|    Register
 
Friday, November 21, 2008
Article Details
Macalin Khaliif oo hambalyo u diraya bahda kubadda kolayga.

Maxamuud Xaaji Ibraahim oo bahda sport gu u taqaan Macalin Khaliif kuna sugan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxa uu na soo gaarsiiyey fariin hambayo ah kuna socota bahda kubadda kolayga ee ku kulansan magaaladan London.

Macalin Khaliif oo ka mid ah bahda sport ga ee ayagu had iyo goor ka shaqeeya wadajirka iyo isku duubnaanta bahwaynta cayaarha ayaa asaga oo qiiraysan waxa uu qormadiisa ku bilaabay,

" Hassan Farah (Johon ), C/man Guhaad ( Shiino ) iyo dhamaan agaasinka guud ee SSIFO waxaan hawada idiin soo marinaayaa Hambalyo iyo bogaadin.

Wax lasiisto ama loo dhigo in ay jirto ilama aha, jawiga quruxda badan ee caafimaadka qaba oo aad noo abuurteen, haddii alla idmana waad heli doontaan abaalkeeda aduun iyo aakhiraba.

Hambalyo iyo salaan iga gaarsiiya dhamaan bahweyna isboorti ee isug timid iyo kuwa  waqtigooda qaaliga ah geliyey iyo dhaqaalahoodaba, waxaan leeyahay kulanka ha noqo mid mira dhala.

Soomaali ha noolaato! Bulshada Isboortiga ha midoowdo!  Ballanteena waa bad baadinta ubadkeena meel kastoo aay joogaan.

Mohamud Hagi-Ibrahim
Macallin Khaliif
Canada"

Waxaan u rajaynaynaa bahwaynta kale ee sport ga soomaaliyeed in ay ayaguna gartaan faaiidada ay leedahay dhiirigelinta iyo baraarujinta dadka ayagu u istaagay ama u dhaqaaqay sidii ay u midayn lahaayen bahda sportga.


Written By: Mohamud
Date Posted: 8/16/2008
Number of Views: 456

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use