Xaflada shirweynaha 6aad ee xiriirka kubadda cagta ayaa waxaa lagu qabtey hotelka lafweyn ee muqdisho waxaana goob joog ka ahaa madaxda 14 naadi oo ka jiradalka soomaliya, naadiyadan oo kala ah dekedaha, supershell, Feynuus, Badbaado, Gesco, standard, Al beder, Kasco, Gantaalaha afgooye, Barigga dhexe, Geeska africa,
Camell, Jamhuuriya, iyo Hilaac waxana goobta ka maqnaa 11 naadi laakiin sida uu qabbo xeerka xiriirka kubadda cagta qodobkiisa 28aad in kongress ay sadexdii biloodba ay qaban karaan xubno dhan 13 naadi ayaa waxaa ay ka dhigeysaa mid si sax ah u dhacay waxaana halkaasi lagu soo gudbiyey musharaxa cusub ee gudomiyaha x.k.cagta oo uu isu soo taagey Faarax wehliye caddow (Sindiko) oo horey xilkan u soo qabtey waxaana sidaasi cod aqlabiyad ah lagu ogolaadey inuu qabto jagadaasi.
Sidoo kale waxaa gudoomiye ku xigeeno isu soo sharaxay Xassan maxamed Cali diritoore, Cabdullaahi Aawow Xuseen iyo Bashiir salaad bare halka xubnaha xiriirka uu yeelanayana ay noqdeen ilaa 8 xubnood oo uu ku jiro kabtankii ugu horeeyey ee xulka qaranka soomaliya Maxamed Qalaf Aadan (shongolle).
Gudoomiyaha cusub ee xiriirka kubadda cagta faarax sindiko oo dhowaan laga qaadey ganaax ka saarnaa dhinaca cayaaraha soomaliya iyo kan qaaradda afrika ayaa isaga oo jooga dalka mareykanka waxaa uu qadka telefoonka uga war bixiyey kongresskaasi sida uu dareenkiisu yahay isaga oo kooxaha doortey iyo kuwa maqnaaba u balan qaadey in isbedel weyn uu ku soo kordhin doono kubadda cagta soomaliya.
Lama garan karo halka uu ku danbeyn doono xaalka kubadda cagta ee soomaliya iyadoo sadex gudoomiye iminka uu marayo tan iyuo markii 15kii may 2006 doorasho ay fifa goob joog ka ahayd lagu qabtey magaalada baydhaba hase yeeshhee gudoomkii xiligaasi ee muxudiin darbo weyne laga qaadey 12kii marso 2007 ka dib markii lagu soo eedeyey ku takri falid dhaqaalaha xiriirka.waxaana iminka uu faarax jagada kala wareegey waa hadii la aqoonsado gudoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee siciid maxameed muganbe. oo aan maantasoo xaadirin xafladaasi.
Cabdul Xafiid "zaciimka" muqdisho