Munaasabadii furitaanka tartankan ayaa xambaarsanayd laba u jeedo oo kala ah in lagu maamuusayay 26-ka June oo ah maalintii ugu horeysya ee calan Soomaaliyeed sare loo taagay iyo in ay bilow u ahayd horyaalka 25-aad ee cayaaraha fudud ee dalka.
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya 5 kooxood oo heerka koobaad ah ,waxaana munaasabadii furitaanka ee shalay ka hadlay masuuliyiin ka kala socota xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo sidoo kale marti sharaf lagu casuumay.

Shalay oo uu horyaalku Bilow ahaa waxaa la orday 100M iyo 400M Wiilal oo wareega 1aad ah,200M iyo 800M Gabdho Dhamaad iyo 1500M Wiilal Dhamaad.
La soco maalin kasta sida cayaaruhu u dhacaan iyadoo natiijooyinkana aan dib kasoo sheegi doono.

By somali sports press associtaion
Somali Noc Head quarters-Mogadishu-Somalia
Contact:somalisportspress@yahoo.com