|    Register
 
Tuesday, October 07, 2008
Article Details
Kooxda Alhijra oo ku guulaysatay koob ay ka qaybqateen in ka badan 60 kooxood.

Kooxda Alhijra oo ah koox ay leedahay jaaliyadda soomaaliyeed ee waqooyiga London ayaa xalay ku guulaysatay koobka Astra Cup ee Islington Midweek ka dib markii ay kooxda Queys rigoorayaal uga adkaatay. 

Koobkan oo dhexmarayey kooxo kor u dhaafay 60 kooxood oo isugu jiray saddex heer oo kala duwan una qaab eg midka FA Cup ka ayaa waxaa ay dhalinta soomaaliyeed muujiyeen cayaar wanaag iyo dulqaad aad u sareeya taasoo ay ku mutaysteen in ay soo gaaraan cayaartii Final ka ahayd ayga xalay uga hortageen koxda Queys oo ayaduna ka dhisan waqooyiga magaaladan London.

Cayaartan oo ay daawashadeeda ka soo qaybgaleen madaxda ururka qabanqaabiya tartamadan Islington Midweek, cayaartoyda kooxaha qaarkood iyo waliba dadwayne fara badan oo soomaaliyeed oo taageero siinayey kooxda soomaaliyeed ayaa runtii waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo ay xitaa qireen madaxdii maamulkii tartanka in cayaartani ahayd  Finalkii ugu wanaagsanaa sanadihii ugu dambeeyey.

Inkastoo ay kooxda Queys ahayd mid aad u adag hadana dhalinta Alhijra ayaa waxay la xalay la soo shir tageen caaboonaan iyo diyaar garow dheeraad ah ayagoo gool kala hormary kooxdii ka soo horjeeday daqiiqaddii 30aad kaasoo uu madax ku dhaliyey cayaaryahan Wiskis, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay Alhijra ku hogaaminaysay.

Captain Yusuf.JPG

Markii la isugu soo laabtay qaybtii dambe ee cayaarta ayey kooxdii Queys daqiiqaddi 48aad  heleen goolkii barbaraha oo ay madax ku dhaliyeen kubad korner ahayd, daqiiqadii 50aad ayey kubad weerar celis ah oo aad u qurux badnaa uuna hoggaaminaayey Jamal uu kubbad qurxoon u soo salaxay Maxamud Jamac "MJ" kaasoo goolkii 2aad kooxda Alhijra shabaqa ugu hubsaday, muddo ka yar 15 daqiiqadood ka dib goolkii Alhijra ayey daqiiqadii 65aad kooxda Queys heshay goolkii barbaraha ka dib markii uu kubbad qurxoon uu ka korqaaday ciyaartoyga u sitay No 2 Golhaye Mo.

Cayaarta oo ay gacansaraynteeda mar walba hayeen kooxda Alhijra ayey mar kale daqiiqadii 70aad uu cayaaryahan Maxamed "Germany" gool aad u qurxoon oo uu kasoo laaday meel goosha u jirta 30 yard u saxiixay Alhijra.balse kooxda Queys oo aan ayadu xaly sidaasi ku harayn ayaa mar kale heleen goolkii bareejada daqiiqadii 85aad ka dib is afgaranwaa dhexmaray difaacii Alhijra, kaasoo runtii la oran karay waxa uu ahaa gefkii ugu horeeyey oo ay ciyaartan sameeyaan cayaartoyda koxda Alhijra.

Alhijra waiting-cup.JPG

Ka dib markii ay 3-3 cayaartii waqtigii loogu tala galay kusoo idlaatay ayaa sidii caadada u ahayd tartankan waxaa la dhigay rigoorayaal si loogu kala baxo, kooxda Queys ayaa ku hormartay qaadashada regoorayaasha kaasoo ciyaaryahankoodii ugu horeeyey u dusha sare mariyey markii uu goolhaye Mo u yareeyey goolka, waxay sidoo kale qasaariyeen laadkoodii 5aad halkaas oo ay Alhijrana dhaliyeen 4tii laad oo ugu horeysay sidaasna ku qaadeen koobkii Astra Cup ayagoo noqonaya kooxdii ugu horeysay ee soomaaliyeed ee ku guulaysata koobkan.

Isku soo duuboo cayaartu waxay ahayd mid aad u xiiso badan Ciyaaryahanada Alhijrana waxay soo bandhigeen cayaar aad u qurxoon oo soo jiidatay dadkii usoo daawasho tagay, waxayna xalay u ahayd garoonka Market Road iyowaliba waqooyiga London fagaaro farxadeed oo ay dhalinyarada soomaaliyeed ugu damaashaadayeen guushan ay gaareen.

Capt yu +team.JPG

Celeb.JPG

Rabi+mohmud+Deqow.JPG

Nasir+Deqow.JPG

Rabiic+Mohmud.JPG

Golhaye MO.JPG

players-caryingcoach-rabic.JPG


Written By: Mohamud
Date Posted: 5/30/2008
Number of Views: 637

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use