Xafladdaasi oo si aad u heer saraysa loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo dhawaynayey martida kala ah Dr yuusuf Maxamed Maxamuud «Shaqaaq» (Kubadda cagta naadigii Jeenyo iyo Qaranka), Axmed Muuse Xuseen (kubadda kolayga naadigii Batroolka iyo Qaranka), Nuuraddiin Cali Saciid (Kubadda kolayga naadigii Badda iyo Qaranka), Axmed Maxamed Cali «Abaliisha» (Kubadda cagta Gaadiidka, Madbacadda iyo Horseed), Macalin Bashiir Cabdi (kubada kolayga ganacsiga) iyo martisharaf kale ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa odayaal ka mid ah bahwaynta cayaaraha ee iyo bahda waqooyiga London oo badani ku dhamaayeen xalay halkaasi.
Isbarasho iyo kaftan xasuus xambaarsanaa ka dib ayaa waxaa asaga oo ku hadlaaya magaca bahwaynta magaalada London gaar ahaan waqooyiga «North London» si rasmi ah u furay uguna soo dhaweeyey martidan magaaladan gaar ahaan Tottenham odayga bahda cayaaraha ee London Axmed Cabdi Daahir «Axmed Shell» wuxuuna ku amaanay bahwaynta waqooyiga London sida ay had iyo goor ugu muujiyaan qalbiga iyo niyadda wanaagsan walaalahooda kale ee martida ku ah magaalada wuxuuna kula dardaarmay goobjoogayashii xafladda in aysan xusuusta ku ekayn kuwa magaaladan ugu yimaada balse ay ku daraan sidii ay u caawin lahaayeen bahwaynta kale ee dalka ku dhibaataysan.
Axmed Shell ayaa sidoo kale halkaasi ka xusay in ay lama huraan tahay in la sameeyo sanduuq lagu taageerayo bahwaynta cayaaraha dalka si buu yiri ay u yaraato dhibaatooyinka laga soo sheegayo walaalaheena kale.
Sidoo kale waxaa asaguna la wareegay cod baahiyaha Cali Xabad Waasuge oo ku magac dheer «Cali Shabeel» kuna hadlayey magaca dhalinyarada waqooyiga London wuxuuna halkaasi ka xusay xasuustiisa ku aadan cayaartoyda qaranka asagoo ka sheekeeyey markii ugu horeysay ee uu maqlay magaca Nuuraddiin Cali Saciid oo sida uu sheegay loogu sheegay in uu jiro nin asagoo fadhiya dhaliyey gool cayaar kubadda kolayga ah , ka dibna aan habeenkii kale ee ay kooxda Badda cayaaraysay u tagnay in aan soo daawano ninkaas oo ahaa Nuuraddiin.
«Waxaan adduunkan ka maqalnaa waxaa jira Micheal Jordan oo asaga oo sii jeeda dhaliyey gool laakiin waxaan anaguba qabnaa cayaartoy ayaga oo fadhiya dhaliyey gool laakiin waxaa nala dheeraa telifishanka» ayaa ka mid ahaa hadaladii Cali Shabeel.
Intaasi ka dib ayaa waxaa asaguna halkaasi ka hadlay Axmed Nuur Maxamed Xaashi «Sayga» oo ka mid ah odayaasha sida aadka ugu dhexjira horumarinta dhalinta qurbaha waxa uuna soo dhawayn ka bacdi si aad ah uga falooday sida ay lama huraan u tahay in la isugu yimaado isla markaana loogu gurmado walaalaha ku dhibaataysan dalkii hooyo iyo waliba dacalada dunida asagoo kula dardaarmay in aan hadal kaliya loo baahnayn balse loo baahanyahay waxqabad dhab ah.
Xafladdan oo ay dad aad u badani xalay ka hadleen isla markaana la isku waydaarsaday fikrado ayaa waxaa asaguna ka hadlay Dr Yuusuf Shaqaaq oo ka mid ahaa cayaartoydii loogu jeclaa dalka hadana ku nool dalka Canada wuxuuna amaan aan la soo koobi karin u jeediyey bahda waqooyiga London oo ku tilmaamay saaxiibka bahwaynta cayaaraha guud ahaan gaar ahaan asaga Yuusuf ahaan wuxuuna xusay in caawa aysan ahayn markii ugu horeysay balse ay bahdani horey xafladdan oo kale ugu soo dhaweeyeen taasoo buu yiri ii muujinaysa wanaaga iyo sharafta ay u hayaan walaalahooda kale wuxuuna ku booriyey in ay halkaasi ka wadaan.
Dr Shaqaaq ayaa dhinaciisana ku guubaabiyey bahwayntan arinta taakulaynta bahwaynta gudaha ayna horseed u noqdaan bahda kale ee ku dhaqan dibadda maadaama ay reer London yihiin kuwa ugu balaaran wuxuuna xusay in ay dhinacooda haddii alaha awoodda lihi ogolaado ay ayaguna isku baraarujin doonaan sidaas oo kale.
Xiddigii hore ee kubadda kolayga ee naadigii Batroolka iyo qaranka Axmed Muuse Xuseen oo asaguna ka hadlay xafladdaasi ayaa si farxad leh u yiri markii hore waxaan ahaan jirnay koox koox oo kooxwaliba kaligeed ayaa meel ku damaashaadi jirtay hadase waxaan noqonay hal koox oo midaysan taas ayaan a lagu gaari karaa hadafkeena ah iswalaalaysiga.
Axmed Muuse ayaa dhinaca kale uga mahadceliyey dhalinyaradan soomaaliyeed ee aan shaqsi ahaan u aqoonin ayaga balse gartay sharafta cayaartoydii hore ee dalka sida walaaltinimada leh ee ay u soo dhaweeyeen taasoo uu yiri ku reebaysa kalgacayl iyo xasuus dheer.
Odayaal reer waqooyiga London ah oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Macalin, Maxamed Axmed Daysane iyo C/Laahi dhumaaye oo dhamaantood ka hadlay halkaasi ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey walaalahood magaalada London waxayna xafladdaasi habeen hore u ahayd reer waqooyiga London mid xasuus badan ku reebi doonta.




