Dalkeena soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh dheer oo dhinacyo badan leh iyo sidoo kale shakhsiyaad xusuus iyo taariikh wanaagsanba ku leh bulshada dhexdooda kuwaasoo isugu jira siyaasiyiin, culumaa’udiin, fanaaniin iyo kuwa kaleba.
Bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa ayagana aan ka marnayn taariikhdaasi ayna muhiim tahay haddii aan nahay bahdaasi cayaaraha in aan taariikhdaasi dib u milicsano una xasuusano cayaartoydii soomaaliyeed ee ayagu magac iyo muruqba ku soo daafacay dalkooda xusuustana ku reebay maskaxda dad badan oo goobjoog ka ahaa xiliyadaasi.
Qormadayada ugu horeysa ee waraysiyada ay akhristayaasha shabakaddani soo waydiiyaan cayaartoydii hore kuwoodii ugu magaca waynaa uguna caansanaa ayaan waxaan ku bilaabaynaa xidigii hore ee kooxdii Horseed iyo xulkii qaranka soomaliyeed macalin Xasan Cafiifi Yaxya.
Xasan Cafiifi waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo taariikhdu markii ay ahayd 20/12/1956 kii, waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay isla magaaladaasi Kismaayo waxa uuna cayaarta kubadda cagta ku bilaabay isla Kismaayo asaga oo 12 jir ah.
Xasan Cafiifi waxa uu muddo badan u cayaarayey kooxdii Horseed oo uu guulo badan la soo qaybsaday, waxa uu dalka hooyo ka soo tagay sanadkii 1980 kii waxa uuna ilaa iyo xiligaasi ku noolaa dalka Qatar oo uu markii hore cayaartoy ka ahaa asagoo u cayaarayey kooxda Markhiya ka dibna uu u wareegay xaga tababarnimada isla kooxdaasi oo uu macalin ka yahay uuna guud ahaan kooxdaasi la joogay muddo ka badan 8 sanadood. Xasan Cafiifi waa xaas leh 8 caruur ah ilaahay ha u dhawree.
Xiddigii hore ee naadigii kubadda kolayga Batroolka iyo xulka qaranka soomaaliya Bashiir Yuusuf “Fox” ayaa asaga oo wakiil ka ah akhristayaasha shabakaddan cayaaraha.com waxa uu kula kulmay magaalada Doha macalin Xasan Cafiifi Yaxya si uu idinkaga haqabtiro su’aalihiinii jawaabahoodii waxa uuna ka yiri su’aalihii ay akhristayasheenu soo waydiiyeen:

Sawirka sare bidix: Cafiifi, Duraan iyo Bashiir Fox.
Cayaaraha.com: Salaan ka dib horey ma u maqashay website yo cayaareed oo ay soomaalidu leedahay sideese dareenkaagu noqday markii aan kula soo xariirnay?
Cafiifi: Waan kaa qaaday, waxaan ka maqlay saaxiibkay Bashiir fox, waana ku farxay markii aan arkay website ka sheekaynaya cayaaraha soomlida.
Maxamed Qaasim, Helisinki , Finland : Halkee ka bilowday cayaarta kubadda cagta da’daaduse meeqa ayey ahayd xiligaas?
Cafiifi: Waxaan cayaaraha ka bilaabay magaalada Kismaayo markay da’daydu ahayd ahayd 12 jir.
M.Argentine: Marka hore waxaan salaan qaali ah hawada u soo marinaayaa halyeygeena qaali ah XASAN CAFIIFI marka xigta maxaad ugu qeybqaadan weydey kobcinta ciyaaraha soomaaliya oo aad mudo ka maqneyd ama xataa fikir ugu gudbinweydey xiriirka kubada cagta soomaaliya fikirkaas oo ah meesha ay wax ka qaldan yihiin oo uu horey ugu socon la yahay sportiga dalkeena ka dib guul daro is daba joog ah?
Cafiifi: Way wanaagasan tahay in laga qaybqaato fikirna loo gudbiyo waxaase muhiim ah in la iswaydiiyo Yaan la hadlaa oo si toos aan ula xariiraa waad ka warqabtaan sida loo kala daadsanyahay iyo khilaafyada jiro.
