|    Register
 
Tuesday, October 07, 2008
Article Details
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Tacsi reer Cali Yuusuf

Waxaa ilaahay janadii fardawsa ahayd ha ka waraabiyee ku geeriyooday isla markaana lagu aasay maanta magaalada Minnesotto ee cariga maraykanka aabe Cali Yuusuf oo ah aabihii dhalay cayaaryahankii kubadda kolayga ee naadigii Jeenyo Axmed Cali Yuusuf "Dhabaryare".

Hadaba dhamaan bahwaynta cayaaraha ee magaaladan London gaar ahaan dadka magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Axmed Cali Yuusuf " Dhabaryare", C/Qaadir Cali Yuusuf "Waac" iyo dhamaan reer Cali Yuusuf geeridan naxdinta leh ee ku timid aabahood waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Tifatiraha shabakadda cayaaraha Maxamuud Ismaaciil, guddoomiyaha ururka new generation somali sports and cultural C/Qani C/Laahi Wehliye " Jeenyo", Cusmaan Xuseen Xaaji "Shiis", Xaawo Sheakh Axmed "Xaawo Taako", Shukri Maxamed Dhalbaas, Axmed Maxamed Abuukar "B", Maxamed Buuwe, Axmed Cabdulle Xirsi "Axmed Bile", Macalin Bashiir Cabdi daahir iyo Cabdijabaar Sheakh Axmed Iimaan.

       -----------------------------------

Bashiir Yuusuf "Fox", Maxamed Sheakh, Afwayne iyo macalin Xasan Cafiifi iyo dhamaan bahwaynta sport ga ee dalka Qatar waxa ay tacsi taa la mid ah u dirayaan dhamaan qoyska reer Cali Yuusuf gaar ahaan Axmed Cali Yuusuf "Dhabaryare" geeridan naxdinta leh ee ku timid aabahood waxayna ilaahay uga baryeen in uu janatul fardawsa geeyo. Aamiin.

      -----------------------------------------

WAXAAN TACSIYO U DIREYNAA CAYAARTOYDII JEENYO EE K.KOLEYGA AXMED CALI YUSUF (DHABARYARE) OO AABBIHII KU GEERIYOODAY GOBOLKA MANNASOTTO (MAREYKANKA) MARXUN CALI YUSUF INUU ILLAAHEY JANNADUL FARDOWSA UGU BARYEYNAA, EHELADIISAN SAMIR IYO IIMAN KA SIIYO AAMIIN.
 
WAXAA TACSIYADAAS SOO DIRAYAAN CAYAARTOYDA KALA AH  XASAN ABATI,CABDI XALWO,XUSEN DHEERE, CABDULRISAQ UGAAAS, NAJIIB CIISE, CARAB DHEERE, SACIID DHEERE, XASAN MUUSE, CUMAR CADDE, KHADAR, GUULED, SUCAADO DIIRIYE, C/LAAHI CADDE, ISAAQ DHEERE, SHACADOW, SAACID DHEERE, MUSLIMIIN, SAMATAR JENYO.
 
WAXAAN MAR LABAAD LEENAHAY  AXMED CALI YUSUF (DHABARYARE) IYO CABDULQADIR CALI YUSUF (WAAC) SAMIR IYO IIMAAN ILLAAHEY IDIN KU SIIYO AABIHIINA MARXUN CALI YUSUF JANNADUL FARDOWSA AAMIIN.

       ------------------------------------

Aniga oo ah Mohamud Hagi-Ibrahim ( Khaliif ) aan tacsi tiiraanyo leh u diraayaa, saaxiibkey Axmed Cali Yuusuf(Dhabaryare ) iyo dhamaan dadkii iyo eheladii u geeriyooday Xaaji Cali Yuusuf.
 
Waxaan ilaah uga baryaa Xaaji Cali Yuusuf inuu jannada guri uga dhiso eheladi iyo dhamaan dadkii u ka tagayna samir ka siiyo, gaar ahaan saaxiibkey Axmed Cali Yuusuf( Dhabaryare )
 
Khaliifaani
Budapest.

       --------------------------------------

Fadlan tacsidaada noogu soo hagaaji cayaaraha@yahoo.co.uk    


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/2/2008
Number of Views: 539

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use