|    Register
 
Thursday, August 28, 2008
Article Details
Macalin Khaliif oo hambalyo u diraya bahwaynta cayaaraha soomaaliyeed

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kastoo aay joogaan gaar ahaan bah weynta Isboortiga, waxaan hawada u soo marinaayaa hambalyo iyo bogaadin munaasabadaha 26Juun iyo 1da Luulyo awgeed.

Waxaan dareensanahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu jeclaan lahaa inuu arko maalin si wadjir ah loogu wada dabaal dego munaasabadaha 26ka Juun iyo 1da Luulyo oo laga gudbo dhibaataan nagu daba dheeraaty.

Waxaan ilaah ka rajeynaayaa inuu naga dul qaado dhibaatada, umadda Soomaaliyeedna qalbigood ka dhigo hal qalbi oo tafaraaruqa iyo kala qeybsanaanta naga saaro.

Waxaan si gaar ah ula hadalaayaa maanta anigoo ka faa'iideysanaayo munaasabadan qaaliga ah kooxaha ku kala qeybsan maamulka Somali Week ee CANADA.

Somali Week ujeedii loo aas aasay waxey ahayd in Soomaali la isuugu keeno ee ma ahayn in lagu kala qeybiyo sidaas darteed, waxaan walaalhay ka codsanaayaa in ay iska ilaawaan maslaxadooda gaarka iyo caadifada qabiiliga ah ee aay eegaan maslaxadda guud ee Soomaaliyeed taasoo ahayd ujeedadii loo aas aasay Somali Week.

Waxaan wada ognahay in ay caruurteeni badankood ka buuxaan xabsiyada qaarna lugu dilo dariiqyada taasoo aay ugu wacantahay dayacnaan ugu timid dhankeena intii aan ku mashquulsaneyn Somali Week iyo cidda maamulaysa ama xaqa u leh.

Waxaad marag ka wada tihiin in dhowr bilood ka hor lagu dilay horteena wiil uu dhalay ciyaartooygii qaranka ee caanka ahaa CANTAR C/KARIIN WALAAYO( Cantar Jeenyo ), Miyaan taas lagu quus qaadaneynin?.

Walaalayaal,dib aan isugu noqono, isku tanaasulno, iskaashano si aan u bad baadino ubadkeena iyo kan Soomaaliyeedba.

Soomaali hanoolaato, 1da Luulyo ha jirto. sannadkan sanadkiisa farxad iyo caafimaad ilaah hanagu wada gaarsiiyo.

Ballanteenu waa bad baadinta ubadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogaan iyo mar kasta.

Maxamuud Xaaji-Ibraahim ( Macallim Khaliif) 

Toronto - Canada    


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/30/2008
Number of Views: 492

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use