Maxamed Deeq Shuute , Oslo , Norway: A.S.C salaan kadib hadii aan u galo sa'aasheeyda waxay tahay sidee u aragta adigaa ahaay laacibka xulka qaranka somaliyeed aad gashatay faanada buluuga iyo cadaanka ah in uu hadana wiilkaada qaato funaanad kale ama uu u ciyaaro xul kale oo aan aheen wadanka oo u dhashay?
Cafiifi: Aad ayaan u jeclaan lahaa in wiilkaygu u cayaaro xulka qaranka soomaaliyeed uuna noqdo xiddigii I badali lahaa laakiin xaaladda wadanku ku jiro ayaan u saamaxayn mana rabo in wiikaygu uu talentigiisa meel la fadhiyo.
Sawirka sare: Xulka qaranka Qatar (Cali Cafiifi fadhiga bidix)
Qaasim Axmed, Toronto , Canada: Salaan ka dib waxaa caado kuu ahaan jirtay in ad gacanta bidix qaloocisid marka aad ordaysid ma xasuusan kartaa sidii aad ku bilowday mise cayaartoy kale ayaad uga dayatay?
Cafiifi: Haa waa jirtay inaan gacanta aan qaloocin jiray,waxaan dareensanaan jiray inaan si wanaagsan u ordi karo ama targetkayga u saxi karay mana jirin laacib kale oo aan uga dayday.
Xasan Abanuur Abati, USA : Wax fikrad ah oo cusub oo aad bahda cayaaraha soomaaliyeed ku soo kordhinaysid ma jiraan haddii ay noqon lahayd maamulka ama horumarinta cayaartoyda cusub?
Cafiifi: Waa jiraan fikrado aan ku soo kordhin karay hadii la ii dhiibo maamul taasna maba la isla gaarin.
Salaad Axmed Maxamuud: Yaad jeclayd in ay garbahaaga buuxinyaan koxdii Horseed iyo xulkii qaranka maxayse ahayd sababta aad u jeclayd cayaartoydaasi?
Cafiifi: Mohamed Ismaaiil, Shaash, Killer iyo Jeylaani khaliif, dhinaca qaranka Alaha u naxariisto jimcaale, Bin shaakir, Bashiir jeenyo, Shiikhalow iyo alaha u naxriistee Abdullahi Cabdi.

Sawirka sare Bidix: Cafiifi, Max'ed Ismaaciil, Khaliifaani, Biyooleey iyo kabtan Shaash.
Cayaaraha.com: Goorma ayaad ku biirtay Kooxda Horseed yaase kugu dhiirigeliyey?
Cafiif: Waxaan ku biiray 1975, waxaana igu dhiiri geliyey Ibraahim shaash oo aan u wada cayaarnay Kismaayo.
Cali Ismail, Oslo , Norway : Xiriir ma la leedahay cayaartoydii aad saaxiibaha ku ahaydeen kooxdii Horseed iyo qaranaka?
Cafiifi: Xiriir fiican ma lihin aniguse aad ayaan u jeclaa in aan mar walba xariirno laakiin ayaga ayaa I iloobay. emailkaygu waa hassan_afif@hotmail.com. Asxaabtaydi waxaan leeyahay qofkii akhrista waraysigan ha igala soo xariiro emailkaasi.
Cayaaraha.com: Ma xasuusan kartaa goolkii kuugu qurxoonaa oo aad u dhalisid kooxda Horseed iyo guud ahaan goolashii aad u dhalisay kooxdaasi?
Cafiifi: Waa badan yihiin goolashaan dhaliyey,laakiin waxaan xasuus weyn igu haya goolkii aan ka dhaliyey kooxda Al-ahli ee dalka Masar “Egypt”.
Maxamed Faarax, Nairobi , Kenya : Ma jirtaa koox kale oo soomaaliyeed oo aad jeclayd in aad ku biirto haddii aad awoodid maxayse ahayd sababtu?
Cafiifi: Maya marna kuma fakirin koox kale ee dalka ah madaxayga waxaa ku jiray oo kaliya HORSEED, HORSEED CAWO IYO MAALIN.
