Ciidamo ka tirsan DF oo toogasho ku dilay ciyaartooy ka tirsan xulka Qaranka Soomaaliyeed
Qeybaha kala duwan ee bahda isboortiga Soomaaliyeed iyo guud ahaan xiriirada hoos yimaada GOS ayaa maanta cambaareeyey dil bareer ah oo maalintii shalay ciidamada DF Soomaaliya ugu geysteen degmada Shibis mid ka mid ah ciyaartooyda xulka Qaranka S ee da’doodu ka hooseyso 17-sano jirka oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariistee marxuum Cumar Xasan Cali (Isgoo).
Ciyaartoygaasi geeriyooday oo sidoo kale ka mid ahaa laacibiinta uu ku dhaarto naadiga kubada cagta ee FC Elman oo ka mid ah naadiyada heerka koowaad ee dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tartamo kala duwan oo ka kala dhacay gudaha iyo dibeda dalka. kuwasaoo uu ka muujiyey wacdaro aad aad u weyn oo ciyaar wanaag uu ku kasbaday magac iyo maamuus fara badan, waxaana sidoo kale uu marxuumkan uu soo ciyaaray kooxaha ay ka mid yihiin Qodxaaley, Savana iyo kuwo kale oo ka dhisan dalka Somalia.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda kulan iskugu yimaado iyagoo ka arinsanaya dilka ciyaartooygaasi ay kula kaceen ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dilkan uu ku soo beegmay xilli garoonka kubada cagta ee Istaadiyo Muqsisho aan muddo sanad ka badan lagu qabanin wax tartarmo ah ka dib markii ay fariisimo milateri ka dhgteen ciidamada Itoobiya ee xoogga ku soo galay dalka, kuwaasoo illaa imika degan.
Xigasho dayniile.com
Written By: Mohamud
Date Posted: 5/27/2008
Number of Views: 462
Return