Qormadayada One 2 One oo aan xiddigan ku waraysan doono waxay aad uga duwan tahay kuwii hore waxaanan akhristayaasheena u bandhignay in ay su'aalo soo waydiiyaan ayagoo nagala qaybqaadanaya barnaamijkan taasoo ay qaar badan oo ka mid ah akhristayaasha ay soo waydiiyeen xiddigan su'aalo aad muhiim ugu ahaa barnaamijkan iyo waliba taariikhda sport ga dalka.
Salaan ka dib waxaa caado kuu ahaan jirtay in ad gacanta bidix qaloocisid marka aad ordaysid ma xasuusan kartaa sidii aad ku bilowday mise cayaartoy kale ayaad uga dayatay?
Sidee adiga Cafiif ahaan iyo saaxiibadaadii sida M.Ismaaciil; Shaash, C/Ladiif, Shaarkeey iyo kuwii kaleba u arkeen sida loo koolkooliyay markii uu soo noqday cayaartooygii weynaa Saciid Ducaale oo sida aan maqalney xitaa lacag lagu siiyey soo laabashadiisii ayadoo aay kooxda Horseed iyo Qarankaba aay markaasi u shidnayd adiga iyo saaxiibadaada kale?
Ma xasuusan kartaa goolkii kuugu qurxoonaa oo aad u dhalisid kooxda Horseed iyo guud ahaan goolashii aad u dhalisay kooxdaasi?
Suaalaha kor ku xusan ayaa ka mid ah su'aalaha aan jawaabahooda idinkugu soo gudbin doono barnaamijkeena cayaaraha Vs Cafiifi haddii alaha awoodda lihi ogolaado.
Your questions will be answered directly by Somali Football legend Hassan Cafiifi Yahya.
Goor dhaw kala soco cayaaraha.com