Macalin Deeqow Jagsan (Ex Horseed), Stockholm, Sweden: Salaan qiimo badan ka dib waxaan jeclahay adigoo cabiraaya fikirkaaga guulihii eey gaartey kooxda ciidamada qalabka sida ee Horseed ma la dhihi karaa waxaa sabab u ahaa marka aan ka soo tagno xidigihii waagaas kooxda soo marey iyo macalimiintii waqtigaas joogey waxaa heerkaas gaarsiiyey kooxda wasiirkii gaashaandhiga waqtigaas Jenaraal Maxamed Cali Samatar oo asagu aabo u ahaa kooxda?
Cafiifi: Taas aad iyo aad baan kuugu raacsanahay,Samantar wuxuu ahaa aabahaygii khaaska ahaa iyo aabihii kooxda laantiisna Horseed waxba ma noqoteen, Qofkii akhrista,yaqaana Mohamed Cali Samantar fadlan ha iga gaarsiiyo aabahay Samantar salaan asaga iyo caruurtiisa ilaahana ha xafido dhamaantood.

Sawirka sare: Maxamed Ismaaciil "Ex horseed iyo qaranka" iyo Bashiir Jeenyo.
Warsame Cumar Cabdulle, London , UK : Maadaama aad ahayd cayaartooy aad muhiim ugu ahaa kooxdiisa iyo qarankaba ma jiraa cayaartoy aad u arkaaysay in uu ahaa hogaamiye “leader” kooxda Horseed iyo Qaranka kaasoo aan marna laga maarmi karin amaba macalinka ka sokow laga amar qaadan jiray?
Cafiifi: Inkastoo aan koox ahaan aad isku ixritaami jirnay ahayna hal gacan oo kaliya hadana Maxamuud killer ayuu ahaa hogaamiyaheena.
Warsame Cumar, London,UK: Sidee adiga Cafiif ahaan iyo saaxiibadaadii sida M.Ismaaciil; Shaash, C/Ladiif, Shaarkeey iyo kuwii kaleba u arkeen sida loo koolkooliyay markii uu soo noqday cayaartooygii weynaa Saciid Ducaale oo sida aan maqalney xitaa lacag lagu siiyey soo laabashadiisii ayadoo aay kooxda Horseed iyo Qarankaba aay markaasi u shidnayd adiga iyo saaxiibadaada kale?
Cafiifi: Marka hore waxaa ii sharaf ah Cafiif ahaan cayaartooydii aan maqli jiray anigoo yar,oo kala ahaa Saciid ducaale, Giriile, Ahmed saqiir, Saciid ismaaciil iyo qaar badan inaan garoon wada galno. Saciid waxaan la saftay 1973 anigoo iyo Bin shaakir oo nalaga kaxeeyey gobalka kismaayo aad ayaanan ugu farxay soo noqoshdiisa waayo wuxuu ahaa laacib aad iyo aad u heer saraeeya.
C/Laahi Axmed Sheakh, London , UK : Difaacee kuugu adkaa kuwii kooxaha aad ka horimaan jirtay ee dalka?
Cafiifi: Ilaahay naxariistii jano ha siiyee daafacii kooxda Wagad “Fiat” Xasan Neero ayuu ahaa daafacii iigu adkaa ee aan ka hor tago.

Sawirka sare: Ciid Arsenal iyo Cafiifi "Qatar"
Cayaaraha.com: Xulka qaranka goormee ayaad ku biirtay mise xasuusataa cayaartii kuugu farxadda badnayd mudadii aad u cayaaraysay qaranka Soomaaliyeed?
Cafiifi: Waxaan xulka qaranka ku biiray 972 kii waxaana iigu farax badnayd cayaar aan uga hor tagnay xulka qaranka ee dalka Uganda.
Maxamuud Xasan, London UK : Maadaama ay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed hadda bilaabeen in ay cayaartoyda dibadda ku dhaqan fursad siiyaan ma ku tala jirtaa in aad caruurtaada kale haddii ay jiraan kula talisid in ay dalkooda u cayaaraan?
Cafiifi: Haa mar kasta waan ku dhiiri gaaliyaa caruurtayda inay u cayaaraan kooxda qaranka Soomaliya .Ilaahow dhulkeena toosi.kana dhig sidii hore aan isu jeclaayn.

Cali Cafiifi "Bidix" oo gashan funaanadda xulka Qatar
Axmed Maxaed, Toronto, Canada: Maxaa kuugu yaab badnaa mudadii aad ku dhexjirtay cayaaraha?
