C/Qaadir Xaaji Daahir "Shiikha" ayaa ahaa cayaaryahankii u safan jiray kooxdii Badda iyo xulkii qaranka ahaana cayaaryahankii ugu taageerayaasha badnaa cayaartoydii kubadda kolayga marka loo eego kali kalida asagoo ku mutaystay cayaarwanaaga iyo waliba hanaankii wanaagsanaa ee uu u cayaari jiray kubadda kolayga.
Anagoo ka duulayna taageerayaashaas faraha badanaa ee uu lahaa xiddigani ayaa waxaan idiinkugu bishaaraynaynaa in aan idiin soo gudbin doono waraysi taariikhi ah o ku saabsan xiddigan kooxdii Badda iyo xulkii qaranka soomaaliyeed asagoo hadda ku sugan magaaladan London kana qaybgalaya tartanka iyo kulamada bahwaynta kubadda kolayga ee qurba jooga ah.
Waxaan sidoo kale idiinkugu bishaaraynaynaa in aad su'aalaha nagala qaybqaadan kartaan idinkoo su'aalaha aad rabtaan in aad xiddigan waydiisaan noogu soo hagaajinaya cayaaraha@yahoo.co.uk
Fadlan su'aashaadu ha ahaato mid laga faaiidaysto isla markaana aan ku xadgudbayn shaqsina haddii aan sidaasi u aragnana uma gudbin doono xiddigan.
Sidoo kale waad ku soo qori kartaa su'aalahaaga afka ingiriisiga.
Cudurdaar: Waxaan akhristayaasheena sharafta badan uga cudurdaaranaynaa waqtiga dheer ee uu qaatay soo daabicidda waraysigan taariikhiga ah cilado xaga shabakadda ah awgood waxaanan idiin balan qaadaynaa in aan sida ugu dhakhsaha badan idinkugu soo gudbino waraysigan.
Your questions will be answered by Somali Basketball legend "Shiikha"