Sheakh Axmed "Xaawo Taako" iyo dhamaan reer Sh Axmed geeridan naxdinta leh ee ku timid walaalkood iyo wiilkoodii waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxay kaloo tacsi taasi la mid ah u dirayaan dhamaan caruurtii iyo qoyskii uu ka tagay iyo Cusmaan Xuseen "Shiis" iyo caruurtiisaba.
Fadlan tacsiyadaad noogu soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk
-----------------------------------------------------------------------
Bahda kubadda koleyga ee ku kala nool qurbaha waxaa ay tacsi u dirayaan walaashood Xaawo Sheikh Axmed (Xaawo Taako) oo walaalkeed Marxuum Cabdulqaadir sheikh Axmed (cabdulqaadir Shiino) uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho taariikhdu markay ahayd 08/23/2008. Waxaa kale oo ay tacsi u dirayaan Walaalihiisa oo kala ah: Cumar sheikh Axmed, C/llahi sheikh Axmed,Jamaalo Sheikh Axmed, zainab sheikh Axmed iyo Maxamuud Sheikh Axmed oo dhammaantoodba kala jooga USA,Canada,UK Somalia iyo Switzerland.
Sidoo kale waxaa tacsi loo dirayaa caruurtii uu ka geeriyooday marxuumka oo kala ah: Nimco C/qaadir sheikh,Ismaaciil c/qaadir Sheikh,Mxamed C/qaadir sheikh,Cumar C/qaadir sheikh,Xasan C/qaadir sheikh,Muna C/qaadir Sheikh,Saciid C/qaadir Sheikh,Ifraax C/qaadir Sheikh,Farxiyo C/qaadir Sheikh, iyo Mustaf C/qaadir Sheikh oo dhammaantood kala jooga Uk,Talyaaniga, Switzerland, Somalia iyo Mombasa(Kenya).
Marxuumlka waxaa eebe looga baryayaa inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii,Walaalihii iyo caruurtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan naga wada siiyo.
(AAMIIN- AAMIIN –AAMIIN).
----------------------------------------------------------------------------------
inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu diraayaa dhamaan reer sh, axmed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wiilkooda c\qaadir sh, axmed (shiino) gaar ahaan waxaan halkaan tacsi uga diraayaa xaawo sh, axmed (xaawo taako) oo ka mid ahaan jirtay naadigii jeenyo iyo xulka qarankaba waxaana leeyahay samir iyo iimaan allaha ha idinka siiyo janadii fardowsa ahaydna allaha ha ka waraabiyo (aamiin , aamiin).
cabdulqaadir xasan cawaale , gudoomiyaha olympicada ee G,mudug
-----------------------------------------------------------------
Tacsi: Hooyo Maryan Xuseen Yuusuf