Cafiifi: 1977 Markii aan la cayaarnay xulka dalka Kuwait oo cayaartii ku dhamaatay 1-1 taasoo waliba ay ayagu goolka nooga dambeeyeen ama na barejeeyeen ayaa waxaa dhacday in habeenkii markii aan ku soo laabanay hoteelkii inay naga saareen hoteelkii xanaaqii dartiis taasoo ka fog tixgelinta sportga, kadibna ay dadkii soomlida iyo yemanta ahaa ee deganaa magaalada kuweit ay guryaahoodii nooga baxaan si aan u seexano.
Cayaraha.com: Maxaad is leedahay way ka qaldanaayeen maamulkii kooxaha kubadda cagta dalka mudadii aad cayaaraha ku jirtay maxaadse ka badali lahayd haddii aad awood u leedahay?
Cafiifi: Waqtigaas waxaan ku fakari jiray cayaarta oo kaliya kahladaadna ma eegi jirin.
Naasir Cabdullahi, Rochester , USA: Ma jeclaan lahayd in aad mcalin u noqotid xulka qaranka soomaaliyeed haddii lagu siiyo fursadaasi xiliga munaasabka ah?
Cafiifi: Taas hadal kuma jiro.
Cayaaraha.com; Cayaartoydii dalka caanka ka ahayd ee ku dhaqan qaaradda Yurub waxay inta badan shacabka soomaaliyeed kala kulmaan qadarin aad u saraysa adiga sidee u aragtaa bahwaynta khaliijka guud ahaan gaar ahaan reer Doxa marka ay ku arkaan?
Cafiifi: Qadarin aad iyo aad u saraysa ayaan kala kulmaa Dooxa waxaan ka ahaa laacib profetional ah, kooxdii aan u cayaari jiray oo ahayd division 2, waxaan gaarsiiyey division 1.waxaana ka noqday maclin oo aan usoo saaray cayaartooy heer qaran iyo wiilkaga oo qaranka u cayaara marka aad iyo aad baa la iiga qadariyaa Soomaali iyo dadka wadankan u dhashay labaduba.
Yuusuf Yare, Mishigan, USA: Qaar bdan oo ka mid ah cayaartoydii qaranka soomaaliyeed ee xiligaagii waxa ay eedayn badan u soo jeediyaan xiriirkii kubadda cagt dalka iyo sidii uu ula dhaqmi jiray cayaartoyda qaranka gaar ahaan safarda dibadda adigu ma la qabtaa eedayntasi?
Cafiifi: Maya lama qabo,waxaan ku mashquulsanaan jiray cayaarta kubada oo kalya.

Sawirka sare: Horseed "Cafiifi midigta istaaga"
Cayaaraha.com: Maxaad u soo jeedinaysaa guud ahaan shacabka somaaliyeed gaar ahaan bahda kubadda cagta soomaaliyeed sis are loogu qaado kubadda cagta dalka?
Cafiifi: Ilaahay dhulkeena ha toosiyo.aan amaan iyo nabadgelyo,markaas ka dib ayaan wax u qaban karnaa.
Cayaaraha.com: Ugu dambayn yaad jeceshahay in aad halkan ka salaanto?
Cafiifi: Guud ahaan inta i xasuusato iyo inta aan i xasuusan oo ka mid ah bahda cayaaraha.
Akhristayaasheena waxaan uga cudurdaaranaynaa la soo raagidda waraysigan anagoo ku dadaalaynay in aan mar walba xog rasmi ah oo dhamaystiran u soo gudbino akhristayaasheena waxaanan idiin balan qaadaynaa in aan dhawaan idiin soo gudbin doono waraysiyo kale oo xiisa leh.
Waxaan dhinaca kale mahad balaaran uga celinaynaa xiddigii hore ee qaranka kubadda kolayga Bashiir Fox oo la'aantiis uusan waraysigani hirgaleen.
Fadlan noo soo dir fikirkaaga ku aadan waraysigan iyo waliba sida uu xiddigani uga duwanaa xidigihii kale haddii aad aqoon u leedahay Xasan Cafiifi amaba taageere u ahayd.
noogu soo hagaaji fikirkaaga: cayaaraha@yahoo.co.uk
Fadlan Dhawr xuquuqda sawirada: